Ciidamada dowladda oo Galabta gacanta kusoo dhigay ninkii dhawaan Xaaskiisii gubay

0
Monday February 05, 2024 - 17:50:52 in Wararka by MOGTIMES ONLINE
  • Visits: 129
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada dowladda oo Galabta gacanta kusoo dhigay ninkii dhawaan Xaaskiisii gubay

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..
 Howlgal qorsheysan oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada Booliiska, Nabadsugida iyo kuwa difaaca dadweynaha ayaa lagu soo qabtay galabta Sayid Cali Macalin Daa'uud oo ah ninkii dhawaan Xaaskiisa oo xaamilo aheyd ku gubay gudaha magaalada Muqdisho.

Howlgalka lagu soo qabtay ninkaan Xaaskiisii gubay ayaa ka dhacay deegaanka Cadeyleey oo uu ku dhuumaaleysanayay ninka gubay Xaaskiisii oo lagu magacaabi jiray Luul Sheekh Cabdicasiis.


Ciidamada is garabsanaya ayaa sidoo kale gacanta kusoo dhigay laba nin oo kale oo eedeyaanaha ka gacan siinayay inuu ku baxsado doon, kuwaas oo laga soo qabtay deegaanka Gawaan ee gobolka Mudug.

"Maanta 05 Feb 2024 waxaa gacanta lagu soo dhigay eedeysane Sayid-Cali Macalin Daa'uud iyo laba eedeysane oo gacan ku siinayay in uu cadaalada ka baxsado. Eedeysanayaashaan oo kala ah Ingriis Fanaxeey iyo Cabdirisaaq Macalin Daa'uud Caluuke" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Taliska Booliiska Soomaaliya.

Qoraalka kasoo baxay Booliiska Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu xusay in dadkii qeybta ahaa in gacanta lagu soo dhigo eedeysanaha si gaar ah loogu abaal marin doono abaalmarintii loo balanqaaday.

Talaabadaan lagu soo qabtay eedeysanahaan ayaa waxaa durba si weyn usoo dhaweeyay dadka Soomaaliyeed oo si weyn uga careysna falkii naxdinta badnaa uu ninkaan ku gubay Xaaskiisii oo uur u laheyd.






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip