Shamuuri waxa uu ahaa mid kamid ah marqaatiyeyaashii shalay kasoo muuqday Maxkamadda Gobolka Banaadir ee goobjooga u ahaa dhacdadii argagaxa lahayd ee lagu gubay Luul Cabdicasiis Maxamed falkaas oo uu gaystay seygeeda.

Ninkan ayaa ka yaabsaday maxkamadda, dadkii ku sugnaa iyo kuwii daawaanayay intaba, waxayna dadka aad ula cajabeen sida uu uga fal-celinayay su’aalihii la weydiinayay, isaga oo isticmaalay erayo ay kamid ahaayeen, Maashaa Allah, Insha Allah iyo Allahay ka Alla.

Haddaba waa kuma Shamuuri?

 

Magaciisa oo saddexan waa Cabdi Xasan Cabdinuur (Shamuuri), wuxuuna sheegay inuu ku dhashay degmada Dharkenley, sidoo kale waa darawal ku shaqeysta caasi.

"Caasi ayaan wataa BL ayaan ka shaqeystaa Madiino, illaa Siinaay, Darjiinka iyo Xararyaale ayaan ka shaqeeyaa” ayuu yiri isaga oo la hadlay Telefishinka Shabelle.

Sidoo kale waxaa wax laga weydiiyay maxkamaddii shalay iyo qaabka uu uga qayb-galay, isaga oo sheegay inuu ka warbixiyay kaliya wixii uu arkay, uuna goobjoogga u ahaa.

 

"Aniga waxan ka warbixinaayay dhacdo habeenkii ay ahayd 26 bisha Janaayo ka dhacday degmada Dharkenley oon goobjoog ka ahayn oo dhalinyarada badankood ay inkireen wixii jiray ayaan meesha kasoo sheegay” ayuu mar kale yiri Cabdi Xasan Cabdinuur (Shamuuri).

Waxaa kale oo uu kusii daray"Waligeey Maxkamad ma hortegin, laakiin saldhig iyo meelahaas waan tegay, waxayna ahayd tii iigu horreysay”.

 

Si kastaba, Shamuurey ayaa kasoo muuqashadiisii maxkamadda kadib noqday nin caan ah oo saacadihii lasoo dhaafay si weyn u qabsaday baraha bulshada ee Internet-ka.