
Uganda oo Taliye cusub u magacawday ciidanka Amisom ee ku sugan Degmada Janaale
Taliyaha cusub ee Emola,ayaa horay ugu soo shaqeeyay Soomaaliya gaar ahaan qeybta Guutada 9-aad ee ciidamada Uganda intii u dhaxeysay 2012-
ilaa iyo 2013-kii
.
Sarkaalka xilka laga qaaday iyo Saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka dalka Uganda, ayaa waxa ay wajahayaan maxkamad Milateri si loogu qaado kiiska ku saabsan habacsanaanta ay ku hogaaminayeen ciidanka.
Madaxweynaha dalka Uganda, ahna Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida dalka Uganda, ayaa Todobaadkii hore sheegay weerarkii Janaale inuu u dhacay habacsanaan ka timid Saraakiisha, xilli ciidamada aysan ku wargelin feejignaan dheeri ah inay galaan.
Tallaabadan xilka looga qaaday Taliyihii hogaaminaayay ciidankii lagu weeraray Degmada Janaale ayaa ah mid dhiiragelin u sameynaysa ciidamada kale ee Uganda ka socda ee Amisom ka mid ah.
xigasho:- dhacdo.com
Uganda oo Taliye cusub u magacawday ciidanka Amisom ee ku sugan Degmada Janaale
Dowladda Uganda ayaa Taliye cusub waxa ay u magacawday ciidanka guutada 16-aad ee ka tirsan ciidamada dalka Uganda ee Somaliya ka howlgala. Taliyaha cusub ee Uganda ay u magacawday ciidankaan ku sugan Somaliyta, gaar ahaan Gobolka Shabeellaha hoos