AMISOM oo qabatay kulan lagu Dhiirri-gelinayay Dhallinyarada Soomaaliyeed (SAWIRRO)

0
Friday September 18, 2015 - 22:38:43 in Wararka by
  • Visits: 905
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    AMISOM oo qabatay kulan lagu Dhiirri-gelinayay Dhallinyarada Soomaaliyeed (SAWIRRO)

    Xarunta AMISOM ee Muqdisho ayaa waxaa Shalay lagu Qabtay kulan Ujeeddadiisu ahayd in Dhallinyarada Soomaaliyeed lagu Dhiirri-geliyo sidii ay uga Qayb-qaadan lahaayeen Hawlaha Siyaasadeed ee ka socda Somalia. Kulankan oo uu soo Agaasimay Xafiiska M

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xarunta AMISOM ee Muqdisho ayaa waxaa Shalay lagu Qabtay kulan Ujeeddadiisu ahayd in Dhallinyarada Soomaaliyeed lagu Dhiirri-geliyo sidii ay uga Qayb-qaadan lahaayeen Hawlaha Siyaasadeed ee ka socda Somalia. Kulankan oo uu soo Agaasimay Xafiiska Midowga Arrimaha Bulshada ee AMISOM ayaa looga Hadlay sidii Dhallinyaradu ay u fahmi lahaayeen Siyaasada dowladda, sidii ay doodo u yeelan lahaayeen iyo weliba sidii ay uga qaybgeli lahaayeen Geeddi-socodka siyaasadeed ee Dalka.
Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Somalia, Maxamed C/llaahi Xasan oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa Sharraxaad ka bixiyay Qorshayaasha dowladda Somalia ee ku aaddan sidii Dhallinyaradu ay qayb uga qaadan lahaayeen Geeddi-socodka siyaasadeed ee dalka iyo sidii loo hirgelin lahaa arrintaas.

"Ujeeddooyinka aan ku gaari karno Hiigsiga 2016-ka waxaa ka mid ah inaanu la nimaanno midnimo iyo aqoon. Waana taas midda aan ku Gaari karno ujeeddooyinka aan Higsanayno. Sidaas darteed, Dhallinyarada Soomaaliyeed ma Awoodi doonaan inay Hadafkaas Gaaraan iyagoo aan muujin isku xirnaan, laga billaabo Magaalada Muqdisho illaa gobollada dalka,” ayuu yiri Wasiirku.

thumbnail

thumbnail
thumbnail
thumbnail
thumbnail
thumbnail
thumbnail
thumbnail

Sidoo kale, Ergayga Midowga Afrika ee Arrimaha Soomaaliya, Ahna Madaxa AMISOM, Danjire Maman S. Sidikou oo Isaguna ka Hadlay Kulankaan ayaa Xusay in Dhallinyarada Soomaaliyeed laga doonayo inay Qayb ka Qaataan Dib-u-dhiska Dalkooda Soomaaliya.

"Bulsho walba oo illowda dhallinyaradeed way Fashilantaa.. Sidoo kale, Ummad Walba oo cabsi ka qabta in dhallinyaradeedu ay wax bedeli karaan iyaduna way fashilantaa. Haddaba Mustaqbalka Soomaaliya waa dhallinyarada, Sidaa awgeedna waxaan rabnaa dhallinyarada Soomaaliyeed ay kaalin muhiim ah ku yeeshaan dhamaan howlaha socda, sida siyaasadda, horumarka iyo amniga si dalkooda ay is-bedel ka duwan sidii hore ugu horseedaan,” ayuu yiri Danjire Sidikou.

Faadumo Cabdi Warsame oo ka socotay Ururrada Bulshada Rayidka ah oo iyaduna goobta ka Hadashay ayaa xustay in dhallinyarada Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay Aqoon-tooda tijaabiyaan, isla markaana ay gacan ku yeeshaan howlaha ka socda wadankooda sida isbedellada siyaasadeed.

"Waxaan doonaynaa Dhallinyarada inay Qayb ka Qaataan Arrimaha Siyaasadda. Waxaan kaloo Doonaynaa in la Billaabo sidii ay Door muuqda loogu yeelan lahaa Wada-tashiyada Dalkeenna ka socda, Gaar ahaan marka ay timaado xilliga doorashada. Waayo waxaa 80% Awoodi karnaa inaan isbedel ka sameyno dalkeenna,” ayay tiri Faadumo Warsame.

Ugu dambeyn, Madaxda AMISOM ayaa ayaa xusay in Tallaabadan ay qayb ka tahay Qor-shayaasha ay ku Taageerayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Sida xoojinta Hay’adaha dowladda, tababarida Bulshada iyo Ciidamada iyo sidoo kale Wacyi-gelinta Bulshada si ay uga Qayb-qaataan Dib-u-dhiska Dalkooda.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip