WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 16-KA SEBTEMBAR 2015-KA

0
Wednesday September 16, 2015 - 10:02:45 in Wararka by
  • Visits: 1296
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 16-KA SEBTEMBAR 2015-KA

    BULSHADA CAASIMADDA MUQDISHO OO TAAGEERAY WAXQABADKA GUDDOOMIYE MUUNGAAB.. Kulan weyn oo shalay ka dhacay Muqdisho oo uu soo qaban qaabiyay Malaaqa Xamar iyo Xamar daye Malaaq Cali Malaaq Maxamed Malaaq Hiloowle, laguna qabtay hoyga uu ku leeyahay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

BULSHADA CAASIMADDA MUQDISHO OO TAAGEERAY WAXQABADKA GUDDOOMIYE MUUNGAAB.. Kulan weyn oo shalay ka dhacay Muqdisho oo uu soo qaban qaabiyay Malaaqa Xamar iyo Xamar daye Malaaq Cali Malaaq Maxamed Malaaq Hiloowle, laguna qabtay hoyga uu ku leeyahay degmada C/casiis ayaa waxaa ay bulshada ku dhaqan caasimadda ku taageereen Waxqa-badka Maamulka Gobolka Banaa dir oo uu hogaaamiyo Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab). Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay odayaasha dhaqanka, dhalinyara da, haweenka, Malaaqa Xamar iyo Xamar daye, qaar ka mid ah Guddomiyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir, Guddomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Cadde Gaaboow iyo Xildhibaan Qaasim Cali Nuur (Furdug)

Odoyaashii dhaqanka ee kala duwanaa ee goobta ka hadlay ayaa carab ka ku adkeeyey sida ay u tageersan yihiin waxqabadka muuqda ee Maamulka Gobolka Banaadir haddii ay ahaan lahayd ammaanka, dib udhiska, nalaynta wadooyinka iyo soo celinta billicda Caasimadda, waxayna sheegeen in ay garab taagan yihiin maamulkiisa una hambalyeeynayaan mar walba.

Guddomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen ayaa uga mahad celiyay Bulshada ka soo qeyb gashay kulanka oo horkacayay Malaaqa Xamar iyo Xamar daye taageeradooda, isagoo goobta ka sheegay in waxqabad ka kala duwan ee maamulka Gobolka ku tallaabsaday ay sabab u tahay Alle ka sokoow taageerada Bulshoweynta ku dhaqan caasimadda Muqdisho.

"Malaaqa Xamar iyo Xamar daye waxaa laga sugayaa kaalinta hogaamin ta bulshada ee heer dhaqan waxaana uu hogaan dhaqan u yahay umadda Caasimada iyo hareeraheeda degta anagana ka maamul ahaan waxaan ku ixti raami doonaa ugana dambeybeynaa hogaankaasi dhaqan waana la tashanay naa mar walb arrimaha ku aaddan dhaqanka iyo bulshada”ayuu yiri Guddoomiye Muungaab.

Ugu danbeyn ayaa waxaa goobta ka hadlay Malaaqa Xamar iyo Xamar daye oo hadalo mahadnaq iyo duco ah ka jeediyay kulanka, waxaana uu si gaar ah ugu mahad celiyay Duqa Caasimada Muqdisho doorkii uu ku lahaa caleema saarkiisi iyo sidoo kale waxaa uu ku amaanay waxqabadka muuqda ee uu ka qabtay Caasimadda isagoo balan qaaday inay taageersan yihiin

CIIDAMADA NISA OO GACANTA KU DHIGAY GACAN KU DHIIGLE DIL KA GEYSTAY DULEEDKA JOWHAR

Ciidamada Nabad sugida maamulka gobolka Shabeelaha dhexe ayaa ku guuleystay iney gacanta ku soo dhigaan Ruux gacan ku dhiigla ah oo habeen hore qof rayid ah ku dilay deegaan duleedka bari ka ah magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.

Howlgal qorsheysan oo Ciidamada NISA ay ku doonayeen iney ku baacs adaan shaqsiga gacan ku dhiiglaha ayaa u suurta gashay gacanta ku soo dhiga an Xilli uu ku sugnaa deegaana Geeda Barlaan oo ka mid ah Tuulooyinka Hoos taga degmada Jowhar.

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Feysal Buxuur oo ka mid ahaa raga Qaadka/Jaadka ka ganacsada ee ku dhaqan magaalada Jowhar, wu xuuna ahaa Wiil dhalinyaro ah oo si aad dadka u yaqaaniin.

Maamulka Gobolka Shabelaha Dhexe & kan Degmada Jowhar oo ka qeyb galay Aaska Wiilkaan la dilay ayaa amray in la daba galo dilka Marxuum ka, isla markaana la soo qabto gacan ku dhiiglaha dilka ka danbeeya.

Gudoomiyaha Gobolka Shabelaha Dhexe Cali Cabdulaahi Xuseen & G/Kuxigeenka Amniga & Siyaasada Gobolka Shabelaha Dhexe oo isla habeen hore gaaray goobta lagu dilay Feysal Baxuur ayaa wacad ku maray inta aan meydka la soo qaadinba in ay ka nasan doonin soo qabashada gacan ku dhiig alaha iyagoo Amar ku siiyay Ciidamada Meletariga & NISA in ay baaritaano ku dhaqaaqan.

Talaabadaan lagu soo qabtay gacan ku dhiiglaha ayaa waxaa soo dhaw eeyay Shacabka Jowhar iyo Ehalka Wiilka la dilay.

Taliyaha Nabadsugida Gobolka Shabelaha Dhexe Cabdiweli Ibraahim Maxamed ayaa sheegay in gacan ku dhigalaha ay soo qabteen wuxuuna ku goodiyay in kuwa kale oo horay dilaal u geystay ay baadi goob ugu jiraan soona dhamaaday waqtigii la isu dili jiray heebta beelaha.

Gacan ku dhiiglaha ayaa hada ku jira Saldhiga magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha dhexe,isagoona sugaya in Cadaalada la horkeeno.

SUCUUDIGA OO SHAACISAY IN LACAG MAGDHOW AH LA SIINAYO EHELADA DADKII KU WAXYEELOOBAY WIISHKII XARAMKA

Boqortooyada Sucuudiga ayaa goordhow bayaan rasmi ah ay soo saartay ku shaacisay in magdhow 1,000,000 lasiindoono ehelada ruux kasta oo kamid ahaa dadkii ku dhintay Wiishkii ku soo go'ay Masjidka Xaramka ee Makka.

Sidoo kale waxaa 1,000,000 heli doona dadkii dhaawacaasi ku naafoobay halka 500,000 uu heli doono ruux kasta oo dhaawac fudud uu kasoo gaaray dhacdadaasi. dhanka kale waxaa safarada dibada laga xayiray qaar kamid ah Madaxda Shirkadaha mashruucaasi qaatay.

In ka baa Boqolaal ruux ayaa ku geeriyootay Wiishkaasi soo dumay halka tiro kale oo badan ay ku dhaawacmeen,Wiishkan ayaa ku soo go’ay saqafka sare ee dhismaha Masaajidka Xaramka, isla markaana uu gudaha u soo galay, xilli kumanaan Muslimiin Xujeyda ka mid ahaa cibaadeysanayeen.

Madaxa Hey’adda Difaaca Madaniga ayaa sheegay in roobab xooggan iyo dabeylo is watay ay sababay in Wiishka uu soo dumo.

MADAXWEYNAHA TURKIGA OO WARQADAHA AQOONSIGA KA GUDOOMAY SAFIIR SAMBALOOLSHE

Safiirka dowlada Soomaaliya ee dalka Turkiga Cabdulaahi Maxamed Cali Sambaloolshe ayaa warqadahiisa aqoonsiga ku wareejiyay madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ka dib kulan ka dhacay magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Madaxweynaha dalka Turkiga ayaa aqbalay islamarkaana gudoomay wa rqadaha aqoonsiga ee uu ku wareejiyay Sambaloolshe, waxaana uu ka shaqeyn doonaa gudaha dalka Turkiga.

Sawiro lagu soo bandhigay baraha Internet-ka ayaa muujiyay safiir Samb aloolshe oo warqadahiisa aqoonsiga ku wareejinaya madaxweynaha Turkiga, waxaana hareer taagnaa masuuliyiin ka tirsan Safaarada.

Dowlada Soomaaliya ayaa seddex bil ka hor magacowday safiirka Sooma aliya u fadhin doono dalalka Kenya, Sacuudiga, Koofur Africa iyo Turkiga, waxaa na aqoonsigooda horay looga gudoomay Safiirada Soomaaliya ee Sacuudiga iyo Kenya.

Dowlada Turkiga ayaa noqotay dowlada taageerada muuqata siisay dowla da Soomaaliya, waxayna si toos ah u siin jirtay dhaqaalo toos loogu wareejinay ay dowlada Soomaaliya.

Madaxweyne Erdoğan oo 25-kii bishii January booqasho ku yimid Ma-gaalada Muqdisho, ayaa ku dhawaaqay in illaa 10 kun guri ay muddo laba sano ihi kaga dhisi doonaan Caasimadda Soomaaliya

KULAN LOOGA HADLAYAY JINSIYADDA SOOMAALIYA OO LAGU QABTAY MAGAALADA TORONTO, CANADA

Kulan looga hadlayay Jinsiyadda Soomaaliya ayaa lagu qabtay Magaa lada Toronto ee dalka Canada, iyadoo kulankan ay soo qaban qaabiyeen wafdi ka socday wasaaradda arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Wasiir u dowlaha Wasaaraddaas, C/rashiid Maxamed Xiddig ayna xubno ka ahaayeen xildhibaanno iyo shaqaale ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Wasiir u dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya, C/rashiid Xiddig iyo Wafdigii la socday ayaa Sharraxaad dheer ka bixiyay Hindisa Shar ciyeedka ay wadaan kuna saabsan Jinsiyadda kaasoo loga saldhigay sharcigii 1960-kii, iyadoo lagu kordhiyay ay ahayd in la qaato laba sharci, halka sharcigii 60-kii aanu ogolayn, Waxaa kaloo iyana lasoo bandhigay sidii iyo qaabkii ay shar ciga u qaadan lahaayeen dadka ku yimaada Qaabka Guurka.

Sidoo kale, Wafdiga ayaa iyaguna uga Warbixiyay Bulshada Soomaali yeed ee Toronto ku nool, iyagoo uga warramay xaaladda Soomaaliya iyo ujeed dada safarkooda, iyagoo u sheegay inay ku faraxsan yihiin inay Aragtida Jinsi yadda Soomaaliga ay la qaybsadaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Canada ku nool.

"Qorshaheennu waa in Soomaalida dibadaha ku nool ay wax ka ogaada an ama ay aragtidooda ka bixiyaan Jinsiyadda Soomaaliya, maadaama ay hayst aan Jinsiyadaha dalalka ay ku nool yihiin,” ayuu Xiddig kulanka ka sheegay, oo ku daray hadalkiisa in dalalkii ay soo maray dadkii ay kula kulmeen ay si aad ah u soo dhaweeyeen arrintan.

"Runtii dadkii aan u tagnay oo dhan arrin wanaag ayaan kala soo kulan nay, Su’aalihii aanu weydiinnayna way nooga jawaabeen. Waxaa jiray dad na mucaaraday waana mid shacabka Soomaliyeed lagu yaqaan, laakiin inta badan waddamadii aan tagnay Dadkii Soomaaliyeed ee aan kula kulannay wanaag aya an kala kulannay.”

Sidoo kale, Waxaa jirtay in intii kulanku looga hadlayay Jinsiyada Soomaa liya uusan billaabay inay dad badan oo Soomaaliyeed oo boorar soo Sameystay oo Magaalada Toronto, Canada Dibad bax ay uga soo horjeedaan kulankan, ku waasoo watay boorar.

Waxaa kaloo Kulanka hadallo ka jeediyay Dad badan oo ka mid ah Soom aaliyeed, kuwaas oo ka mahad celiyay soo jeediyey Wasiirka iyo Wafdigiisa. Wa xayna dadka Qaarkood soo jeediyeen in arrintaan dib loo dhigo maadaama ay xiliga lagu jiro aysan SoomaaliYa awood u lahayn ilaalinta Xuuqdeeda. Halka Qa ar kalena ay soo jeediyeen in la magacaabo Guddi ku hadla magaca dadka oo fikradda kama dambeysta ah soona bandhiga.

Cawad Axmed Casharo oo horay u soo noqday Xildhibaan ayaa kulanka ka hadlay, isagoo sheegay inuu arko in xilligan aan laga doodi karin arrimo Jinsiyadda ku saabsan, iyadoo ay dalka ka jiraan waxyaabo kale oo loo baahan yahay in wax laga qabto.

Ugu dambeyn, Xubnaha Wafdigu waxay u Ambabaxeen Magaalada Edmo nton ee Canada; iyagoo ka qayb galaya Xaflad ka dhacaysa halkaas lana kulma ya Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Edmonton.

INJINEER SIIDOW CISMAAN CALI OO SHALAY LAGU DILAY MAGAALADA MUQDISHO

Allaha u naxariistee waxaa shalay qarax miino lagu dilay Injineer Siidow Cismaan Cali, oo ka qayb qaatay dhismooyin badan oo laga hirgeliyay Degmooy inka Gobolka Banaadir.Injineerka oo la socday gaarigiisii, oo sida la sheegay qar ax miino loogu soo xiray, ayaa wuxuu kula qarxay Wadada Sheelare Ee Buu ndada Degmada Xamar Jajab.

Injineerka oo dhaawac ahaan loogu qaaday goobaha caafimaadka, ayaa halkaasi ugu geeriyooday dhaawac culus oo qaraxaasi ka soo gaaray.

Gudoomiyaha Degmada Xamar Jajab Axmed Cismaan Dhoore, ayaa wu xuu xaqiijiyay geerida ku timid Injineer Siidow Cismaan Cali, isagoo dhinaca kal ana ka tacsiyadeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid.

Gudoomiyaha, ayaa xaqiijiyay in Injineer Siidow qaraxyada casriga ah loo gu soo xiray gaarigiisii, taa oo sida uu sheegay markii dambe lagula beegsaday Degmada Xamar Jajab, oo uu deganaa.

12:00 duhurnimo ee shalay, ayaa jug culus laga maqlay Degmadaasi Xamar Jajab, waxaana la ogaaday in uu ahaa qarax miino oo lagu waxyeeleeyay Injineerka, oo ka yimid qurbaha.

Siidow, ayaa ka qayb qaatay dayactir lagu sameeyay Aqalka Ma-daxyooy ada Magaalada Muqdisho (Villa Soomaaliya), Daljirka Dahson, Xarunta Dowl adda Hoose Xamar Ee Gaadiidka iyo goobo kaloo badan.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay tallaabada lagu dilay, waxaa dhina ca kalana jirin cid loo soo qab qabtay dilkiisii, sida uu Laanta afka Soomaaliga ee VOA uu u sheegay Gudoomiyaha Degmada Xamar Jajab

URURKA HAWEENKA NAAFADA SOOMAALIYEED OO CODSADAY IN LA CAAWIYO NAAFADA

Mas’uuliyiin ka socday hay’ado maxalli ah, aqoonyahanno, abwaanno Ha ween iyo Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay waxqabadka Ururka Haweenka Naaf ada Soomaaliyeed oo marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaan SOWDA oo muddo ku dhow labo sano ka shaqeynayay arrimaha daryeelka dadka aan lixa adoda dhameystirneyn iyo Caawinta Bulshada kale ee liita.

Intabadan Mas’uuliyiintii Munaasabaddaas ka hadlay ayaa soo jeediyay inay lama huraan tahay in la ogaado muhiimadda uu leeyahay qofka Naafada ah, isla markaana la caawiyo iyagoo si guud ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iyo mas’uuliyiinta sare ee Dowladda inay wax badan la qabtaan dadkaan naaf ada ah ee isku taagay in ay walaalahooda kale wax u qabtaan.

Aas Aasaha daladda Awood siinta Naafada Soomaaliyeed Maxamed Cali Farax ayaa sheegay in ururka uu wax u qabtay dad naafo ah iyo kuwo aanan wax haysan sida Qoysaskii ka soo cararay colaadda dalka Yemen oo ay muc aawino u qaybiyeen.

Xoghayaha daryeelka Naafada iyo barakacayaasha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Aamina Xasan Aadan ayaa ku dheeraatay ka hadalka muhiimadda ay bulshada iyo naafaduba u leeyihiin gabdhahaan iyo wiilashaan da’yarta ah oo iyaga oo aan caawin ku filan helin u diyaar garoobay inay wax u qabtaan bulshada kale ee ka liita.Guddoomiyaha Machadka Horseed Cabdulle Cabdi Aadan ayaa madasha ka sheegay in Machadka uu 50 arday oo indhool ayaal ah siin doono waxbarasho heer Jaamacadeed ah, isagoo ku dhiiri geliyay ururka Naafada SOWDA in ay howshooda halkaan ka sii wadaan.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Naafada Soomaaliyeed ee SOWDA Basiiro Cabdi Maxamed ayaa hadal dheer ka dib ka codsatay Madaxda sare ee dowladda inay Naafada caawiyaan, lana da dajiyo sharciga xuquuqdooda siinaya naafada.

BOOLISKA KENYA OO XAAFADA EASTLEIGH EE MAGAALADA NAYROOBI KU TOOGTAY NIN BURCAD AHAA

Ciidamada Booliska dalka Kenya, ayaa shalay subax ku toogtay nin bur cad ahaa oo ka mid ahaa Koox Burcad ah oo doonaysay inay dhac ka geystaan Suuq ku yaallo Xaafada Eastleigh ee Magaalada Nayroobi.

Kooxdaan Burcada ah ayaa gashay Suuqa Sunrise Shopping Mall ee Magalada Nayroobi, iyaga oo qorshahooda uu ahaa inay halkaasi dhac ka gey staan.

Ciidamada Booliska ayaa durba soo gaaray suuqa ay galeen Kooxda Burc ada, waxaana ay toogteen ka mid ka mid ah raggii burcada ahaa ee doonaayay inay dhaca ka geystaan Suuqaasi iyadoo halkaasi uu ku fashilmay qorshihii Bur cada ay doonayeen.

Waxaa baxsaday Burcadii inteeda kale oo Suuqa gudihiisa ku dhuumaa leysanaysa, iyadoo ciidamada Booliska ay isku gadaameen guud ahaan Suuqa asi.

Booliska waxa ay dadka shacabka ah ku wargeliyeen inay ka fogaadaan Suuqa inta laga soo afjaraayo howlgalka lagu soo qabanaayo ragga Burcada ah ee Suuqa gudihiisa ku dhuumaaleysanaysa.

Ciidamada Booliska waxa ay xireen Wadooyinka soo gala Suuqa Sunrise Shopping Mall ee Magaalada Nayroobi, gaar ahaan Xaafada Eastleigh oo ay ku badan yihiin dadka Soomaalida ah.

Ganacsatada Somalida ee Xaafada Eastleigh, ayaa waxa ay qaati ka tag naayeen Kooxaha Burcada dhaca u geysta hantida ay leeyihiin dadka ganacsat da ah.

QARAX KHASAARO GEYSTAY OO CIIDAMADA DOWLADDA IYO KUWA AMISOM LAGULA EEGTAY MAGAALADA BAARDHEERE

Wararka ka imaanaya Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo, ayaa sheegaya shalay Magaaladaasi inuu ka dhacay qarax, qaraxaasi oo ahaa Miina da nooca dhulka lagu aaso.

Ciidamo ka tirsan kuwa Amisom iyo kuwa Dowladda oo ku socdaalayay Magaalada gudaheeda, ayaa qaraxaan lala eegtay waxaana ka dhashay Khasa aro sida wararka ay sheegayaan.

Ciidamada oo ku socdaalaya gudaha Magaalada ayaa mar qura lagu qarx iyay miinadaan, iyadoo jugta qaraxa laga maqlay Magaalada gudaheeda.

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ayaa la sheegayaa inuu ka dhashay qar axaasi ciidamada lagula eegtay Magaalada gudaheeda, laakiin inooma suur agelin inaan ogaano inta uu la eeg yahay khasaaraha ka dhashay qaraxaasi.

Saraakiisha ciidamada Dowladda Federalka ee Degmada Baardheere oo aan la xiriirnay, ayaan inoo suuragelin inaan taleefoonka ku helno, si aan wax uga weydiino qaraxaasi iyo khasaaraha ka dhashay.

Qaraxa ka dib ciidamada waxa ay fureen rasaas aad u xoogan, lama oga rasaastaasi inay ka dhalatay khasaaro soo gaaray dadkii shacabka ahaa ee goo btaasi ka agdhawaa.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom, ayaa Bishii July ee sanadkaan waxa ay ka qabsadeen Ururka Al Shabaab, ka dib markii guluf colaadeed ay ku qaadeen Magaaladaasi.

KALUUMEYSIGA SHARCI DARRADA AH OO LAGA CABSI QABO IN FALALKA BURCAD BADEEDNIMADA AY SOO CELIYAAN

Kaluumeysiga sharci darrada ah ee laga sameeyo xeebaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in horseedi karto sii xoogeysiga kooxaha burcad badeeda Soomaalida oo sanadihii la soo dhaafay uu hoos u dhacay heerka afduubka maraakiibta sida ay sheegtay xarun fadhigeedu uu yahay dalka Maraykanka.

Warbixin dhawaan ay soo saartay xaruntaasi ayaa lagu sheegay in heerka kalumeeysiga sharci darrada ah uu ka badanyahay inta soo saaraan kalumeys atada Soomaalida,waxaan xaruntaasi ay xustay in kaluumeysatada soomaaliy eed ay sanada kaluumeysiga ka sameeyaan lacag gaareysa ilaa iyo 50 Million oo dollar sanadki halka kooxaha kaluumeystada sharci darrada ah ee ka jilaabta biyaha Soomaaliya ay sanadki soo saaraan lacag gaareysa 300 oo Million oo dollar iyagoo ka faa,iideysta nuucyada kalluunka sida Tuunaha , Libaax badeed ka iyo iyo nuucyo kale iyagoo u iibgeeya dalal dibadda ah.

Maraakiibta iyo doomaha sida sharci darrada ah uga kalluumeysta biyaha Soomaaliya ayey warbixinta xustayin ay ka yimaadaan dalalka Iran,Yemen,iyo qaybo ka mid ah qaaradaha Yurub iyo Assia taasoo la sheegay in ay abuuri karto in ay dib u soo laabtaan kooxaha burcad badeeda soomaalida.

Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida oo iyagu aaminsan in ay yihiin ilaa lada xeebaha Soomaaliya ee ka hortaga kaluumeysiga sharci darrada ah ee laga sameeyo badda Soomaaliya ayaa dhawaan bilaabay in dib iso soo abaabulaaan iyadoo horaantii sanadkan gacanta ku dhigay labo doomood oo laga lahaa dalka Iran oo ay ku eed-eeyeen in ay si sharci darro ah ugu kaluumeysanayeen biya ha soomaaliya.

Burcadbadeeda Soomaalida ayaa lagu qiyaasay in sanadkiiba 150 mar-aakiib ahay afduuban jireen ,balse howl gallo ka dhan ah kooxahaasi oo ay sa meeyeen qaar ka mid dalal dunida oo maraakiib dagaal u soo diray biyaha Soomaaliya ayaa lagu yareeyay qatarti dhinaca afduubka maraakiibta.

AHLUSUNA OO KU GOODISAY INAY DIB U QABSANAYSO DEGMADA CAABUD-WAAQ EE GOBOLKA GALGUDUUD

Mursal Sh. Maxamed Yuusuf Xeefow oo u hadlay Maamulka Ahlu-suna ay aa sheegay inay diyaariyeen ciidamadii Weerari lahaa degmada Caabud-waaq, isagoo wacad ku maray inay dib ula wareegi doonaan.

"Ahlusunna waxay u diyaargarowday sidii ay Weerar Rogaal celin ah ugu Qaadi lahayd Degmada Caabud-waaq, si gacanta Maamulka loogu soo celiyo,” ayuu yiri Afhayeenka u hadlay Ahlusunna Waljameeca.

Sidoo kale, Dhaq-dhaqaaqyo Ciidan ayaa lasoo sheegayaa inay Wakhti gaan ay ka Socdaan Magaalada Dhuusa-Mareeb ee xarunta Gobolka Galguduud iyo deegaanada ku dhowdhow kuwaasoo ay wadaan Ciidamada Ahlusunna Waljmaaca.

Wararka ka imaanaya degmada Caabudwaaq ayaa iyagana sheegaya in ay ciidamo ka tirsan Maamulka Gal-mudug ay soo buuxiyeen, iyadoo laga baqdin qabo inay ka dhacaan dagaallo kale u dhexeeya Ahlusunna iyo Gal-mudug.

Ugu dambeyn, hadalka Ahlu-sunna ee Han-jabaadda ah ayaa imaanaya Xilli ay ka Socdeen Caabud-waaq Maalmahan Dadaallo lagu doonayo in Xiisaha Dagaal ee u dhexeysa Ururka Ahlusunna iyo Galmudug lagu Qaboojiyo.

MEYDKA QOF SHACAB AH OO LAGU ARKAY DEGMADA JOWHAR

Meydka wiil dhalinyaro ah, aadna looga garanayay degmada Jowhar ee xarunta gobalka Shabellaha Dhexe ayaa laga helay duleedka degmadaasi.

Maamulka gobalka Shabellaha Dhexe iyo Taliska Booliiska degmada Jowhar ayaa Meydka soo dhigay Isbitaalka Inter SOS, waxaana la sheegay in Meydka wiilkaasi laga soo qaaday duleedka Waqooyi ee magaaladaasi.

Marxuumka dhintay ayaa magaciisa lagu sheegay Abshir Bakhuur, wax aana jirkiisa ku yaallo dhaawacyo, iyadoo Taliska Nabad sugidda Jowhar ay wad aan baaritaan ku aadan cidda wiilkaasi dishay.

Abshir Bakhuur ayaa ka mid ahaa ganacsatada Qaadka ku iibisa maga alada Jowhar, gaar ahaan jiinka Wabiga Shabelle.

HOWLGAL MILATARI KANA DHAN AH ISBAAROOYINKA OO KA BILLAABANAYA SHABELLAHA HOOSE

Maamulka Gobalka Shabellaha Hoose ayaa qiray in ay jiraan Isbaarooyin yaalla deegaanno ka mid ah gobalka Shabellaha Hoose, laguna dhibaateeyo dadka shacabka ah.

Waxa uu tilmaamay in Isbaarooyinkaasi lacago xad dhaaf ah looga qaato gaadiidka shacabka, sidoo kalena ay jiraan xilliyada qaar in la dhibaateeyo dadka rakaabka ah.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay sameyn doonaan howlgal aad u ballaaran, islamarkaana lagu soo qabanayo cid walba oo Isbaaro dhiganaysa.

"Meello badan ayaa oganahay in ay yaallaan Isbaarooyin, waxaan same yn donnaa howlgal ballaaran, ciidamada AMISOM iyo kuwa Federaalka ayaa horkacayaa, cagta ayaana la marinayaa cid walba oo shacabka dhibaato ku haysa” ayuu yiri Gudoomiyaha.

Darawalada kaxeeya gaadiidka ka shaqeeya inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Baydhaba ayaa cabasho ka muujiyay Isbaarooyin xad dhaaf ah oo yaalla gobalka Shabellaha Hoose, mararka qaarna lagu dhibaateeyo

GOLAHA ISU-TAGGA JAAMACADDAHA SOOMAALIYEED OO SHALAY LOOGA DHAWAAQAY MAGAALADA MUQDISHO

Golaha Isutagga Jaamacaddaha Soomaaliyeed ayaa shalay looga dhaw aaqay magaalada Muqdisho, ka dib xaflad ka dhacday Hotelka Ramaada ee magaalada Muqdisho,kaasoo ay ka soo qeyb galeen Xildhibaano, Mas’uuliyiin, aqoonyahano, daladaha waxbarashada iyo arday.

Munaasabaddan ayaa xubnihii ka hadlay ayaa waxay ka hadleen ujeedka loogu dhawaaqay Golahan iyo qaab dhismeedka, waxaana Golahan uu ka koo ban yahay 15-Jaamacadood oo isugu jira kuwa ku yaalla Gobolka Banaadir iyo qaar ka mid ah Goboladda dalka.

"Shalay oo ay taariikhdu tahay 15/09/2015 waxaa magaalada Muqdisho looga dhawaaqay Golaha Isutagga Jaamacaddaha Soomaaliyeed (Somali Uni versities Association Council), golahaan oo ka kooban 15 jaamacadood oo isugu jira kuwa ka dhisan Gobolkan Banaadir iyo qaar ka mid ah gobollada dalka”ayaa lagu yiri War saxaafadeed ka soo baxay Golaha Isutagga Jaamacaddaha Soo-maaliyeed.

Sidoo kale waxaa War saxaafadeedka lagu sheegay in ujeedada ka dam beysay in Jaamacadahan ay ku midoobaan Gole ay tahay, inay lagama maarm aan ay tahay iskaashig ay yeeshaan dhamaan Jaamacadaha dalka Soomaaliya ka jira iyo kuwa dibadda, sidii loo tayeyn lahaa waxbarashada heerka sare (hi gher education system).

Golahan ayaa waxaa uu ka kooban:

Gole dhexe

Guddoomiye

Labo Guddoomiye

Xoghaye Guud iyo

Guddiyo ka kooban ilaa 12 gudi

Guddoomiyaha Golaha Isu tagga Jaamacaddaha Soomaaliyeed ayaa wax aa loo doortay Prof. Xuseen Tooxow Faarax ahna Guddoomiyaha Jaamacadda Green Hope.

Sidoo kale waxaa Guddoomiye kuxigeenka 1-aad loo doortay Prof. Maxa med Xasan Doob, ahna Guddoomiye ku xigeenka Jaamacadda Jobkey.

Mas’uuliyiinta Golahan ayaa sheegay in dhamaan xilalka kale ee Golaha dib laga soo dhisi doono ayna soo gudbin doonaan maalmaha soo socda.

Ugu dambeyn Golaha ayaa ugu baaqay dhammaan jaamacaddaha aan nasiibka u yeelan in ay ka mid noqdaan Golaha Isutagga Jaamacaddaha Soom aaliyeed in ay ku soo biiraan, albaabadana ay u furan tahay jaamacad kasta oo Soomaaliyeed ee ka dhisan Gobolada dalka iyo caasimada Magaalada Muqdish


ICRC OO CEEL CUSUB U QODAY DADKA DEEGAANKA QARDHO

Waxaa la gaaray fiid, xayn geel ah ayaa u soo deg degay darka biyaha si haraadka isaga bixiyaan ka gadaal safar dheer ku soo gaareen Qardho oo ah ma gaalo ku taalo meel fog waqooyiga Soomaaliya. Waddan abaar xilliyeed waxye eleysay ayaa helitaanka biyo nadiif ah ka dhigtay dhibaato. Sanooyin colaad jirtay ayaa qasay(carqaladeeyey) nolosha caadiga ah oo aan la helin in ku filan oo habboon goobaha biyaha laga helo. Xoolo raacatada ayaa dantu ku khas-abtay in kuleylka ku safaraan masaafo dheer iyagoo raadinaaya kheyraadkan qaaliga ah.

" Xoolo raacatada haddaan nahay dhib badan ayaa la kulmeynay. Xoolaha way dhimanaayeen abaarta darteed. Haddii iska gadi laheyna waxaan ku gadi laheyn qiime aad u hooseeya. Tani waxay noo tahay qarow,” sidaa wax aa yiri Cabdirasaaq oo ah xoolo dhaqato.

Si loogu caawiyo in dhibka la yareeyo, Guddiga Caalamiga Laanqeyrta Cas ( ICRC) ayaa sannadkii hore ceel ugu qoday Qardho si uga faai ‘ideystaan dadka ku nool 16 tuulo oo meesha u dhow.

Goobta waxaa laga dareemi karaa nafis iyo sahlanaanta bulshada dhex dheeda ka jirto. Caruurta oo ceelka agtiisa ku cayaara kubbadda cagta waxay biyo ku buuxsadaan caagagooda marka cayaarta ay dhammaato halka odayaa shuna ay sheekeysanaayaan iyagoo xoolahooduna darka biyaha ay ka cabay aan.

"Marka laga soo tago xoolaheena oo qiime fiican aan kuu ibsankarno caafimaadkooda fiican awgeed, ceelka wuxuu leeyahay dhinacyo kale oo fiican. Xiriirka naga dhexeeya saaxibadeyna xooloraaca-tada ah wuu ka sii xoogeystay sidii hore uu ahaa oo qof kasta ka soo safray jihooyin kala geddisan iyagoo raa dinaaya biyo. Shalay waxaa isku keen xiray helitaanka biyahan,” Cabdirasaaq ayaa yiri.

Koox dad ah oo kala duwan ayaa ka faai ‘iday ceelka Qardho oo ay ku jira an qoysas ka soo qaxay colaad ka dhacday meelo kale waddanka halkaana dib u degay.

Hooyo Aamina waxay ka mid tahay boqolaalka barakacayaasha ah oo ku sugan Qardho. Waxay booqasho joogto ah ku tagtaa meesha biyaha laga dhaa nsado sida caadiga ahna ay wehlinaayaan afrteeda caruur.

"Waxaan socon jiray kiiloomitir badan si biyaheena u helno; tani dhamma anteen aad ayey noogu fududahay,” hooyo Aamina ayaa tiri.

Fernando Resta oo ah madaxa barnaamijyada biyaha ICRC Soomaaliya ayaa ka naxay warcelintan.

"Ujeedkeena ugu weyn waa in qoysaska lagu caawiyo in si dhib yar ku helaan biyo nadiif ah iyadoo bartamaha bulshooyinka looga dhisaayo dhisme sha qeynaya. Marka la dhiso bulshada ayaa maamulaysa si loo xaqiijiyo in qof kasta uu heli karo biyaha iyo in dhismahana si fiican u sii shaqeeyo,” Resta ayaa yiri.

Tan iyo bishii Jannaayo ee sanadkan,ICRCda Soomaaliya waxay in ka badan 65,000 qof oo intooda badan ay yihiin daaqsato oo baahi weyn u qaba biyo joogto ah si ay u joogteeyaan habnololeedkooda u fududeysay helitaanka biyo.

MAXKAMAD KU TAALA KUWAIT OO DIL KU XUKUNTAY TODDOBO QOF OO LOO HAYSTO WEERARKII MASAAJIDKA IMAAM SADIIQ

29 ruux, ayaa waxaa shalay la horkeenay Maxkamad ku taala dalka Kuw ait, ka dib markii laamaha ammaanka ay ku eedeeyen inay ku lug lee yihiin weer ar uu dhiig badani ku daatay, oo 26-kii bishii June lagu qaaday Masaajidka Imaam Sadiiq.

Masaajidkan oo ay ku tukadan Muslimiinta Shiicada ah, ayaa waxaa isku qarxiyay nin la sheegay inuu ka tirsan yahay Ururka Daacish, waxaana ku dhim atay 29 qof, halka 227 kalana ay ku dhaawacantay.

Maxkamadda, ayaa waxay xukun dil ah ku riday toddobo qof, iyadoo sid eed kalana ku xukuntay xabsi u dhaxeeya 2 illaa 15 sano, halka ay wax dembi ah ku weyday 14 kale.

Xukunadan, ayaa waxaa riday Gudoomiyaha Maxkamadda oo lagu maga caabo Mohammad al-Duaij, wuxuuna sheegay Maxkamadda inay shalay u fariisatay dacwad ciqaabeedka dad uu ku sheegay inay halis yihiin.

Shakhsiyaadka xukunada kala duwan lagu riday, ayaa u kala dhashay Wadamada Kuwait, Sacuudiga iyo Pakistan, iyadoona lagu helay in xiriir uu kala dhaxeeyo Ururka Daacish.

Ciidamada Qalabka Sida Kuwait oo ka jawaabaaya weerarka Masa-ajidka, ayaa qaaday tallaabooyin ay ku soo qab qabanayan dhammaan dadkii uu xiriirka la lahaa ninkii fuliyay weerarkaasi.

Marka laga soo taggo dadka ay Maxkamddu fasaxday, ayaa waxaa jira dad kaloo horey inta wax dembi ihi ugu waayeen laamaha ammaanka, ay dib xoriyadoodu u siiyeen.

Ninka weerarkan gaystay oo lagu magacaabi jiray Fahd Suleiman Abdu lmohsen al-Qaba’a, ayaa u dhashay dalka Sacuudiya Carabiya, sanado ka horna qaatay fekerka khalafsan ee Daacish, oo isu magacawday Dowladda Khilaafada Islaamka.

KHILAAF SOO KALA DHEX GALAY MAAMULKA AHLU SUNNA IYO LIIBAAN MADAXWEYNE

Wararka laga helaayo Magaalada Dhuusamareeb Ee Xarunta Gobolka Galgaduud, ayaa sheegaya in khilaaf uu xilligan soo kala dhex galay Maamulka Ahlu Sunna iyo Liibaan Maxamuud Yuusuf (Liibaan Madaxweyne), oo Axadii isku soo dhiibay Maamulkaasi.

Khilaafkan, ayaa ka dhashay markii uu Liibaan Maxamuud Yuusuf uu iska diiday in hub iyo ciidan uu watay, uu ku wareejiyo Maamulka Ah-lu Sunna, xilli la gu amray in hubka iyo ciidankuba uu soo wareejiyo.

Wararka waxay intaa ku darayan in ay jiraan dhex dhexaadin laga dhex wado labada dhinac, si looga baaqsado iska horimaad ku dhex mara Xarunta Gobolka Galgaduud, oo ay ku wada sugan yihiin.

Mursal Maxamed Xeefow, Af-hayeenka Maamulka Gobolada Dhexe, ayaa waxa uu beeniyay in khilaaf uu soo kala dhexgalay Maamulka iyo Liibaan Madaxweyne, wuxuuna warkaasi uu ku sheegay war aan sal iyo raad toona lahayn.

Afhayeenka, ayaa ku waramaya in saacadaha soo socda ay labada dhin ac kala saxiixan doonaan heshiis cad, oo ka turjumaya sida Liibaan Ma-daxweyne uu ugu qanacsan yahay isku soo dhiibidiisa Maamulka.

Liibaan Madaxweyne oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Militariga Soom aaliya, muddooyinkaana ku sugnaa Deegaanka Godinlabe, ayaa isku soo dhiibay Maamulka Ahlu Sunna, xilli Ciidamada Ahlu Sunna iyo kuwa Gal-mudug, ay isku hor fadhiyan inta u dhaxeyso Godinlabe iyo Mareergur ee duleedka Dhuusamareeb.

Mar uu Liibaan ka hadlaayay waxa uu isugu soo dhiibay Maamulka Ahlu Sunna, ayaa wuxuu tilmaamay inuu ka hortagaayo dhiig ku qubta Gobolka Gal gaduud, islamarkaana uu doonayo in labada dhinac uu u kala dab qaado.

HAY'ADA UNHCR OO SHALAY SAXIIXDAY HESHIIS AY KU CAAWINAYSO QOXOOTIGA KASOO CARARAY YEMEN

Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya, Fabrizio Marcelli iyo ku simaha Waki ilka Hay’adda UNHCR ee Soomaaliya, Bushra Halepota ayaa shalay kala Saxii xday heshiis ay UNCHR ku Caawinayso Qoxootiga kasoo Cararay Colaadaha Yemen ka socda ee soo gaaray Deegaannada Waqooyiga Soomaaliya.

Heshiiskaan oo lagu Saxiixay Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya ayaa waxaa ka ahaa Goob-joog Madaxa Hay’adda Qoxootiga iyo Barakacay aasha Dowladda FS, Axmed Nuur, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya, Jamaal Maxamed Xasan iyo Ergayga Gaarka ah ee Dowladda Soomaaliya u Qaabilsan Xuquuqda Carruurta iyo Tahriibayaasha, Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf.

Dhaqaalaha la siiyay Hay’adda UNCHR oo Gaaraya Hal Milyan oo Euro ayaa Waxaa la sheegay in wax looga Qabanayo Gargaarka Deg degga ah ee la gu Caawinayo Qoxootiga Yemen kasoo cararay iyo s ay u helaan nolol ka Wanaagsan midda ay hadda haystaan.

"Mashruucan Wuxuu ka kooban yahay mid lagu Caawinayo Qoxootiga dagaallada Yemen ka socda kasoo cararay ee soo gaaray xeebaha deegaann ada Waqooyiga Soomaaliya si ay u dhexgalaan bulshada iyo in loogu fududeeyo inay dib ugu laabtaan lahaa Deegaannadoodii sida Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya,” ayaa lagu yiri Warbixin la Xiriirta Heshiiskaan oo Nuqul ka mid ah lasoo Gaarsiiyay.

Tallaabadan ayaa lagu sheegay inay qayb ka tahay kaalmooyinka ay Dow ladda Talyaanigu ku ku bixinayso Caawinta Qoxootiga soo gaaraya Soomaaliya iyo Dadka kale ee ku barakacay Gudaha Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Warbixinta ayaa lagu xusay howshan ay billaabatay sanad ihii la soo dhaafay iyadoo Dalka Talyaaniga ay ku bixisay Mashuurcan lacag gaa raysa of 4.7 Milyan oo Euro, taasoo wax looga qabtay dhammaan deegaannada Soomaaliya




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip