Maxkamad maanta la horgeeyay ninkii xaaskiiga ku gubay kuna dilay Muqdisho

0
Thursday February 15, 2024 - 14:36:38 in Wararka by MOGTIMES ONLINE
  • Visits: 650
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamad maanta la horgeeyay ninkii xaaskiiga ku gubay kuna dilay Muqdisho

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta oo Khamiis ah horgeeyay maxkamadda gobolka Banaadir eedeysane Sayid Cali Macalin Daa’uud , oo isbuucyo kahor magaalada Muqdisho ku gubay kuna dilay xaaskiisa oo xaamilo aheyd.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa lagu sheegay in maanta maxkamadda gobolka Banaadir horgeeyeen ninkan ku eedeysnaa in nolosha ku gubay xaaskiisa, kaa oo ciidamada ammaanka soo qabteen isaga oo baxsad ku jira.

Xeer Ilaalinta Qaranka ayaana sheegtay in maxkamdeynta ninkan si deg deg ah loo bilaabi doono, waxaana Sayid Cali oo maalmo ku xirnaa magaalada Muqdisho noqoneysaa markii ugu horreysay ee caddaaladda la horgeeyo.

Aabaha iyo ehelada kale ee marxuumad Luul Cabdicasiis oo wali meydkeeda filinjeero ku jiro ayaa codsaday in caddaaladda la horgeeyo ninka gacankudhiiglaha, waxa ayna caddeeyeen in aysan qaadan doonin diyo ayna rabaan in ninkaasi isna loo toogto.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip