WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIEMS DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 17-KA SEPTEMBAR 2015-KA

0
Thursday September 17, 2015 - 09:26:14 in Wararka by
  • Visits: 990
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIEMS DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 17-KA SEPTEMBAR 2015-KA

    GUDOOMIYE JAWAARI OO SHEEGAY IN SI DEGDEG AH LOO GUDA GELAYO WADA HADALKA MOOSHINKA KA DHANKA AH MADAXWEYNAHA Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo guda geli doono wada had

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

GUDOOMIYE JAWAARI OO SHEEGAY IN SI DEGDEG AH LOO GUDA GELAYO WADA HADALKA MOOSHINKA KA DHANKA AH MADAXWEYNAHA Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo guda geli doono wada hadalka mooshinka ka dhanka ah Madaxweyn aha dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo xildhibaanno badan ay ku kala aragti duwanaadeen.


 


Gudoomiye Jawaari oo shalay shir gudoominayay Kala Fadhiga Lixaad ee baarlamaanka, kulankiisa 40-aad ayaa hadalkaan sheegay, waxaana uu tilmaamay in Labada dhinac looga baahan yahay suurta gelinta wada hadal laga galo arrintaasi.

Waxa uu gudoomiye Jawaari ka codsaday Xildhibaanada ku kala aragtida duwan mooshinka garab ka mid ah in ay soo dhameystiraan qoraalka ay ku muujinayaan ay habka ay wada hadalka u galayaan, maalinta berri ah ugu dambeyntii.

Dhinaca kale guddoonka baarlamanaka ayaa shalay waxa uu ansixiyay qaraarka lagu dhisaayo golaha wada tashiga Qaranka ee Jiheynta Nidaam Siyaasadeedka iyo qaabka loogu gudbayo August 2016-ka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa dhinaca kale waxa uu kala diray guddi hoosaadkii 25-ka xubnood ka koobnaa ee ka shaqeynayay habka loogu gudbi karo 2016-ka, oo horay uga soo shaqe eyay isla marxaladdaan.

Guddiga joogtada ah ee baarlamaanka ayaa dhawaan go’aamiyay in la xiro kala fadhiga lixaad 16-ka bishaan oo shalay ku beegnayd, hase ahaatee taasi waxa ay ay noqotay mid guddoonka uu sheegay in aan la’isku raacsaneyn.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in howsha ay sii wadi doonaan guddiyada joogtada ah ee Baarlam aanka, Kala Fadhiga Lixaadna la xiri doono marka laga soo noqdo Xajka, uuna soo idlaado wada hadalka mooshinka ka dhanka ah ee Baarlamaanka

KULAN LOOGA HADLAYAY MAAL-GASHIGA SOOMAALIYA OO LAGU SOO GUNAANADAY DALKA IMAARAADKA CARABTA

Kulan looga Hadlayay Maalgashiga Soomaaliya oo ay ka qayb-galeen xubno uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, C/salaam Cumar Hadliye ayaa lagu soo gaba-gabeeyay Shalay Magaalada Dubai ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Shirkan Waxaa Goob-joog ka ahaa Wasaaradda Arrimaha ee Imaaraadka Carabta; iyadoo Diir adda lagu saaray Fursadaha Maalgashi ee Soomaailya, kaasoo ay si wadajir ah u shir-Guddoomin ayeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia, C/salaam Hadliye iyo Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta, Khalid Ghanim.

Khalid Al-Ghaith ayaa hadal uu kulanka ka jeediyay ku sheegay in Shirkaan uu xoojinayo Fursadaha ku aaddan in Maalgashi lagu sameeyo Soomaaliya, isagoo xusay in la isku raacay sidii loo xoojin lahaa Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ka dhexeeya, isla markaana ay Ganac satada Imaaraadku Maalgashi ugu sameysan lahaa gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale, Al-Ghaith ayaa intaas ku daray in Labada Waddan ay iska kaashan doonaan dhin acyo badan oo ay ka mid yihiin; Maalgashiga, Ganacsiyada kala duwan iyo weliba duulimaadyada rayidka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, C/salaam Hadliye Cumar oo Hadal dhinacyo badan ka jeediyay Gunaanadkii kulanka ayaa sheegay in kulanka uu guul kusoo dhamaaday, isla markaana ay sii Xoojinayso Xiriirka Dublamaasiyadeed Soomaaliya iyo Imaaraadka ka dhexeeya.

Sidoo kale, C/salaam Hadliye ayaa xukuumadda Imaaraadka ku ammaanay Taageerada ay mar waliba la garabtaagan tahay shacabka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu xusay inay dhinacyo badan ka tageeraan.

Ugu dambeyn, Kulanka ka dib ayaa Waxaa billlowday Kulammo Goonigooni ah oo ay Mas’uuliyiinta labada Dal yeesheen, kuwaasoo lagu Go’aamiyay in Imaaraadka ay si dhow uga faa’ii deystaan Fursadaha Maalgashi ee xilligan ka jira Soomaaliya.

MAXKAMADDA CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SHALAY RIDAY XUKUNO XABSI DAA’IN AH

Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida ayaa shalay xabsi daa’in ku xuk untay saddex ruux oo dhowaan Ciidamada Booliska ku soo qabteen howl gal ay ka sameeyeen Guri ku yaalla degmada Yaaqshiid, halkaasoo lagu diyaarinayay miinooyinka iyo waxyaabo kale oo qaraxyada laga sameeyo.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida Xasan Cali Shuute ayaa sheegay in saddexdan ruux oo mid ka mid ah ay haweeney tahay ay ka tirsan yihiin qeybta Qaraxyada ee Al-Shabaab.

"Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida waxay shalay xukuno xabsi daa’ in ah ku riday Xuseen C/qaadir Salaad, C/risaaq Xuseen Cismaan iyo Fartuun Isaaq Cabdi oo ka tirs an qeybta qaraxyada ee Al-Shabaab”ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka sida,

Inta uusan xukunka dhicin ayaa waxaa Maxkamadda la keenay qalabkii laga sameynayay qaraxyada, gaar ahaan miinooyinka lagu xiro baabuurta, labo bastoolad iyo waxyaabo sumeysan oo loo isticmaalo qaraxyada.

Ciidamada Booliska oo adeegsanayay eeyo u tababaran urinta waxyaabaha qarxa ayaa 17-kii bishii hore howl galay ka sameeyeen degmada Yaaqshiid waxay ku soo qabteen hub iyo waxyaabaha qarxa oo guri ku yaalla degmadaas lagu diyaarinayay.

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa horay xukuno kala duwan ku ridday ragg iyo dumar lagu soo eedeeyay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, waxaana maxkamaddu ay xukuno isugu jira dil iyo xabsi ku xukuntaa ciidamada dowladda ee falal dambiyeedyada geysta.

CIIDAMADA DOWLADDA OO SHALAY GUDAHA U GALAY XAAFADDA FIYOORAHA, KANA WADA BURBURIN

Ciidamada Nabad Suggida & Booliska Gobolka Banaadir, ayaa shalay gudaha u galay Dhismo oyinka ku yaala Xaafadda Fiyooraha, oo ka tirsan Degmada Wardhiigley Ee Gobolka Banaadir, iyago ona hawlo burburin ah ka wada.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa 19-kii bishii hore ee August ku dhawaaqay in muddo 10 maalmood ah looga guuro Fiyooraha.

Wasiirka waxa uu xilligaa sheegay in Fanaaniinta Hobolada Waaberi ka tirsan, ay iyagu sii deganaan doonaan, laakiin kuwa la doonayo inay ka guuraan ay yihiin dadka kale ee caadiga ah.

Ciidamada Nabad Suggida & Booliska, ayaa beegsanaya dadka caadiga ah ee degan Dhismoo yinka Fiyooraha, waxay kaloo burburinayan sandaqadaha ay dadka qaarkii ka dhisteen halkaasi.

Suxufiyiinta, ayaa soo sheegaya inaanay Ciidamada Dowladdu beegsanayn qoysaska xubnaha ka tirsan Fanaaniintii Hobolada Qaranka (Waaberi), kuwaa oo iyagu amar u haysta inay deegaan sii ahaadan. Ma cadase waxa dib iska bedeli doona.

 

INJ. FAYSAL: MUDADII UU TALADA HAYAY XASAN SHEEKH SOOMAALIYA MURANNO BADAN AYAY GASHAY

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee Somaliland UCID, Inj. Faysal Cali Waraabe ayaa She egay in muddadii uu Xilka hayay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud uu muran badan geliyay dalka.

Inj. Faysal ayaa Tilmaamay in khilaafyo badan uu ka jiro Maamulgoboleedyada Dalka ka jira, isagoo xusay in arrintaas ay caqabad ku tahay inay horay u socoto Dowladda Soomaaliya. Isagoo eedda murankan taagan dusha ka saaran Xasan Sh. Maxamuud.

"Xasan Sheekh muran ayuu geliyay mudadii uu shaqeynayay, waxaad Aragtaa in muran ka taagan yahay; Degmooyinka Kismaayo, Cadaado iyo kuwo kale oo Soomaaliya ka mid ah, Waxaa ka socota Cadaalad darro, Maamullo aan jirinna dadka waa lagu khasabaya dadka,” ayuu hadalkiisa ku aray Inj. Waraabe.

Sidoo kale, Inj. Faysal oo ka hadlay Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ka furtay Magaalada Buuhoodle oo ay ka taliso Khaatumo ayuu Xusay in taasi aanay wax saameyn ah ku yeelan doonin Somaliland.

"Degmada Boohoodle waa degmo yar, maamulka ma aanu gaarin, Annagana ma doonayno in dagaal lagu qaado, Prof. Cali Khaliif Galeyr in dadka dagaal lagu qaado buu rabaa, balse Xafiis yar oo Baasaboor lagu iibiyo Waxba inooma Dhibayo,” ayuu Inj. Waraabe yiri mar kale .

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha xisbiga UCID ayaa xusay in wadahadal ay kula jiraan Wax-garadka ku dhaqan Buuhoodle, isl amarkaana lagu baahin doono maamulka Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka Inj. Faysal Waraabe ayaa kusoo beegmaya xilli maalmo ka hor uu Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxmauud u dabaaldagay Sannad-guuradii saddexaad ee kasoo waree-gtay markii xilka loo doortay.

XOOGAGA AL SHABAAB OO WEERARAY KOLONYO AY LA SOCDEEN XILDHIBAANO BAARLAMAANKA SOOMAALIYA KA TIRSAN

Xoogaga Ururka Al Shabaab, ayaa waxay galabta Xildhibaanadan ku weerareen buuraha ku teedsan Magaalada Baladweyne Ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Xildhibaanadan oo ay wehlinayen Siyaasiyiin maalmahaanba booqasho ku joogay Gobolka Hii raan, ayaa markaasi ka yimid Deegaanka Ceel-cali, iyagoona ku sii jeeday Magaalada Baladweyne.

Ciidanka Xooga Dalka & Xoogagga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika oo galbinaayay Xildhiba anada iyo Siyaasiyiinta, ayaa iska caabin xooggan ugala hortagey dagaalyahanada Shabaabka, oo ay dib kaga riixeen buuraha.

Maxamed Ibraahim Sanbuur, Gudoomiye Ku Xigeenkii Hore Gobolka Hiiraan, oo ka mid ahaa xubnaha la weeraray, ayaa ammaanay Ciidanka Xoogga Dalka, sida ay ugu babadhigeen mintidiinta Al Shabaab.

Maxamed Ibraahim Sanbuur oo la hadlay Laanta afka Soomaaliga ee VOA, ayaa tilmaamay we erarkaasi inay ku dhaawacmeen laba askari, oo ka tirsan Ciidamada Huwanta, wuxuuna meesha ka saaray in khasaaro intaa ka badan uu weerarku ka soo gaaray.

Mar la weydiiyay sida Ururka Al Shabaab ugu suurta gashay in masuuliyiin Dowladda Soomaaliya ka tirsan, ay ku weeraran afaafka hore ee Magaalada Baladweyne, ayaa wuxuu ka dhawa ajiyay in ujeedkoodu uu yahay weli waan joognaa, sida uu yiri.

Masuuliyiinta la weeraray, ayaa waxaa laga xusi karaa Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, Xildhibaan Maxamed Maxamuud Ibraahim (Goodir), Gudoomiye Ku Xigeenka Dhinaca Siyaasadda Gobolka Hiiraan, Maxamed Ibraahim C/laahi iyo Gudoomiyaha Degmada Baladweyne, Maxamed Cis-maan Macalin Qalaafow. Masuuliyiintan ayaa dhammaantood ka badbaaday weerarkaasi.

KALFADHIGII BAARLAMAANKA OO SHALAY LA HAKIYAY IYO XILDHIBAANO DOOD KA KEENAY

Kalfadhigii lixaad ee Baarlamaanka ayaa shalay la hakiyay, ka dib markii Guddoonka Baarlam aanka ku sababeeyay in Xildhibaano fara badan ay ku maqan yihiin gudashada waajibaadka xajka.

Kulankii shalay ee Xildhibaanada Baarlamaanka ku yeesheen Xarunta Golaha Shacabka ayaa looga hadlay isla meel dhigida arrimaha ku saabsan Golaha wada tashiga Hiigsiga sanadka 2016, kuwaasoo soo qorsheynaya qaabka doorasho ee Soomaaliya uga dhici doonto.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa kulankii shalay ka sheegay in la hakiyay kulanka inta laga soo noqonayo Xajka, iyadoo taas uu u sababeeyay inay adkaaneyso inay sii socdaan kulamada, ayna adag tahay in la helo kooram rasmi ah.

Xildhibaan Maxamed Cumar oo ah Habdhowraha Baarlamaanka ayaa sheegay in in ka badan 40 Xildhibaan ay aadeen Xajka sanadka, isla markaana Guddoonka uu go’aansaday in la hakiyo illaa laga soo noqonayo xajka. Qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa ka soo horjeeday in la hakiyo kulama da Baarlamaanka, isla markaana sheegay in ajandayaasha horyaala Baarlamanaka ay muhiim tahay in la sii wado,

Sidoo kale Guddoonka Baarlamaanka ayaa sheegay inay sii soconayaan kulamada xalka looga gaarayo mooshinka Madaxweynaha, ka dib markii dhowaan Labada dhinac ay soo dhoweeyeen wada hadal laga galo arrinta mooshinka

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa aqbalay dhex dhexaadinta Guddoonka Baarlamaanka, waxaana wada hadalada laga galayo mooshinka uu u wakiishay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdi rashiid.

Laakiin Xildhibaanada Baarlamaanka ee mooshinka ka keenay Madaxweynaha ayaa diiday wa kiilnimada Madaxweynaha ee Ra’iisul Wasaaraha, isla markaana mooshinka uu yahay mid si shaqsi ah Madaxweynaha arrimo badan loogu soo eedeeyay.

Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa sheegay in wakiilnimada Madaxweynaha ee Ra’iisul Wasaaraha ay u ekaaneyso in khilaaf uu u dhaxeeyo baarlamaanka iyo Xukuumadda, sidaas darteed ay ka doonayaan Madaxweynaha inuu soo dirsado xubno xafiiskiisa matala.

KENYA OO SHEEGTAY IN BOQOLAAL DAGAALYAHANO KA TIRSAN AL-SHABAAB KU SUGAN YIHIIN KEYMAHA BONI

Saraakiisha Ammaanka Kenya ayaa sheegay in boqolaal ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabaab ay saldhig ku leeyihiin Keymaha fog ee Boni, iyadoo Ciidamada Milateriga Kenya oo taageeraya diyaaradaha qumaatiga u kaca ay bilaabeen howl gallo. Howl galkan ayaa waxaa amray Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, iyadoo kumanaan qoysas oo ku sugan keymahaas lagu wargeliyay inay ka guuraan dhulka keymaha Boni.

Illaa saddex kun oo qoys oo degenaa keymaha Boni ayaa bilaabay inay isaga cararaan, si aanay saameyn ugu yeelan howl galada bilowday, waxaana dadka ay ka cabsi qabaan in dhibaat ooyin loo geysto.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenyan Joseph Nkaisserry ayaa sheegay in saddex boqol dagaalyahanada Al-Shabaab oo ku sugan keymaha Boni ay kaga soo duulaan magaalooyinka Kenya.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dhulka keymaha Boni ay ka sifeyn doonaan dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya, waxaana howl galkan Kenya ku dhawaaqday uu yahay kii saddexaad tan iyo markii Ciidamada Kenya gudaha u soo galeen Soomaaliya sanadkii 2011.

Wargeyska The Star ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa dhowaan qoray in dhulka keymaha fog ee Boni Al-Shabaab ku leeyihiin xeryo ay ku tababaraan dagaalyahanada.

Al-Shabaab ayaa dhowaan soo bandhigtay muuqaalka dagaalyahano Cadaano iyo kuwa Kenyan ah oo ku socdaalaya dhul keyn ah oo ku yaalla gudaha Kenya, dagaalyahano tababaranaya iyo gaadiid ka qafaalanayaan agagaarka Lamu.

WASIIRKA WARFAAFINTA "WAXAA NOO QORSHEYSAN INAAN DIB U DHISNO XARUNTII TIYAATARKA QARANKA”

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in dhowaan ay dib u dhis ku sameyn doonaan Golihii Murtida iyo Madadaalada ee Tiyaatarka Qaranka.

Maareeye oo ka hadlayay xaruntii Farshaxanka ee Wakaaladda Murtida iyo Madadaalada oo ku dhow Madaxtooyada oo shalay laga saaray dadkii degenaa ayaa sheegay in dib u soo celinta xaruntan ay ka mid tahay dib u soo nooleynta Tiyaatarka Qaranka. "Waxaa inoo qorsheysan inaan dib u dhisno Tiyaatarkii Qaranka, waxaa ku baaqeynaa in laga wada qeyb qaato dhismaha Tiyaatarka Qaranka”ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dhamaan xarumihii ku bur buriyay ee dagaaladii sokeeye ee dalka dib loo dhisi doono.

Xaruntii Tiyaatarka Qaranka ayaa ahaa goobaha taariikhiga ahaa, ugana caansanaa dalka, waxaana horay lagu soo bandhigay Bandhig faneed, ruwaayado iyo heeso, waxaana Wasaaradda Warfaafinta ay dadaal ugu jirtaa dib u soo nooleynta Fankii Soomaaliya.

BOOLIISKA WADDANKA MARAYKANKA OO WIIL 14-JIR AH OO MUSLIM AH U XIRAY INUU SAMEEYAY SAACAD

Booliiska Magaalada Irving ee Dalka Maraykanka ayaa xiray, Axmed Maxamed oo ah 14-jir ah dhiganayayna iskuul ku yaalla magaaladaas, ka ddib markii uu Iskuulka la yimid Saacad uu Gurigiisa kusoo sameeyay.

Maamulka dugsiga sare ee MacArthur ayaa u qaatay saacada uu keenay Axmed inay tahay bam gacmeed, waxayna si hoose u waceen ciidanka booliiska, taasoo keentay in wiilka yar lagu xiro xabsiga juvenile.oo ku yaala isla magaaladaas.

Wiilkan yar ayaa la sheegay inuu doonayay in saacada uu sameeyay uu tuso Macallinkiisa, isla markaana uu kadis uga dhigo Ardayda ay isku Fasalka yihiin, Waxaana Aabaha dhalay Wiilkan oo lagu Magacaabo Maxemd El-Xasan oo Asal ahaan kasoo jeeda Dalka Suudaan uu sheegay in wiilkiisa si xun loola dhaqmay.

Guddiga Muslimiinta Dallas ayaa iyagana sheegay inay baarayaan Arrinta dhacday, iyagoo ka digay suurogalnimada ah in Islaan nacayb loo xiray wiilkan, waxayna boolisku xuseeen in Axmed la Xukumi karo, Maadaama u sameeyay Saacad Bam loo ekeysiiyay.

Axmed Maxamed oo la hadlay Dallas Morning News ayaa isagana Sheegay inuu jeclahay Injineernimada, isla markaana uu doonayay in saacadda uu tuso macalimiintiisa si uu uga helo fikrado dheeri ah.

Waxa uu sheegay in macalinksiisa maadada Injirneerinka uu ka helay hambalyo, uuna kula taliyay in uusan tusin macalimiinta kale ,isaga oo sheegay in dhawaqa saacadda ay keentay in maca lin kale uu ogaado xili lagu jiray xiisad ka baxsan tan injineerinka.

"Saacaddu Waxay u egtahay bam," ayuu yiri Axmed oo sheegay in laga saaray fasalkii uu ku jiray ,isla markaana ay Waraysi ka qaadeen Afar xubin oo ka socotay laamaha booliiska iyo madaxda iskuulka uu dhiganayay.

Afhayeen u hadlay Ciidanka Booliiska Magaaladaas oo lagu magacaabo James McLellan ayaa Sheegay in Axmed uu u Xaqiijiyay in Wuxuu Sameeyay ay tahay Saacad, Mana jiro Wax War ah oo kasoo baxay Iskuulka MacArthur oo aan ka ahayn in ilaaladiisa ay Xaq u leeyihiin soo gudbinta wax kasta oo ay ka shakiyaan.

Ugu danbayn, Alia Saalim oo ka tirsan Ururka Muslimiinta Maraykanka ayaa Sheegtay in ay ka xun yihiin xariga Axmed oo ahaa wiil da’yar oo firfircoon, iyadoo arintan Siyaabo kala duwan u canba areeyay musliminta Maraykanka iyo waliba kuwa Caalamka.

MADAXWEYNAHA SUURIYA OO SHEEGAY INUUSAN XILKA UGA DEGEYN CADAADISKA DALALKA REER GALBEEDKA

Madaxweynaha Dalka Suuriya, Bashar Al-Assad ayaa sheegay inuusan Xilka uga degi doonin Cadadaadisyada Shisheeyaha kaga imaanaya, balse wuxuu sheegay in haddii ay shacabka dalkiisa ay ka dalbadaan inuu xilka ka dego uu aqbali doono.

Waddamada Reer Galbeedka iyo kooxaha kasoo horjeeda xukuumadda Al-Assad ay marar ba dan sheegeen inaysan macquul ahayn in Madaxweyne Al-Asad uu sii hoggaamiyo dalka ay Colaa duhu Halakee-yeen.

Sidoo kale, Bashar Al-Assad ayaa xusay in dowladda Iiraan ay ka taageerto xukuumaddiisa dhinacyada Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo Ciidamada, laakiin aysan jirin Ciidammo ka socda dalka Iiraan oo ku sugan dalkiisa.

Hoggaaminaya dalka Suuriya ayaa hadalkiisan wuxuu imaanayaa xilli Dowladda Ruushka ay sheegtay inay xoojinayso Joogitaankeeda Gudaha Dalka Suuriya, iyadoo Mas’uuliyiinta Ruushka ay dhawaan ku dhawaaqeen inay Saldhig Cirka ah ay ka Sameysanayso Suuriya.

"Xilka waxaan ku qabtay kalsooni ay i siiyeen shacabka Dalka Suuriya, Haddii ay Noqoto inaan xilka ka dagana waa inay Shacabka Dalkeyga iga dalbadaan,” ayuu Assad Hadalkiisa ku daray, isa goo u warramayay Warbaahinta dalka Ruuhska.

Bashar Al-Assad ayaa xilka loo doortay mar kale Sannadkii lasoo dhaafay 2014-kii, isagoo ku guuleystay codad gaaraya 88.7% doorashadii dalkaas ka dhacday, iyadoo doorashadu ay ka dhacday deegaannada ay maamusho xukuumadda oo keliya.

Al-Assad ayaa wareysigiisa kaga hadlay arrimaha Qoxootiga dalka Suuriya, ayaa xusay in ay Gaarayaan Afar milyan oo Ruux oo dibadda uga baxay Dalkaas, hal Milyan oo Ruux oo kalena ay ku barakaceen gudaha dalka.

Sidoo kale, Madaxweynaha Suuriya Wuxuu ka Dalbaday Dalalka Reer Galbeedka ah inay jooji yaan inay Taageeraan Argagaxisada, Haddii ay diiddan yihiin Qulqulka Qoxootiga ka cararaya Col aadaha ka socda Suuriya.

Dhanka kale, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka John Kerry ayaa ugu baaqay Dhig giisa Wadanka Ruushka, Sergei Lavrov inay joojiyaan iskudayga ay ku doon-ayaan inay saldhig milla teri uga dhistaan gudaha Suuriya.

John Kerry ayaa sidoo kale uga digay Ruushka taageerada ay siiyaan Dowladda Bashar al-Assad, taasoo uu sheegay inay Qayb ka qaadan karto sii Xoogeysiga colaadaha ka socda dalkaas.

Ruushka ayaa dhankeeda dhawaan sheegtay inay ka caawiso Al-Assad iyo Xukuumaddiisa dagaalka ay kula jiraan kooxda Islaamiga ah ee kooxda ISIS oo dalkaas kawadda dagaallo ay dhul badan ku qabsanayso.

Madaxweynaha Dalka Ruushka, Vladimir Putin ayaa Wacad ku maray inuu sii Xoojinayo Taage erada Millateri ee uu siinayo Madaxweyne Bashar Al-Assad, isagoo wadamada kale ugu baaqay inay iyaguna ay qalab millateri ugu deeqaan xukuumadda Dimishiiq.

Ugu dambeyn, Saraakiil ka tirsan Xukuumadda Washington oo ay soo Xiganaysay Reuters ayaa Shaaciyay in Ruushanku ay Diyaarado dagaal iyo Taangiyo ay dirtay dalka Suuriya.

DAD SOOMAALI AH OO LAGU XIRAY MAGAALADA BANGKOK EE WADANKA THAILAND

Booliska Wadanka Thailand, ayaa weeraray dhisme ku yaala Magaalada Bangkok, oo ay deg an yihiin dad magangelyo doon ah, oo u kala dhashay Soomaaliya iyo Pakistan.

Dadkan oo tiradoodu lagu sheegay 64 qof, ayaa waxaa dhammaantood lagu eedeeyay in sifo sharci daro ihi ay ku jooggeen Xarunta Thailand Ee Magaalada Bangkok, sida ay sheegeen Booliska Thailand.

Dadkan, ayaa waxay ka soo muuqdeen Maxkamadda Magaalada Bangkok, iyadoo lagu ganaa xay ganaax aan weli noociisu la shaacin. Sidoo kalana waxaa lagu wareejiyay Hay’adda Socdaalka Thailand (Suan Phlu).

Bayaan ay soo saartay Hay’adda Human Rights Watch, ayaa waxaa lagu sheegay in si khaldan ay Booliska Thailand u weeraren dadkaasi, xilli magangelyo ahaan ay u jooggaan dalkaasi.

Bayaanka, ayaa waxaa ku xusan in dadka la xiray ay ku jiraan carruur yar yar, xarigaasuna uu dhibaato ku yahay caafimaadka guud ee carruurtaasi.

Human Rights Watch waxay Xukuumadda Bangkok ugu yeertay inay oodda ka qaado dadk aasi, haddii ay u diiwaangishan yihiin qaxooti ahaan.

Thailand, ayaa xaalad feejignaan ah gashay, wixii ka ddambeeyay weerarkii qaraxa loo adeeg saday, ee 17-kii bishii hore ee August lagu qaaday macbadka Erawan Shrine, waxaana ku dhimatay 20 qof, halka 100 kalana ay ku dhaawacantay.

Soomaalida ku nool Magaalada Bangkok, ayaa waxaa la tilmaamaa inay isugu jiraan ganac sato, arday iyo dad qaxooti ahaan ugu diishaangishan Hay’adda UNHCR, oo Qaramada Midoobe u qaabilsan dhinaca qaxootiga.

TALYAANIGA IYO UNHCR OO WADA QORSHE LAGU TAAGEERAYO QAXOOTIGA DIB UGU SOO LAABANAYA SOOMAALIYA.

Safiirka talyaaniga ee Soomaaliya fabrizio macelli iyo wakiilka hay,ada qaxootiga qaramada mi doobay ee unhcr bushra halepota ayaa kala saxiixday heshiis dhaqaale oo lagu taageerayo qaxootiga ku soo noqonaya Soomaaliya.

Kulanka ay yeesheen safiirka Soomaaliya ee talyaaniga iyo madaxa hay,ada unhcr ee Soomaalyia ayaa waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa safiirka Soomaaliya ufadhiya kenya Jamaal maxamed xasan iyo ergayga dowlada Soomaaliya u qaabilsan caruurta iyo xuquuqda muhaajiriinta maryan yaasiin xaaji yuusuf.

Heshiiska labada dhinac ayaa lagu wadaa in lagu caawiyo hay,ada unhcr ilaa hal milyan oo euro taasoo loogu talay galay in unhcr ay ka fuliso xaaladaha deg dega ah ee la xiriira dadka qaxootiga ah ee ka soo laabanaya colaadaha ka jira dalka yemen.

Mashruuca ayaa la filayaa inuu isku xiro dadka ka soo qaxaya colaadaha dalka yemen kuwaasoo hore uga kala yimid gobalada waqooyiga kuwa koofuree iyo bartamaha Soomaaliya.

Hindisaha ayaa waxaa uu qayb ka yahay olole ay si wadajir ah u sameeyeen talyaaniga iyo unhcr kaa soo dhowr sano ka hor lagu gargaaray barakacayaal badan oo ku sugan Soomaaliya loona soo uruuriyey lacag dhan4.7 milyan oo auro

MAYDKA WASIIRKII ARRIMAHA GUDAHA EE UGANDA OO SHALAY KAMPALA LAGA DAJIYAY

Maydka Wasiirkii Arrimaah Gudaha dalka Uganda, Jen. Aronda Nyakairima ayaa Shalay laga dajiyay Magaalada Kampala ee Xarunta Dalka , halkaasoo uu Horraantii bishan August ka Ambabaxay isagoo ku socday Magaalada Seoul ee Xarunta dalka Koonfurta Kuuriya.

Naxashka lagu siday Maydka ayaa waxaa lagu soo daray Xamuulka diyaaradda, iyadoo ay muddo saacad ku dhow sugayeen saraakiisha ciidamada Uganda iyo ehelladiisa in laga soo dajiyo naxashka diyaaradda, waxaana ka horreeyay boorsooyin aad u tiro badan.

Jen. Aronda Nyakairima ayaa Maalintii Sabtida ee aynu kasoo Gudbunay si lama Filaan ah ugu Geeriyooday diyaarad uu kasoo raacay dalka Koonfurta Kuuriya, isagoo xilligaasoo uu kusoo waja hnaa Magaalada Kamapla ee xarunta dalka Uganda.

Garoonka diyaaradaha Magaalada Kampala ee Entebbe ayaa waxaa joogay xilliga maydka la keenayay, Wasiirro, Saraakiisha Ciidamada Dalka Uganda iyo weliba ehellada wasiirka geeriyooday oo ay ku jirtay Xaaskiisii.

Taliyihii ku Xieenkii hore ee Millateriga dalka Uganda, Jen. Ivan Koreta ayaa markii la soo daji yay naxashka Maydka sheegay in Jen. Aronda uu ahaa nin muhiim u ahaa xukuumadda Uganda, isla markaana uu ka mid ahaa Jeneraalladii ugu geesisanaa ee soo maray Uganda.

Haweeneydii u dhaxday Jen. Aronda oo lagu magacaabo Lindah ayaa waxay ka mid ahayd dad kii ku soo Dhaweeyay Maydka Garoonka Kampala, iyadoo hadallo kooban oo ay tiri ku sheegtay inay san mar dambe arki doonin Gacaliyaheedii, iyadoo macsalaameysay maydka saygeedii geeriyooday.

Maydka ayaa waxaa Kampala geysay diyaaradaha waaweyn ee Emirates, iyadoo naxashka maydka uu ku daboolnaa Calanka Dalka Uganda oo Dusha laga Saaray Sawirkiisa, isagoo xiran Dharka Ciidamada Millateriga Uganda.

Dhanka kale, Jen. Aronda Nyakairima oo Dhashay bishii July ee Sannadkii 1959-kii ayaa lagu wadaa in Maalinta Axadda ah ee soo socota lagu aaso Maydkiisa Saldhig Ciidamada Millateriga Uganda ay ku leeyihiin Dulleedka Kampala, Sida ay Warbaahinta u Sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda dalkaas.

Ugu dambeyn, Wasiirkan ayaa waxaa loo magacaabay xilka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Uganda, sannadkii 2013-kii, markaasoo laga soo Wareejiyay Ciidamada oo uu madax u ahaa, isagoo ahaa nin ay aad isugu dhow yihiin Madaxweyne Yoweri Museveni. laakiinse Illaa hadda lama sheegin sababta uu u dhintay.


 

.

WASIIRKA WAXBARASHADA PUNTLAND OO KA HADLAY HEERKA WAXBARASHADA SEDDEXDII SANO EE LA SOO DHAAFAY

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta sare ee Dawladda Puntland Dr. Abshir Yuusuf Ciise ayaa sheegay in heer aad u wannaagsan ay marayso Waxbarashadda Puntl and,wuxuuna xusay in heerka Waxbarashadda Puntland uu kor u kac sameeyay saddexdii sano ee ugu dambeeyay.

‘’Aad iyo aad baan uga raali nahay meesha ay marayso Tacliinta Puntland,saddexdii sano ee ugu dambeeyay sanadba sanadka ka dambeeya waa ka fiinayd,sanadka ayay ugu wannaagsa nayd’’Ayuu yir Wasiirka Waxbarashadda Puntland Dr . Abshir Yuusuf Ciise.

Hadalkan ayuu ka sheegay xilli uu Saxaafadda kula hadlay Gaalkacyo ka dib markii uu shalay Kormeer ku tagay Iskuul ku yaala magaalada Gaalkacyo.

Mar uu ka hadlayay dadaalada ay Dawladdu ku doonayso inay kusi hormariso Waxbarashadda ayaa wuxuu yiri‘’….Dawladda Puntland ee ugu sareeyo Dr. Cabdiweli iyo Wasaaradda Waxbarashad da loo igmaday waxaa ka go’an inay Ubadka Puntland ka haqab tirto Waxbarashadda Puntland,waxaa hoosta laga xariiqay in tacliinta la balaariyo,lana gaarsiiyo Miyiga,lana sameeyo Iskuul farsamo oon aan baahi wayn u qabno,dadka waawayna wax la baro iyo tayaynta Macalimiinta’’.

Wasaaradda Waxbarashadda Puntland ayaa si habsami leh u wada hawlo Qaran ee ay u hayso Ummadda reer Puntland.

MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO GUDOOMIYAHA GOBOLKA NUGAAL U MAGACAABAY GENERAAL FARAWEYNE

Madaxweynah maamulka Puntland C/wali Max'ed Cali Gaas ayaa gudoomuyaha gobolka Nug aal u magacaabay Jeneraal Cumar Cabdulaahi Maxamed Faraweyne oo kamid aha saraakiisha amniga Puntland.

Gudoomiyaha cusub ee gobolka Nugaal ayaa horay u soo noqday taliyihii hore ee ciidanka madaxtooyada Puntland, Waxaana markii ugu dambeysay uu ahaa tali yaha ciidanka Puntland ee aaga gobolada Nugaal iyo Sool.

Gudoomiyaha cusub ayaa badalidoona gudoomiyihii hore ee gobolka Nugaal Cabdullaahi Ciise Aw Axmed oo xilkaas loo magacaabay bishii february ee sanadkaan 2015.

Sidoo kale,Gudoomiye ku xigeenka gobolka Nugaal ayaa loo magacaabay Khaasim Maxmed Cabdi oo haatan ah xoghayaha dowladda hoose ee Garowe.

Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa gudoomiyaha cusub u arkay inuu wax badan ka qaban karo Shacabka gobolka Nugaal,islamarkaana dhinacyo badan ka shaqeyn doona.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip