
Kadib shaacinta natiijada imtixaanka qaranka, ra'iisul wasaare Xamza oo…
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Hooyo Safiya Macallin Cabdulle Cumar iyo wiilkeeda Maxamed Ciise Daahir oo sannadkan kaalinta koowaad ka galay Imtixaanka Qaranka ee Dugsiyada Sare ee dalkaRa’iisul Wasaaraha ayaa ugu hambalyeeyay Hooyo Safiya dadaalka iyo halganka ay u gashay barbaarinta iyo waxbarashada wiilkeeda, isagoo sheegay inay kaalinta koowaad kaga jirto Hooyooyinka Soomaaliyeed, halka Maxamed uu kaalinta koowaad kaga jiro ardayda Soomaaliyeed.
Xamza Cabdi Barre ayaa tilmaamay in guusha Maxamed ay ka dhalatay dadaalka uu sameeyay iyo garabkii uu ka helay hooyadii, isaga oo xusay in waalidku door muhiim ah ku leeyahay horumarka iyo waxbarashada carruurta.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay muhiimad gaar ah siineyso dadaalka ku aaddan waxbaridda carruurta iyo dhallinyarada Soomaaliyeed, si bulshada loo gaarsiiyo isbeddel ku saleysan aqoon iyo xirfado.
"Haddii tartan la galo in la guuleysto wax sahlan ma aha, runtii wax aad halkaas ku gaartay waa dadaalka iyo halganka aad muujisay iyo barbaarinta Hooyo Safiya. Waxa aan hubaa in dad badan oo kaa fursad badan maanta aad kaalinta koowaad uga horreysay, taasi waxa ay caddeyneysaa sida ay waalidiintu ugu dadaalaan ubadka,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa Hooyo Safiya ku abaalmariyay kaalinta qiimaha badan ee hooyonimo, isaga oo u magacaabay shaqaale rasmi ah oo dowladeed, taas oo qeyb ka ah abaalmarinta loo sameeyay dadaalka ay u gashay barbaarinta wiilkeeda.
Sidoo kale, Maxamed Ciise Daahir oo kaalinta koowaad ka galay Imtixaanka Qaranka ee Dugsiyada Sare ayaa lagu abaalmariyay waxbarasho ay dowladda Soomaaliya daboolayso, iyadoo loo dirayo halka uu isagu codsado.






0 



Kadib shaacinta natiijada imtixaanka qaranka, ra'iisul wasaare Xamza oo…
.