
Kenya oo macalin la'aan awgeed albaabada isugu dhufatay xarumihii waxbarashada
Warka ka soo baxay Wasaarada Waxbarashada Kenya ayaa lagu sheegay in fasalka koowaad dugsiga hoose illaa iyo fasalka toddobaad ee dugsiga dhexe iyo fasalka koowaad ee dugsiga sare illaa iyo fasalka 3aad ee dugsiga sare ay guryahooda aadi doonaan maadaama ay jirto shaqo joojin ay sameeynayaan macalimiinta.
Wasaarada Waxbarashada Kenya ayaa ka codsatay macalimiinta inay ilaaliyaan imtixaanaadka fasalada 8aad iyo fasalada 4aad ee dugsiyada sare. Ardayda u fariisan doonto imtixaanaadka shahaadiga ee dugsiyada dhexe ayaa lagu sheegay in ay gaarayaan 937,467 KCPE halka ardayda fasalka 4aad ee dugsiyada sare lagu sheegay tiradooda 525,802 KCSE.
Macalimiinta dalka Kenya ayaa ku dhaqaaqay shaqo joojin iyagoo ka dalbaday dowlada inay kordhiso mushaaraadka ay qaataan, hase yeeshee dowlada Kenya ayaa weli ku adkeysanaysa in aysan mushaarka aysan u kordhin karin macalimiinta.
Kenya oo macalin la'aan awgeed albaabada isugu dhufatay xarumihii waxbarashada
Dowlada Kenya ayaa amartay in albaabada la isugu dhufto dhammaan xarumaha waxbarashada ay dowlada gacanta ku hayso iyo gaarka loo leeyahay kadib markii ay saameyn ku yeelatay shaqo joojin ay sameeyeen macalimiinta dugsiyaa Kenya. Hase yeeshee, Was