Al-Shabaab oo la wareegtay deegaanka Yaaqbari-weyne, kadib dagaal saaka ka dhacay

0
Friday September 18, 2015 - 18:10:26 in Wararka by
  • Visits: 851
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-Shabaab oo la wareegtay deegaanka Yaaqbari-weyne, kadib dagaal saaka ka dhacay

    In ka badan 10-ruux ayaa ku geeriyootay, kadib dagaal xoogan oo saaka ka dhacay deegaanka Yaaqbari-weyne ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Dagaalkan ayaa ka dambeeyay markii Xoogag ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen labo saldhig ciidamada dowladda deeg

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

In ka badan 10-ruux ayaa ku geeriyootay, kadib dagaal xoogan oo saaka ka dhacay deegaanka Yaaqbari-weyne ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Dagaalkan ayaa ka dambeeyay markii Xoogag ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen labo saldhig ciidamada dowladda deegaankaas ku lahaayeen. Wararka ayaa intaa ku daraya in ciidamadii milateriga ee deegaankaas ku sugnaa ay isaga baxeen, waxaana si buuxda deegaanka ula wareegay Al-Shabaab

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay weerarka ku qabsadeen labo baabuur, waxaana warar aan wali la xaqiijin sheegayaan inay jiraan askar nolosha lagu qabtay.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in xaalada ay tahay mid degan, hase ahaatee ay ka cabsi qabaan in mar kale uu dagaal ka dhaco.

Deegaankan ayaa ku dhow degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana uu ku yaal wadada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo.

Al-Shabaab


Al-Shabaab ayaa weerar qorsheysan ku qaadayay saldhigyada ciidamada ay ku leeyihiin Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana weeraradaas ay keeneen in Ciidamadii dowladda iyo AMISOM ay isaga baxaan deegaano dhowr ah
xigasho:-Jowhar.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip