Shirkad laga leeyahay Hindiya oo Warshad Sokor ka dhiseysa magaalada Jowhar (Sawirro)

0
Friday September 18, 2015 - 22:24:55 in Wararka by
  • Visits: 861
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkad laga leeyahay Hindiya oo Warshad Sokor ka dhiseysa magaalada Jowhar (Sawirro)

    Wafdi uu horkacayo wasiiru dowlaha wasaarada Warshadaha iyo Ganacsiga Maxamed Xasan Aadan ayna ka mid ahaayeen injineero ka socday shirkad laga leeyahay dalka Hindiya ayaa booqday magaalada Jowhar xarunta gobolka Sh/dhexe. Xubnaha wafdigan ayaa xa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdi uu horkacayo wasiiru dowlaha wasaarada Warshadaha iyo Ganacsiga Maxamed Xasan Aadan ayna ka mid ahaayeen injineero ka socday shirkad laga leeyahay dalka Hindiya ayaa booqday magaalada Jowhar xarunta gobolka Sh/dhexe. Xubnaha wafdigan ayaa xarunta maamulka gobolka Sh/dhexe ku qaabilay guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Cabdulahi Xuseen waxana ay ka wadahadleen sidii maalgashi ay loogu sameysan lahaa gobolka.

Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe ayaa ka warbixiyay xaalada gobolka isagoo u sheegay wafdiga in gobolka uu ammaan yahay ayna ka fahmi karaan safarkii lugta ahaa ee ay magaalada Muqdisho ugaga soo baxeen kuna soo gaareen magaalada Jowhar.

"Shacabka gobolka waxa uu u baahan yahay in maalgashi lagu sameeyo gobolka oo caan ku ah warshadaha iyo wax soo saarka beeraha maamulkuna wuu soo dhoweynayaa shirkadaha maalgashi ku samaysanaya gobolka.”ayuu yiri guddoomiye Guudlaawe oo ka hadlayay shir jaraaid oo lagu qabtay xarunta maamulka gobolka.

Wasiiru dowlaha wasaarada warshadaha iyo ganacsiga Mudane Maxamed Xasan Aadan ayaa sheegay in gobolka Sh/dhexe uu yahay gobol dabooli kara baahida dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed ay u qabaan inay fursado shaqo helaan maadaama gobolka uu caan ku yahay wax soo saarka beeraha iyo warshadaha.

"Waxaan soo booqanay warshadii ugu horeysay ee Soomaliya laga dhisay iyo dhul beereed ballaaran oo laga faa’ideysan karo, dowladuna waa ay ku dadaali doontaa sidii maalgashi loogu sameyn lahaa gobolkan.”ayuu yiri Wasiiru dowlaha wasaarada Warshadaha iyo ganacsiga.

Sidoo kale waxaa shirka jaraa’id ka hadlay injineer ka socday shirkad caan ka ah dalka Hindiya oo leh warshado soo saara sokorta. Inj Vijay Kumar waxa uu sheegay in shirkadiisu ay diyaar u tahay in ay ka dhisto warshad sokor gobolka Sh/dhexe gaar ahaan magaalada Jowhar ayna sidoo kale maalgashi ku sameysan doonaan dhinaca beeraha.

"Annagoo ka helayna kaalmo dowlada Soomaaliya waxaan ka dhisi doonaa warshad sokor magaalada Jowhar, shirkadeena waxaa ay hore uga soo dhistay warshado sokor dalalka Sudan iyo Burkano Faso,”ayuu yiri Inj Vijay Kumar.

Wafdigan ayaa soo booqday halkii ay ka dhisneyd warshadii hore ee sokorta SNAI,beerihii warshada,warshada dharka ee Balcad iyo qeybo kamid ah xaafadaha magaalada Jowhar ay ka kooban tahay.

Gobolka Sh/dhexe ayaa waxaa kahor sanadkii 1991kii ka dhisnaa warshado ay kamid yihiin warshada sokorta SNAI, warshada dharka ee Balcad iyo warshada bariiska ee Baaro-weyne ee ku tiil duleedka magaalada Jowhar.

Warshadahan ayaa waxa ay ku burbureen dagaaladii sokeeye balse waxaa ka badbaaday warshadii dharka ee Balcad oo qeybo kamid ah weli ay howl gali karaan.

booqashojwhr (1)

booqashojwhr (2)

booqashojwhr (3)

booqashojwhr (4)

booqashojwhr (5)

booqashojwhr (6)

booqashojwhr (7)

booqashojwhr (8)

booqashojwhr (9)

Like it? Share it!



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip