Jaamacadda Caalamiga ah ee Horseed oo furtay Waxbarashada Daraasaadka sare ee Master Degree

0
Thursday September 17, 2015 - 20:03:36 in Wararka by
  • Visits: 1026
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jaamacadda Caalamiga ah ee Horseed oo furtay Waxbarashada Daraasaadka sare ee Master Degree

    Waxaa Hotelka Dibolomatic ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey Munaasabad ku saabsaneyd furitaanka Daraasaadka sare ee Jaamacadda Caalamiga ah ee Horseed, waxaana Munaasabadaan ka qayb galey Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka,Xildhibaano, Masuuli

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa Hotelka Dibolomatic ee Magaalada Muqdisho lagu qabtey Munaasabad ku saabsaneyd furitaanka Daraasaadka sare ee Jaamacadda Caalamiga ah ee Horseed, waxaana Munaasabadaan ka qayb galey Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka,Xildhibaano, Masuuliyiinta Jaamacada Horseed, Macalimiinta, Ardayda Wax ka Barada Jaamacadda Horseed iyo Marti Sharaf kale . Ugu horeyn waxaa ka hadly Gudoomiyaha Jaamacada Horseed Cabdikariim Shiikh Maxamed oo sheegey in Jaamacada ay dadaal u gashey in sidii ardeyda Soomaaliyeed u heli lahaayeen Daraasaadka sare ee Master Degee-ga , waxaa uu sheegey in Aakhirkii ay Jaamacada Horseed heshiis la gashey Jaamacada PONGOLA ee Dalka Suudaan isagoo hoosta ka Xariiqey in Macalimiin ka socota Jaamacadaas ay imaan doonan Dalka kuwaa uu sheegey in ay bixin doonaan Waxbarashada Daarasaadka sare

Xubnihii kale ee ka Hadley Xafladaas Waxaa ka mid ahaa Maxamuud Macalin Yaxye oo Hormuud u ahaa heshiiska ay Jamaacada Horseed la gashey Jaamacada PONGOLA ayaa ugu horeyn u Mahadceliyey intii ku Garabsiisey dhaqan galka Barnaamjkaan Waxbarasho oo uu sheegey in uu Faaiido weyn ugu jirto Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan Ardeyda Dooneysa waxbarashada Master Degree-ga , wuxuuna u soo jeediyey Bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo y joogaan in fursadaan si wanagsan uga faaiideystaan

Munaasbadaan lagu bilaabayey Daraasaadka Sare Master Degree-ga ee Jaamacada Horseed ayaa waxaa kaloo ka Hadley Madax Waxbarashada ahaana Wakiilka Gudoomiyha Jaamacada Pongola Dr Nasrudiin Suleymaan Cali waxayna yiri ” Aad baan ugu faraxsnahay in Jaamacada Pongola ay hesiis la gasho Jamaacada Caalmiga ah ee Horseed si loo dhaqaajiyo Waxbarashada Daraasaadka sare marka waxaa rajeynayaa in ardey badan oo Soomaaliyeed ay ka faaiideysan doonaa kuwaa u sheegey in ay ku adkeyd bixinta Kharaashad Waxbarashada marka dibada loo aadayo "

Waxaa kaloo halkaa ka hadley Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo Waxbarashada Sare ku soo qaatey Dalka Suudaan haatana ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka waxaana ugu horeyntii u Mahadceliyey intii Suurtagelsey in Waxbarashada Daraasaadka sare ee Master Degree-ga laga Dhaqangeliya Soomaaliya isagoo sheegey in aad ugu farxay in Jaamacad laga leeyahay Dalka Suudaan ay arrintaa ku talaabsato sidoo kale waxaa uu kula dardaarmey Ardeyda Soomaaliyeed in ay ka faaiideystaan Waxbarashadaan oo uu sheegey in uu yahay Waxbarasho kor u qaadaya Aqoonta ardayda Soomaaliyeed islamarkaana u fudueynaya In ay helaan Shahaadada Master Degree-ga iyaga oo ku sugan Dalkooda

Xubnhii kale ee hlkaa ka Hadley waxaa ka mid ahaa Drs Amal Maxamed Ciza-Diin oo ah madaxa Daraasaadka sare ee Jaamacada Pongola , waxay sheegety in aad ugu faraxsan tahay in ay timaado dalka Soomaaliya islamarkaa ay Jaamacadooda Ardeyda Soomaaiyeed u Fududeyso helida Waxbarashada sare ee Master Degreega waxayna kula dardaaran Bulshada Soomaaliyeed in ay ka faaiideystaan Waxbarashadaan

Waxaa kaloo halkaa ka hadley Camaar Maxamed Siraaji oo Jaamacada Pongola u qaabisan Xiriirka Dibada waxaa ku dheeraadey aas-aaskii Jaamacada Pongola oo uu sheegey in ay ku taalo Waqooyiga Sudaan isaoo sheegey in Jaamacadaas ay ka Kooban tahay 12 Kuliyadood, waxaa uu sheegy in ay ugu Mhiimsan tahay Kuliyada Beeraha iyo Xoolqha maadaama deegaanka ay jaamacada ku taalo uu yahay Dhul Beeraleey ah , wuxuuu u soo jeediyey ardeyda Jaamacadaha dhameysatey ee doonaya in ay galaan Daraasaadka sare in ay ka faaiideystaan Fursadaan Gurigooda ugu timid

Ugu Dambeyntii waxaa halkaa ka Hadley Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Xaamuud Cali Xasan oo sheegey in Dowlada Federaalka ay soo dhweyneyso Waxbarashada Master Degree-ga ee ay Hirgelineysey Jaammacada Caalamiga ah ee Horseed isagoo sheegey in ay Wasaaradiisa ay balan qaadeyso sidii Waxbarashadaan ay u Gaarsiin lahayd Dhamaan Gobolada iyo Degmooyinka si ardeyda Soomaaliyeed ay u helaan Waxbarashada sare , waxaa ka soo qayb galayaasha halkaa ku daawadeen Filim ka hadlaya Waxbarashada Labada Jaamacadood ee Horseed iyo Pongola sidoo kale Labada Jaamacadood waxay halkaas isku dhaafsadey Gudoonsinta Hadiyo Qaali ah.

jama (1) jama (2) jama (3) jama (4) jama (5) jama (6) jama (7) jama (8) jama (9)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip