
Xildhibaan Maxamed Xuseen Isaaq oo ka digay qorshaha lagu doonaayo in lagu kala qaybiyo Gobolka Bakool
Siyaasiyiin iyo Odayaal Dhaqameedyo ka soo jeeda Gobolka Bakool, ayaa u ololeynaya Degmada Yeed, Deegaanka Caato iyo goobo hor leh oo ka tirsan Gobolkaasi, inaanay ka sii mid ahaan Gobolka Bakool, isla-markaana ay doonayan inaanay hoos tegin Gobolkaasi.
Xildhibaan Maxamed Xuseen Isaaq, ayaa wuxuu si xoogan uu kaga horyimid in la kala qaybiyo Gobolka Bakool, isagoona ku baaqay in aragti mideysan lagu wajaho kuwa doonaya inay Gobolka kala dhantaalan.
Waxa sidoo kale uu sheegay Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Dhaqanka ee arrintaasi daneynaya inaanay deegaan ahaan kaba soo jeedin Gobolka, oo isla-markaana ay deggaan dhinaca Itoobiya.
Xildhibaan Afaraale oo saakay laga maqlaayay Warbaahinta gudaha, ayaa dhinacyadaasi ku eedeeyay inay u socdaan arbushaad ka dhan ah Maamulka Koonfur Galbeed Somaliya.
Dowladda Federalka Somaliya & Maamulka Koonfur Galbeed, ayaan iyagu wax war ah ka soo saarin damaca guracan ee dhinacyadaasi, xilli ay abaabul ugu jiraan, sidii Gobolkaasi loo kala qaybin.
Xigasho:-Dhacdo.com
Xildhibaan Maxamed Xuseen Isaaq oo ka digay qorshaha lagu doonaayo in lagu kala qaybiyo Gobolka Bakool
Xildhibaan Maxamed Xuseen Isaaq (Afaraale) oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa wuxuu ka digay in la kala qaybiyo Gobolka Bakool, xilli uu ka tirsan yahay dhulka uu ka arrimiyo Maamulka Koonfur Galbeed.