Daawo: Xasan Sheekh oo hal shuruud ku xiray inay wada-hadlaan Somalia iyo Ethiopia

0
Tuesday February 06, 2024 - 08:15:17 in Wararka by MOGTIMES ONLINE
  • Visits: 597
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Xasan Sheekh oo hal shuruud ku xiray inay wada-hadlaan Somalia iyo Ethiopia

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale caawa si adag uga hadlay xadgudubka Itoobiya ay ku dooneyso badda Soomaaliya, isagoo sheegay wax wadahal aysan Soomaaliya la geli doonin ilaa ay Itoobiya ka laabato heshiis beenaadkii uu Muuse Biixi u saxiixay.

"Itoobiya waxaan leenahay damaca kaaga jira inaad dhulkeena dhacdo ka imow, markaas ayaan wadahadli karnaa, laakiin madaxa ayaan qori kaaga qabanaa ee markaas kadib ila hadal, suurtagal ma noqoneyso, mana yeeleyso Soomaaliya,” ayuu yiri.

Madaxweynaha oo sii hadlayey ayaa yiri, "Faraqa ayaan ku heysanaa iyo faraqa ii daa intaan ku jirno heshiis kama dhalanayo dhexdeena, dadka shacabka ah ee Itoobiya waxaba uma qabno, wax kasta waxa ku dheelaya waa nidaamka dowliga ah, dhaqan dowladnimo iyo dhaqan derisnimo kama jiro Itoobiya, u soo noqda dhaqamada wanaagsan ee adduunka.”

 

 

Xasan Sheekh ayaa sheegay in 17 dal oo Afrikaan ah aysan bad laheyn, sidoo kalena aysan deriskooda kula dagaalamin inay bad helaan, iyagoo si nabad ah badeecadahooda ugala soo dega dalalka badda leh, sida uu sheegay Madaxweynuhu.

"Xalka kaliya ee Itoobiya aan ku wadajoogi karno waa inaan deris wanaag ku wada dhaqano, hadii ay xalka nacaan, anaguna xal ma rabno, maxaa naga ba’san?” Ayuu si caro leh u yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wuxuu sheegay in Itoobiya ay ka mid noqon karto wadamada aan badda laheyn ee hadana heli kara dhaqdhaaq dhanka badda ah, balse aysan ayadu go’aan ka gaari karin sida ay bad ku heli karaan.

 

 

"War dalkaan Soomaaliya awal ayuu tabasho qabay oo dhul badan xaq darro looga goostay, maanta in Itoobiya xagga ka soo wareegto oo dhul kale naga dhacdo suurtagal ma noqa doonto,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa caawa hadalkaan ka jeediyey munaasabad Koobka tartankii ciyaaraha Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Benaadir lagu guddoonsiiyay xulka Kubadda cagta Dowlad-goboleedka Galmudug oo kuguuleystay Tartankaas ayaa billado guddoonsiiyay Maamullada, Macallimiinta iyo Xiddigaha xulalka Galmudug oo kaalinta koowaad galay iyo Hir-shabeelle oo kaalinta labaadku guuleystay.

 

 

Hoos ka daawo




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip