
Daawo:- Sawirada Wiil Muslim ah oo caan ku noqday muddo kooban kadib markii la xiray
Obama ayaa u direy fariin wiilkan isagoo ku yiri:”Saacad wanaagsan,Axmed waa inaad keentaa Aqalka Cad.Waxaan ku dhiirigelin doonaa arday badan sida adigoo kale inay jeclaadaan sayniska, waana tan dalka Maraykanka uu ku noqday dal weyn.
Hase yeeshee Saacada uu Axmed sameeyay ayaa weli waxa ay gacanta ugu jirtaa ciidamada Booliska. Waxana uu sheegay inuu jecel yahay in saacadiisa dib loogu soo celiyo.
‘Waxaan leeyahay waa noocii ardayga aan dooneynay,hal abuure kaligii wax ikhtiraaca waxaa tahay qofka noqon lahaa saynisyahan dunida wax u soo kordhiya ,’ayuu yiri saynisyahan caan ah oo lagu magacaabo Prescod-Weinstein. Saynisyahankan ayaa ku martiqaaday Axmed inoo soo booqdo Kayli Institute fo Astrophusics and Space Research.
Wiilkan yar ayaa Isniintii aynu ka so gudubnay waxa uu geeyay iskuulkii uu wax ka baranayay saacad uu isagu ku soo sameeyay gurigiisa si u soo bandhigo cashar loo dhigay balse qorshihiisii ayaa si kale isu bedelay.
‘Markii aan macalimada tusay,waxa ay noqotay mid xoogaa naxday, waxa ay aragtay waa saacad balse waxa ay iska dhaadhicisay in waxa la keenay uu yahay bam.
Axmed ayaa la katiinadeeyay waxaana la geeyay saldhig Booliska isagoo markii la wadayay ku qeyliyay war waxaan keenay waa saacad ee ma ahan Bambaano ama wax kale.
Hase yeeshee Axmed waa la sii daayay markii ay waalidkii tageen saldhiga waxana weli ku adkeysanaya in dugsiga iyo ciidamaduba ay qumanaayeen duqa magaalada Irving Beth Van Duyne.
Axmed ayaa sheegay in uu qorsheynayo in uu dugsiga uu ka bedesho una bedesho iskuulada kale eek u yaal dalka Maraykanka.
Daawo:- Sawirada Wiil Muslim ah oo caan ku noqday muddo kooban kadib markii la xiray
Axmed Maxamed ahna 14 jir ayaa muddo shan maalmood gudahood ah ku noqday qof dalka Maraykanka iyo dunidaba caan ka noqday kadib markii macalimad u dirtay shaqo guri ay ka shakisay wixii uu u keenay oo ahaa saacad uu iqtiraacay wiilka yar. Madaxwey