
Madaxweynaha Mareykanka oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Somaliya
Madaxweynaha Mareykanka, Barack Hussein Obama, ayaa waraaqaha aqoonsiga ee safiirnimo waxa uu ka guddoomay Danjiraha Soomaaliya u fadhin doono Magaalada Washington Ee Xarunta Waddanka Mareykanka.
Madaxweynaha Mareykanka, ayaa Danjire Axmed CiiseCawad waxa uu Khamiistii ku qaabilay Aqalka Cad ee dalka mareykanka (White House), iyadoona uu kaga guddoomay waraaqahiisa safiirnimo. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa
sannadkan magacaabay Danjiraha, ka dib markii Danjirihii hore Cumar
C/rashiid Cali Sharmaarke, uu noqday Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya,
dhammaadka sannadkii hore.
Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa waxay Madaxweynaha Mareykanka ay ka wada hadleen arrimaha labada dal, isagoona gaarsiiyay dhambbaal uu kaga waday dhiggiisa Dalka Soomaaliya.
Safiir Cawad oo la hadlay laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa sheegay Madaxweynaha Mareykanka in uu daneynayo arrimaha dalka Soomaaliya, gaar ahaan inay soo hagaagto nabadgelyo Soomaaliya, sida uu yiri.
Barack Obama, ayaa Khamiistii waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay 17 Xubnood oo Safiirro ah, kuwaa oo dalalkooda u fadhin doona Xarunta Mareykanka ee Magaalada Washington
Madaxweynaha Mareykanka oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Somaliya
Madaxweynaha Mareykanka, Barack Hussein Obama, ayaa waraaqaha aqoonsiga ee safiirnimo waxa uu ka guddoomay Danjiraha Soomaaliya u fadhin doono Magaalada Washington Ee Xarunta Waddanka Mareykanka. Madaxweynaha Mareykanka, ayaa Danjire Axmed CiiseCa