Wararka

Faafaahin kasoo baxaysa dabkii ka kacay dhismo ku yaala magaalada Dubai.

0 Visits: 747 | Friday January 01, 2016 - 19:40:45
Dawlada Imaaraatka Carabta ayaa sheegtay inay in ka badan 90% ay ku guulaystaan inay bad baadsheen dadkii iyo hantidii dhex taalay dhismaha hotel u dhaw dhismaha dunnida ugu dheer ee ku yaala magaalada Dubai oo xalay fiidkii uu dab qabsaday.

Read More »

Booliska Jarmalka oo heegan la geliyay iyo labo saldhig laga raaco Tareenada oo la xiray

0 Visits: 757 | Friday January 01, 2016 - 18:23:30
Booliska Jarmalka ayaa heegankii ugu sareeyay la geliyay, kadib markii ay soo baxday cabsi laga qabo weeraro argagixiso oo ka dhaca magaalada Munich. Labo saldhig laga raaco tareenada oo ku yaalla magaalada Munich ayaa la xiray, iyadoo xalay saqdii dhexe laga daad-gureeyay dadkii ku sugnaa.

Read More »

Dagaal beeleed dib uga soo cusboonaaday Gobolka Hiiraan

0 Visits: 819 | Friday January 01, 2016 - 18:19:58
Dagaal u dhaxeeyay labo maleeshiyo beeleed ayaa dib uga soo cusboonaaday gobolka Hiiraan, iyadoo dagaalada ay ka dhaceen deegaanka Buq-goosaar oo Beledweyn kaga beegan dhanka Galbeed.

Read More »

Soomaali laga eryay Shirkad ay ka shaqeynayeen, markii loo diiday inay Salaad dukadaan

0 Visits: 728 | Friday January 01, 2016 - 18:17:00
Illaa 200 oo ruux shaqaale Muslimiin ay u badnaayeen Soomaaliya ayaa shirkad soo saarta Hilibka oo ku taala Gobolka Colorado ee dalka Mareykanka, kadib markii ay cabashi ka muujiyeen in shirkada ay u diiday inay dukadaan Salaada xilliyada shaqada.

Read More »

Baarlamaanka Somaliya oo ansaxiyay miisaaniyadda dowladda sanadka 2016, oo ah 246 milyan oo dollar

0 Visits: 765 | Friday January 01, 2016 - 00:05:16
Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, ayaa meel mariyay ku talagalka Miisanaiyadda Qaranka ee sanadka 2016-ka kaddib kulan ay mudanayaashu khamiistii ku yeesheen xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho.

Read More »

C/Weli Sheekh Axmed oo magaalada Baydhaba kulan albaabada u xiran kula qaatay Madaxweyne Shariif Xasan

0 Visits: 732 | Thursday December 31, 2015 - 23:57:10
Magaalada Baydhaba waxaa ku sugan wafdi uu hoggaaminayo Ra'iisal Wasaarihii hore ee Dowladdii KMG ahayd C/Weli Sheekh Axmed, waxaana halkaasi ku soo dhoweeyay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Read More »

Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo R/Wasaaraha oo Nairobi kaga qeyb galay kulan ku saabsan dib u eegista Dastuurka

0 Visits: 794 | Thursday December 31, 2015 - 23:52:15
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) oo uu wehliyo kuxigeenkiisa Koowaad iyo Ra'isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke ayaa maanta ka qeyb galaykulan howleed magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya uga soconaya…

Read More »

Booliska Jabuuti oo xabsiga dhigay Wasiirkii hore ee Arrimaha Diinta iyo Awqaafta

0 Visits: 673 | Thursday December 31, 2015 - 23:50:16
Booliska Jabuuti ayaa xabsiga u taxaabay Wasiirkii hore ee Arrimaha Diinta iyo Awqaafta Xaamud Cabdi Suldaan oo 21-kii bishan ku dhaawacmay rabshadihii ka dhacay magaalada Jabuuti.

Read More »

Al-Shabaab oo shan ruux ay ku eedeeyeen basaasnimo ku fulisay toogasho iyo gowrac

0 Visits: 797 | Thursday December 31, 2015 - 23:45:18
Al-Shabaab ayaa maanta shan ruux oo lagu eedeeyay inay ahaayeen basaasiin ku fulisay dil, halka mid ka mid ahna la gowracay, iyadoo dilkan lagu soo beegay maalintii u dambeysay ee sanadka 2015.

Read More »

Daawo Sawirada: Dab xoogan oo qabsaday dhismo ku dhow daarta adduunka ugu dheer ee Burj Khaliifa

0 Visits: 721 | Thursday December 31, 2015 - 23:42:41
Dab xoogan ayaa qabsaday hotel dheer oo ku yaal bartamaha magaalada Dubai ee dalka Isu taga Imaaraadka Carabta. Hotelkan oo lagu magacaabo The Address waxaa uu ka kooban yahay 60 dabaq, waxaana uu ku dhow yahay dhismaha adduunka ugu dheer ee lagu magacaabo Burj Khaliifa.

Read More »

Ciidamada Kenya oo xiray xuduuda Somaliya iyo Kenya

0 Visits: 707 | Thursday December 31, 2015 - 16:11:05
Waxaa ku si meel gaar ihi loo xanibay isu socodkii dadka ee dalalka Somaliya iyo Kenya, illaa iyo inta ay socdaan dabaaldegyada lagu soo dhawaynaayo sanadka cusub ee 2016-ka.

Read More »

Gaari ay leeyihiin Ururka Al Shabaab oo maanta lagu qabtay Degmada Qoryooley

0 Visits: 603 | Thursday December 31, 2015 - 15:50:26
Gaari sida la sheegay ay leeyihiin Ururka Al Shabaab, ayaa waxaa maanta lagu qabtay afaafka hore Degmada Qoryooley Ee Gobolka Shabellaha Hoose, xilli ay hawlgal ka wadeen Ciidanka Nabad Suggida.

Read More »

Ciidamada Uganda oo si weyn u adkeeyay ammaanka dalkaasi iyo Cabsi laga qabo weerar Al-Shabab.

0 Visits: 653 | Thursday December 31, 2015 - 15:32:55
Michael Odongo Afhayeenka Boliska Uganda ayaa sheegay inay Ciiddamo badan dhigeen xuduudaha laga soo galo ee degmooyinka Busia iyo Malaba ee Bariga Uganda, xilli loo diyaar garoobayo Dhalashadda sannadka cusub ee 2016-ka ee Taariikhda Miilaadiyadda.

Read More »

Tahriibayaal ay ku jiraan Soomaali oo lagu xir xiray dalka Costa Rica.

0 Visits: 682 | Thursday December 31, 2015 - 15:25:08
Dawlada wadanka Costa Rica ayaa sheegtay inay xirtay 51 ruux oo 9 kamid ah ay Soomaali yihiin kuwaasoo la sheegay inay si sharci darro ahku galeen wadankaas.

Read More »

Maamulka oo amar ku bixiyay inaan la kirayn karin hoteelada, guryaha iyo gawaarida gaarka loo leeyahay

0 Visits: 594 | Thursday December 31, 2015 - 15:16:25
Maamulka Gobolka Shebellaha Dhexe, ayaa waxaa uu soo saaray awaamiir uu ku xoojinaayo amniga Magaalada Jowhar, maadaama sida la qorsheeyay ay Jowhar martigelinayso Shirka Maamul U Samaynta Gobolada Hiiraan & Shabellaha Dhexe.

Read More »

Maxaabiista Xabsiga Dhexe ee Xamar oo isbedel laga dareemaayo Sawirada Daawo:-

0 Visits: 814 | Thursday December 31, 2015 - 15:13:44
Waxaa isbedel weyn laga dareemayaa Maxaabiista ku xiran Xabsiga Dhexe ee Xamar, kadib markii Taliyaha ciidanka Asluubta Somaliyed Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) uu dadaal badan ku bixiyay isbedel inuu ka hirgeliyo Xabsiga.

Read More »

Madaxweynaha Somaliya oo Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga kulan kula leh Saraakiisha ciidamada Millateriga

0 Visits: 676 | Thursday December 31, 2015 - 14:54:17
Wararka laga helaayo Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga ee Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somaliya uu ka qaybgalaayo kulan ay isugu yimaadeen Saraakiisha ciidamada Millateriga iyo Madaxda Dowladda.

Read More »

Brussels oo laga mamnuucay in lagu qabto Xaflado lagu soo dhaweynaayo 2016, sababo amni awgeed

0 Visits: 571 | Thursday December 31, 2015 - 14:50:16
Iyadoo ay caawa ku began tahay sanadka cusub ee 2016 oo caalamka looga dabaaldegaayo soo dhaweynta sanadka cusub, ayaa Magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka waxa uu mamnuucay u dabaal dega sanadka cusub, sababo dhanka ammaanka ku saabsan.

Read More »

Wasiirka Maaliyadda oo maanta lagu wado inuu hor-tago Baarlamaanka

0 Visits: 674 | Thursday December 31, 2015 - 11:51:17
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Fargeeti ayaa lagu wadaa inuu hor-tago Baarlamaanka Federaalka, si wax looga weydiiyo Miisaaniyada sanadka 2016 oo hor-yaala Baarlamaanka.

Read More »

Madaxweynaha Nigeria oo markii ugu horeysay sheegay in sharuud la'aan ay wada hadalo kula furayaan Boko Haram

0 Visits: 632 | Thursday December 31, 2015 - 11:48:37
Madaxweynaha Nigeria, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday markii ugu horeysay inay si sharuud la'aan ihi wada hadalo kula gelayaan Ururka Boko Haram, oo ku xoogan Waqooyiga Nigeria.

Read More »