Wararka

Mid ka mid ah cayaartoyda kooxda Juventus oo laga helay cudurka Coronavirus

0 Visits: 2543 | Thursday March 12, 2020 - 07:55:03
Torino (Caasimada Online) –Kooxda Kubadda Cagta Juventus ayaa ku dhowaaqday in daafac dambeedka dhexe ee kooxdaas iyo xulka qaranka Talyaaniga Daniele Rugani laga helay cudurka CoronaVirus. Kooxda Seria A-da ayaa sheegtay "inay ku dhaqaaqeyso dhammaan xeerarka go'doominta ee sharcigu dhigayo"…

Read More »

DFS oo kafaala qaadey Nolosha Carruur oo ka geeriyoodey Wariye ka tirsanaa Ciidamada

0 Visits: 209 | Thursday March 12, 2020 - 07:41:13
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa cisbitaalka Yardimeli ee magaalada Muqdisho ku booqday qoyska uu ka tagay -Alle ha u naxariistee- Cabdinaasir Cabdulle Gacal oo ahaa Wariye ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Madaxweynaha oo dul istaagay xaaladda caafimaad ee…

Read More »

IMO oo soo dhaweeysey Tallaabo ay qaadey Dowladda Somalia

0 Visits: 210 | Wednesday March 11, 2020 - 22:20:01
Hay'adda Baddaha Caalamiga"The International Maritime Organization" ee IMOoo Xaruntooda dhexe ku taallo caasimadda dalka Britain ee London waxay soo dhaweeyeen dhamaystirka Turjumista Xeerka Baddaha Somalia ee lagu sugayo Bad-qabka iyo dhaqdhaqaaqa Ganacsi ee dhamaan Maraakiibta marinkooda…

Read More »

Madaxweynaha Afghanistan oo Go'aan ku dhawaaqay

0 Visits: 205 | Wednesday March 11, 2020 - 22:18:38
Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani ayaa xalay waqti danbe xilliga Afghanistan soo saaray wareegto ogolaaneysa in xabsiyada dalkaasi laga sii daayo kumanaan ka tirsan ururka Taliban, taasoo wadda u xaareysa in milatariga Mareykanka ay ka baxaan Afghanistan. Arrintaan ayaa qeyb ka aheyd heshiiskii…

Read More »

WHO oo ku dhawaaqday Caabuqa Corona inuu yahay Musiibo Caalami ah

0 Visits: 207 | Wednesday March 11, 2020 - 22:16:24
Hay'adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa markii ugu horreysay ku dhawaaqday in Caabuqa Corona uu yahay musiibo caalami ah. WHO ayaa in muddo ah isha ku heysay dhaq-dhaqaaqa cudurkan. Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa maanta ku dhawaaqay in uu hadda jiro in kabadan 118,000 kiis oo COVID-19, cudurka…

Read More »

Shir Muqdisho ku dhexmaray QM iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya March 11, 2020

0 Visits: 197 | Wednesday March 11, 2020 - 22:14:51
Ra'iisul wasaare ku-xigeenka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed(Khadar), ayaa guddoomiyay shir dhex maray dowladda federaalka Soomaaliya iyo qaramada midoobay oo ka dhacay Muqdisho. Kulanka ayaa looga hadlay horumarinta wada-shaqeynta ka dhexeysa dowladda iyo Qaramada…

Read More »

Saciid Deni oo ka jawaabay CABASHO ka soo yeertay ardaydii loo qaaday Itoobiya

0 Visits: 217 | Wednesday March 11, 2020 - 22:10:39
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi (Deni) ayaa markii ugu horreysay ka jawaabay cabashadii dhowaan ka soo yeertay arday uu maamulkaasi u diray magaalada Jigjiga ee ismaamulka Soomaalida dalka Itdoobiya. Madaxweyne Deni ayaa meesha ka saaray in ardaydaasi loo diray waxbarasho Jaamacadeed, balse…

Read More »

Askar ka tirsanaa ciidamada BURUNDI oo qarax lagu dilay

0 Visits: 209 | Wednesday March 11, 2020 - 22:09:22
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM saacadihii la soo dhaafay lagula bartilmaameedsaday duleedka degmada Mahadaay oo gobolka Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabelle. Qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa ciidamadaasi oo ka tirsan kuwa Burundi…

Read More »

Go'aan kasoo baxay Sacuudiga oo meel sare gaarsiiyey xiisadda kala dhaxeyso Ruushka

0 Visits: 248 | Wednesday March 11, 2020 - 22:06:59
Waxaaa sii xoogeystay oo meel sare gaaray dagaalka dhanka Saliida ee u dhaxeeyo Dowladaha Sacuudiga iyo Ruushka, kadib tallaabo cusub oo ay ku dhowaaqday dowladda Sacuudiga. Shirkadda shidaalka Sacuudi Carabiya ee Saudi Aramco ayaa Arbacada sheegtay inay qorsheyneyso inay wax soo saarkeeda saliid ceyriin…

Read More »

Madaxweynaha Puntland oo daah-furay Mashruuca Waxbarashada IFIYE

0 Visits: 202 | Wednesday March 11, 2020 - 21:59:29
Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Daah-furay Mashruuc Waxbarasho, kaas oo halku dhiggiisu yahay Ifiye. Munaasabadda Daah-furka ayaa waxa kasoo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland, Madaxwaynihii hore ee Puntland Santor Cabdiraxman…

Read More »

Sababta keentay in Africom ay kordhiyaan weerarada ka dhanka ah AL-SHABAAB

0 Visits: 231 | Wednesday March 11, 2020 - 21:56:53
Taliyaha ciidanka Mareykanka ee AFRICOM, Stephen Townsend ayaa faah faahin ka bixiyey sababaha ay u kordhiyeen howlgallada iyo duqeymaha ka dhanka ah dagaalyahannada Al-Shabaab oo weli ku xoogan Soomaaliya. Townsend ayaa sheegay in sababta ay sare ugu qaadeen howlgalladooda ay tahay, sidii loo wiiqi…

Read More »

Puntland: Badeecad kasta oo canshuurta lagala dhuunto dowladda la wareegaysa

0 Visits: 235 | Wednesday March 11, 2020 - 21:53:33
Ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha guud ee dowladda Puntland Maxamed Xareed Faarax, oo warbaahinta kula hadlay Garoowe, ayaa fasaxay in dowladdu la wareegi karto beecad kast oo ka soo degta furdooyinka Puntland, haddii lagala dhuunto Canshuurta ku waaajibtay. " Xafiiska Xeer Ilaalinta guud ee dowladda…

Read More »

Uhuru Kenyatta oo qaaday tallaabo uu Farmaajo uga soo marayo Abiy Ahmed

0 Visits: 265 | Wednesday March 11, 2020 - 21:40:15
Wasiirka arrimaha gudaha Kenya Fred Matiang'I ayaa Talaadadii magaalada Addis Ababa kula kulmay ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali, oo uu kala hadlay dadaallada la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda ka dhex oogan Soomaaliya iyo Kenya. Matiang'I iyo wafdigiisa ayaa Addis Ababa tagay…

Read More »

Itoobiya oo qabatay hub sharci darro ah

0 Visits: 178 | Wednesday March 11, 2020 - 21:22:12
Saraakiisha sirddoonka Itoobiya waxay u sheegeen telefishinka dowladda Itoobiya inay qabteen koonteenar uu ka buuxo hub sharci darro ah oo lasoo marsiiyay dhinaca dekedda Jabuuti. Saraakiisha waxay sidoo kale sheegeen inay rumeysan yihiin in hubkan laga soo dhoofiyay dhinaca Turkiga isla markaana ay…

Read More »

Dood ka taagan isku day ciidanka Ilaalada looga qaadi rabo Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Ahmed

0 Visits: 208 | Wednesday March 11, 2020 - 18:43:30
Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay waxay dood culus ka taagan tahay amar lagu bixiyay in ciidanka ilaalada ah laga qaado madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Dooddan ayaa u dhaxeysa xubno ka tirsan xafiisyada madaxweynaha iyo iyo taliyaha ciidamada…

Read More »

Soomaaliland oo beenisey Warar laga faafiyey

0 Visits: 241 | Wednesday March 11, 2020 - 09:35:58
Shalay Wargeyska Capitalethiopia ee kasoo baxa Magaalada Addis Ababa waxaa uu qorey in dowladda Itoobiya hakisay saamigii Dekedda Berbera, oo ahaa 19%, hayeeshee waxaa Warkaasi beenisey Soomaaliland. Wasiirka Wasaradda Arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon ayaa sheegay in Warkaas…

Read More »

Dowladda oo karantiishay Muwaadin Soomaaliyeed oo ka yimid Shiinaha

0 Visits: 218 | Wednesday March 11, 2020 - 09:33:19
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada iyada oo ka duulayso waajibka shaqo ee ka saaran inay bulshada la wadaagto xogaha la xariiro Caabuqo dunida kusii faafaya ee COVID-19, isla markaana bulshada u bayaaninaysa wararka la xariira muwaadin Soomaaliyeed oo saarnaa diyaaradda Itoobiya ee shalay…

Read More »

NISA oo sheegtay in Madaxii Amniyaadka gobolka Banaadir ee Al-Shabaab la dilay

0 Visits: 246 | Wednesday March 11, 2020 - 09:32:03
Hey'adda Nabad Sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa sheegtay in xalay Magaalada Bu'aale ee gobolka Jubbada Dhexe lagu dilay Muuse Macalin oo sida lagu sheegay qoraalka dhawaan iska casilay madaxa amniyaadka Al-Shabaab ee gobolka Banaadir. War kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay hoggaamiyaha…

Read More »

HALKAAN KA AKHRISO W.W MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER 11-3-2020

0 Visits: 375 | Wednesday March 11, 2020 - 09:29:42
R/Wasaare Khayre oo xarigga ka jaray Garoonka Diyaaradaha Baraawe R/Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay waxa ay gaa reen degmada Baraawe ee G/Sh/Hoose, iyada oo halkaasi lagu soo dhaweeyay. Wafdiga ayaa waxaa Garoonka ku soo dhaweeyey Mas'uuliyiin ka tirsan…

Read More »

Trump oo diiday in la karantiilo kaddib markii uu si lama filaan ah ula kulmay qof qaba Corona

0 Visits: 262 | Tuesday March 10, 2020 - 20:42:17
Madaxweynaha Mareykanka Donald ayaa diiday in laga baaro Caabuqa Corona ama la karantiilo, isagoo sheegay inuu caafimaadkiisu dhammeystiran yahay, kaddib markii uu si lama filaan ah ula kulmay qof aan laga warqabin inuu qabay Caabuqa Corona. Shan siyaasi oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee talada haya,…

Read More »