Aqoon-is-weydaarsi la xiriira baahinta Awoodda Maamulka oo lagu Qabtay Magaalada Baydhabo
Kulan ay soo Abaabushay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladda Hoose ee Maamulka Koonfur-galbeed ayaa shir Guddoominayay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Cabdiraxman Aadan Ibraahim Sete.
Dooda
Aqoon-is-weydaarsiga ahayd ayaa waxaa kasoo Qayb-galay qaybaha kala
duwan ee Arrimaha Bulshada iyo Waxgaradka Degmada Baydhabo, waxaa kaloo
goob-joog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Bay, Dr. Rashiid C/llaahi Maxamed
iyo Guddoomiyaha Baydhabo C/llaahi Mad-watiin.
Intii kulanku socday ayaa waxaa looga hadlay sidii Awooda maamul loogu baahin lahaa Bulshada Koonfur-galbeed, Mas’uuliyiinta ayaa dood dheer kaddib waxay go'aansadeen in maamul-wanaag iyo baahinta Awoodda Maamul oo ka Qayb-qaataan Dhamaan Mujtamaca Maamul-gobaleedka Koonfur-galbeed doodda ayaa waxaa ka hadlay Aqoonyahanno ka mid ah Bulshada rayidka.