TOOS: Maxkamadeynta ninkii gubay xaaskiisa oo mar kale ka bilaabatay Muqdisho

0
Monday February 26, 2024 - 09:40:42 in Wararka by MOGTIMES ONLINE
  • Visits: 673
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    TOOS: Maxkamadeynta ninkii gubay xaaskiisa oo mar kale ka bilaabatay Muqdisho

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

 Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta markii labaad dhageysaneysa kiiska xasaasiga ah ee loo haysto eedeysane Sayid Cali Macallin Daa’uud oo gubay xaaskiisii oo xaamilo ahayd, Marxuumad Luul Cabdicasiis Maxamed.

Maxkamadeynta ayaa saaka mar kale ka bilaabatay xarunta Maxkamada Gobolka Banaadir, ayada oo si weyn loogala socdo warbaahinta, maadaama uu yahay kiis xasaasi ah.

Dhageysiga dacwaddan ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay ehellada labada dhinac, dadweyne, qareeno iyo xeer ilaalinta guud ee qaranka.

 

Sayid Cali ayaa isna kasoo muuqday fadhiga maxkamadda, maadaama mar labaad la dhageysanayo kiiskiisa, waxaana u doodayo Abuukaate Cali Xalane.

Haddii lagu helo dambigan Sayid Cali ayaa muteysan doono xukun dil toogasho ah, sida uu fadhigii hore ee maxkamadda ka sheegay guddoomiye Saalax Dabaan.

Maxkamadda ayaa horay waxaa la horkeenay marqaatiyaal ay kamid ahaayeen carruurtii marxuumadda oo qaarkood waxyeelo ay kasoo gaartay dabka, kuwaas oo la wareystay.

 

 

Sidoo kale waxaa la filayaa in maxkamadda gobolka ay maanta go’aan ka gaarto kiiska ninkan oo ay si weyn uga argagaxeen dadka Soomaaliyeed.

Ninkan oo horay u baxsaday ayaa waxaa ugu dambeyn gacanta kusoo dhigtay hay’adda NISA oo kasoo qabatay gobollada dhexe, waxaana kadib loo gacan geliyay booliska, waxaana sidaas ku billowday maxkamadeyntiisa.

 

Si kastaba,Luul Cabdicasiis ayaa weli iyada oo mayd ah ku jirto Ferinjeer, waxaana qoyskeeda ay dalbanayaan in lala aaso ninka gubay oo ah eedeysane Sayid Cali Macallin.

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip