Ciiidamada Amniga Somaliland oo Xiray Suldaan ka mid ah Hoggaanka Dhaqanka SOMALILAND

0
Friday September 18, 2015 - 18:55:00 in Wararka by
  • Visits: 982
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciiidamada Amniga Somaliland oo Xiray Suldaan ka mid ah Hoggaanka Dhaqanka SOMALILAND

    Ciidamada Amniga Somaliland ayaa xalay xabsiga u Raxaabay, Suldaan Mowliid Cali Sabayse oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Amniga Somaliland ayaa xalay xabsiga u Raxaabay, Suldaan Mowliid Cali Sabayse oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland.
Booliiska oo sita warqad waaran Qabasho ah oo kasoo baxday Maxkamada ayaa suldaanka ka qabtay guriga Salaadiinta ee xaafadda jig jiga yar magaalada Hargeysa Wakhtigaasoo la sheegay inay ku jireen shirar u gaar ah.

Suldaan Xasan Suldaan C/llaahi ayaa Cambaareeyey Xariga Suldaan Sabayse, isagoo sidoo kale ku eedeeyay Xukuumadda Somalialnd inay Cabudhinayso Madax-dhaqameedka.



Taliye Xigeenka Ciidanka Booliiska Somaliland C/raxmaan Liibaan Fooxle oo horkacayay Ciidanka Suldaanka xidhay ayaa sheegay in suldaanka la xidhay iyadoon dhib loo gaysan

"Suldaanka waxaanu u gaynay waaran qabasha ah kadibna waa uu na soo raacay, iyada oo aan wax dhiba loogaysan” ayuu yidhi C/raxmaan Liibaan Fooxle.

Xukuumadda Somaliland ayaa Suldaanka ku eedeysay inuu Warbaahinta ka sheegay Hadal dadka kicinaya, isla markaana abuuri karta Amni-xumo.

Si kastaba ha ahaatee, Suldaan Mawliid ayey wararku sheegayaan dagaalkii gacan ka hadal ee dhex maray Guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa oo uu xukuumadda ku eedeeyey inay ka dambayso dagaalkaasi dhex maray labadda masuul, taasina ay keentay xadhiga Suldaanka.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip