Todobaadka dhaqanka jaamacadda Muqdisho oo la soo gabagabeeyey

0
Tuesday September 15, 2015 - 11:53:48 in Wararka by
  • Visits: 934
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Todobaadka dhaqanka jaamacadda Muqdisho oo la soo gabagabeeyey

    Jaamacadda Muqdisho waxaa sanad walba ardayda cusub ee kusoo biirta jaamacadda loo qabtaa todobaadka dhaqanka si ardayda iyaga dhaxdooda isu bartaan kuna soo bandhigaan hal'abuurkooda laguna siiyo cashiro kusaabsan shuruucda u dagsan jaamacadda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jaamacadda Muqdisho waxaa sanad walba ardayda cusub ee kusoo biirta jaamacadda loo qabtaa todobaadka dhaqanka si ardayda iyaga dhaxdooda isu bartaan kuna soo bandhigaan hal'abuurkooda laguna siiyo cashiro kusaabsan shuruucda u dagsan jaamacadda inta ay ku guda jiraan sahan waxbarashadeedka Jaamacadda Muqdisho .

Ugu horayn waxaa halkaas ka hadlay madaxa xafiiska ardayda jaamacada Muqdisho Ustaad Maxamuud Sheekh Cali isagoo ardayda ugu horayn soo dhaweeyay ardayda cusub kuna booriyay inay layimaadaan karti iyo dadaal dheeri ah ayna noqdaan arday tusaale u ah bulshada Soomaaliyeed ayna ku daydaan ardaydii ka horeysay ee Jaamacadda Muqdisho ka aflaxday.

waxaa isna kalimad kusaabsan faa’iidada cilmiga iyo horumarka halkaa ka jeediyay Dr. Sheekh Axmed Xasan (Qudubi) oo kamid ah culumada Soomaaliyeed kuwooda wax ku oolka ahna mid ka mid macaliinta Jaamacadda Muqdisho wuxuuna ardada kudhiira geliyay mahiimada uu cilmiga u leeyahay bulshada iyo inay ardayda ku tilaabsadaan horumar lataaban karo isagoo soo qaatay aayado iyo axaadiista nabiga (NNKH) wuxuuna kula dardaaramay arday cusub inay noqdaan tusaale fiican oo bulshada ku dayato.

Qaar kamid ah ardayda cusub oo isugu jiray wiilal iyo gabdho ayaa soo bandhigay hal’abuur kooda oo isugu jiray sugaanta qaybaheeda kala duwan.

ugu dambayn waxaa halkaa ka hadlay kusimaha gudoomiye ku xigeenka Jaamacadda Muqdisho Dr. Maxamed Xuseen Ciise (Dr. liiban) isagoo sheegay "waxa balan inaga ah hadii aan nahay bahda Jaamacadda Muqdisho inaan dadaalka ugu wayn ku bixin doono waxbarasho tayaysan sawabtoo ah waxaan ognahay in dalka waxa badali kara ay yihiin aqoon iyo dadaal dheeri ah.”

"Jaamacadda waxay idin siin doontaa cilmi aad usareeya oo xambaarsan akhlaakh iyo dhaqan wanaagsan ardayga waxaa laga rabaa inuu cilmigaas lasiiyay uu lafal galo”

IMG_6442 IMG_6457 IMG_6458 IMG_6478 IMG_6549 IMG_6557 IMG_6592 IMG_6676 IMG_6692 IMG_6715 IMG_6751

waxaan idin rajaynayaa horumar iyo guul insha Allah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip