
Dagaalyahano ka tirsan Daalibaanka Pakistan oo weeraray saldhig ciidamada cirka ah duleedka Peshawar
Dagaalyahano ka tirsan Talibanka Pakistan ayaa weerar xoog leh ku qaaday saldhiga ciidamada cirka ee ku yaal duleedka magaalada Peshawar, waxana iskahorimaad halkaas ka dhacay uu sababay inay ku dhinteen ugu yaraan 43 ruux, Maleeshiyaadka weerarkan fuliyey ayaa la sheegay inay gudaha u
galeen masaajid ku yaal xerada militariga ee Badaber Air Force,
halkaasna ku dileen ugu yaraan 40 qof oo ay saraakiil ku jiraan, macada
sida ay kooxdaasi gudaha ugu gashay masaajidka ku dhexyaal xeradaasi oo
si weyn loo illaaliyo.
Warbaahinta Militariga Pakistan ayaa sheegtay in 21 sarkaal iyo askar ku dhinteen dagaalka, balse warar kale ayaa sheegaya in dhimashada ciidamada ay intaasi ka badan tahay.
Warbaahinta ciidamada Pakistan ayaa sheegtay in 21 ciidamada ammaanka ah, shan ruux oo rayid ah oo ka shaqeynayay saldhigga ciidamada cirka ee Badaber Air Force iyo 14 la mid ah maleeshiyadii weerarka ka dambaysay ay ku dhinteen iska horimaadka.
Daalibaanka Pakistan oo loo yaqaan Tehreek-e-Taliban Taliban,ayaa sheegtay in ay ka dambeeyay weerarka. Kabtan ciidamada ah iyo labo kamid ah ilaaladiisa ayaa ka mid ahaa askartii laga diley ciidamada dowlada Pakistan waxaana la sheegay in toban askari oo dhaawac ah la dhigay isbitaalada,
Lama oga in ay baxsadeen qaar ka mid ah dagaalyahanadii weerarka soo qaaday waxaana wararka qaar ay sheegayaan in labaatan askari ay ku dhaawacmeen weerarkan
Dagaalyahano ka tirsan Daalibaanka Pakistan oo weeraray saldhig ciidamada cirka ah duleedka Peshawar
Dagaalyahano ka tirsan Talibanka Pakistan ayaa weerar xoog leh ku qaaday saldhiga ciidamada cirka ee ku yaal duleedka magaalada Peshawar, waxana iskahorimaad halkaas ka dhacay uu sababay inay ku dhinteen ugu yaraan 43 ruux,