
Saddex qof oo dumar ah oo lagu xiray Magaalada Mombasa, xilli lala xiriirinaayo Al Shabaab
Garsooraha Maxkamadda, Diana Mochache, ayaa amartay in xabsiga lagu sii haayo dumarkaasi muddo soddon maalmood ah, si laamaha ammaanka ay baaris dheeraad ah u sameeyan, Xeer Ilaalintuna u soo gudbiso cadaymo lagu qanci karo.
Diana Mochache, ayaa sidoo kale sheegtay inaanu cadayn magaca Sarkaalka baaraya kiiskan xasaasiga ah, loona baahan yahay in magaciisa la soo sheego.
Booliska, ayaa sheegay haweenkaasi in la soo qabtay, xilli uu safarkoodu ku wajahnaa Magaalada Garissa Ee Xarunta Gobolka Waqooyi Bari Kenya, si ay uga sii tallaaban Somaliya.
Dumarkan oo lagu kala magacaabo Nargis Arafat Gulan, Mwanajuma Mweru Tayari iyo Saumu Ali Athman, ayaa iska fogeeyay in wax xiriir ah ay la lee yihiin Ururka Al Shabaab.
Booliska Kenya, ayaa gacan adag ku wajahaya dadka ku dhaqan Gobolada Xeebta & Waqooyi Bari, iyagoo markaasi sas ka qaba dhinaca Ururka Al Shabaab, oo sanadkii hore sheegay in dagaalkoodii ay u weeciyen dhanka Kenya.
Saddex qof oo dumar ah oo lagu xiray Magaalada Mombasa, xilli lala xiriirinaayo Al Shabaab
Booliska Kenya, ayaa xabsiga u taxaabay saddex qof oo dumar ah, ka gadaal markii Arbacadii laga soo qabtay Deegaanka Mtwapa oo 15km u jirta Magaalada Mombasa. Xeer Ilaalinta Kenya, ayaa Khamiistii dumarkaasi ku soo eedeysay inay agabyo u wadeen Ur