
Turkiga oo bogaadiyay arrin uu sameeyay guddoomiye Muungaab + Sawirro
Safiirka Turkiga u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Ferhat Alkan oo maanta booqasho ku tegay xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa si weyn ugu bogaadiyay duqa Muqdisho dadaallada horumarinee ee uu ka wado gudaha caasimada.erhat Alkan iyo Xasan Maxamed Maxamed Xuseen (Muungaab) oo yeeshay kulan labada geeseed ayaa ka wada-hadlay arrimo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka soo-jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, arrimaha gargaarka bani’aadannimo iyo sidii loo sii ballaarin lahaa iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan horumarinta iyo adeegyada bulshada.
Guddoomiye Muungaab oo kulanka ka hadlay ayaa uga mahadceliyay dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay sii adkeynta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga labada dal.
Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay in iskaashiga labada dal uu muhiim u yahay horumarinta caasimada, gaar ahaan soo celinta bilicda, dhismaha waddooyinka, nadaafadda, adeegyada dadweynaha iyo kor u qaadista tayada nolosha bulshada.
Dhankiisa, Danjire Ferhat Alkan ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho soo-dhoweynta iyo qaabilaadda diirran, isaga oo sidoo kale bogaadiyay dadaallada horumarineed ee Maamulkiisu wado, gaar ahaan dadaallada lagu horumarinayo caasimadda Muqdisho iyo adeegyada bulshada.
Muungaab ayaa horay u sheegay in ololahiisa ku aadan hormarinta caasimada iyo bilic soo celinteeda ay sii socon doonto, iyadoo la adkeynayo fulinta awaamiirta la xiriirta nadaafadda guud ee magaalada Muqdisho.
Waxaa kale oo Maamulka Gobolka Banaadir uu muddooyinkan dambe waday qorsheyaal lagu horumarinayo caasimada, gaar ahaan dhismaha waddooyinka iyo bulaacadaha, sidoo kale wuxuu ku howlanaa garab istaagga qoysaska ay saameeyeen qurxinta Obasiibooyinka iyo jidadka la bixinayo.



0 


Turkiga oo bogaadiyay arrin uu sameeyay guddoomiye Muungaab + Sawirro
.