
Madaxweynaha "Qabsashada Al-Shabaab ee deegaanada yar yar wax macno ah ma lahan"
"AMISOM iyo Ciidamadeena Soomaaliya ayaa ka xoreeyay Al-Shabaab inta badan magaalooyinka waa weyn ee Soomaaliya oo ah meelaha istiraatiijiga ah, wax macno ah ma soo kordhineyso "ayuu yiri Madaxweynaha.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in deegaanada yar yar ee Al-Shabaab la wareegeen aanay aheyn kuwi Istiraatiiji ah
Madaxweynaha ayaa diiday in Al-Shabaab ay awood u leeyihiin inay xilligan Badda isticmaalaan, si ay hubka isugu gudbiyaan.
Hase ahaatee Al-Shabaab ayaa gacanta ku haya magaalo xeebeedka Xarardheere ee Gobolka Mudug, halkaasoo caan ku aheyd afduubka kooxaha burcad badeedka.
"Al-Shabaab waa lumiyeen wax walba, mana lahan awood ay dib isugu soo abaabuli karaan, waana tabar dareeyeen”ayuu mar kale yiri Madaxweynaha.
Diblomaasiyiinta reer galbeedka ayaa aaminsan in awoodii Al-Shabaab loo wiiqay si tartiib tartiib ah, laakiin weli ay jirto hanjabaado halis ku ah Ammaanka iyo horumarka Soomaaliya.
Al-Shabaab ayaa deegaanadii u dambeeyay ee ay la wareegeen waxaa ka mid ah deegaanka Janaale oo ay isaga baxeen AMISOM, halkaasoo horaantii bishan ay weerar ku qaadeen xero ay degenaayeen Ciidamada Uganda.
Madaxweynaha "Qabsashada Al-Shabaab ee deegaanada yar yar wax macno ah ma lahan"
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dib u qabsashada Al-Shabaab ay dib u qabsatay deegaanno ku yaaalla koonfurta Soomaaliya aanay wax macno ah ku fadhin. Madaxweyne Xasan Sheekh oo wareysi siinayay Wakaalada Wararka ee Re