Maal-qabeen miyaa mise siyaasi Soomaaliga barta TikTok ku bixiyey $800,000?

0
Thursday February 08, 2024 - 15:07:09 in Wararka by MOGTIMES ONLINE
  • Visits: 581
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maal-qabeen miyaa mise siyaasi Soomaaliga barta TikTok ku bixiyey $800,000?

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Barta TikTok ee Soomaalida aadka u isticmaasho waxaa saacadihii u dambeeyay ka taagan hadal hayn ka dhalatay nin kusoo gala cinwaan ay ku qoran tahay "Walal” oo aan wadan muuqaal iyo sawir.

Ninkaan ayaa waxa uu billo gudahood hadiyad ahaan u siiyay dad kala duwan oo Live kaga jiray TikTok qadar lacageed oo lagu qiyaasay 800,000 oo dollarka Mareykanka, waa ku dhawaad 1 Milyan oo dollar.

Ninkaan oo sida muuqata aan dooneyn in la barto magaciisa rasmiga ah iyo muuqaalkiisa ayaa waxa uu lacagta siiya xidigaha caanka ka ah barta TikTok, dadka danyarta ah iyo kuwa taageera dowladnimada Soomaaliya, kuwaasi oo la arkay isaga oo diraya hadyaddo lacag ah oo Libaaxyo ah.

 

Sidoo kale, kuwa kale oo badan ayaa soo fariistay barta TikTok oo sheegay in Walal uu siiyay lacago, iyaga oo aan is aqoon.

Walal waxaa lagu muransan yahay qofka uu yahay. Dadka qaar waxay aaminsan yihiin inuu yahay nin hanti badan haysta oo doonaya inuu ka farxiyo dadka Soomaaliyeed.

Halka kuwo kale ay aaminsan yihiin inuu yahay nin siyaasi ah oo weliba kamid ah madaxdii soo martay Soomaaliya ama kuwa hadda xilka haya.

 

 

Qolo saddexaadna waxay aaminsan yihiin inuu yahay nin dano gaar ah leh oo dhawaan la baran doono. Sheekada ninkaan kuma eeka barta TikTok oo keliya, waxaa lagaga doodaya baraha kale ee sida Facebook, YouTube iyo Instagram, iyada oo ninkaan loogu mahad-celiyay.

Sheekada ninkaan ayaa waxaa saacadihii lasoo dhaafay si weyn loogu qaada dhigayay mareegaha kala duwan ee Internet-ka, iyagoo dadka siyaabo kala duwan uga hadlayay arrinkaasi.

Maalqabeen miyaa mise siyaasi ninka Soomaaliyeed ee 800,000 Dollar ku bixiyay barta Tiktok ? - YouTube




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip