IMO oo soo dhaweeysey Tallaabo ay qaadey Dowladda Somalia

0
Wednesday March 11, 2020 - 22:20:01 in Wararka by
  • Visits: 208
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    IMO oo soo dhaweeysey Tallaabo ay qaadey Dowladda Somalia

    Hay'adda Baddaha Caalamiga"The International Maritime Organization" ee IMOoo Xaruntooda dhexe ku taallo caasimadda dalka Britain ee London waxay soo dhaweeyeen dhamaystirka Turjumista Xeerka Baddaha Somalia ee lagu sugayo Bad-qabka iyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hay'adda Baddaha Caalamiga"The International Maritime Organization" ee IMOoo Xaruntooda dhexe ku taallo caasimadda dalka Britain ee London waxay soo dhaweeyeen dhamaystirka Turjumista Xeerka Baddaha Somalia ee lagu sugayo Bad-qabka iyo dhaqdhaqaaqa Ganacsi ee dhamaan Maraakiibta marinkooda yahay Baddaha Somalia. Hadal-qoraal oo ka soo baxay Hay'adda IOM oo ay xubno ka yihiin 174 Waddan iyo 3 Ururo ay wada-shaqeyn leeyihiin ayaa lagu sheegay in Horumarinta Nidaamka Badadha Somalia ay tahay Tallaabo horey loo qaaday, laguna soo dhamaystiray Xeerka Baddaha Somalia. Qoraalka IOM waxaa kaloo lagu xusay inay 6 sano qaadatay Hawlaha lagu diyaarinayey Xeerka Badda Somalia, oo ay taageereen Hay'adooda iyo Xafiiska QM ee Taakuleynta Hawlgalka Somalia ee AMISOM Horumarinta Xeerka cusub ee Baddaha Somalia waxa uu bilowday sanadkii 2014-kii, kadib, markii ay DFS ka codsatay Hay'adda Baddaha Caalamiga ee IOM inay ka taageeraan sidii Dib-u-eegis loogu samayn lahaa Xeerkii hore ee Baddaha Somalia ee la qoray sanadkii 1959-kii. Hay'adda IMO iyo Xafiiska UNSOM waxay kala shaqeeyeen DFS Sharciga iyo Tababarka Farsamo ee lagu taageerayo Saraakiisha Maamulka Baddaha muddadii uu socday Kulanka shaqo ee bishii Janaayo ee sanadkan lagu qabtay Xarun GobaleedkaTababarada ee ku yaalla Jabuuti. La-socodka Dhaqdhaqaaqa Maraakiibta waxa uu dal kasta oggolaanayaa mas'uuliyadda Heshiisyadda Baddaha Caalamiga, sida Calamada dalalka ay Maraakiibta ku safraan, Dekedda iyo dalalka Xeebleyda ah. Xiriiriye Gobaleedka Hay'adda Baddaha Caalamiga ee Bariga Iyo Koonfurta Afrika,Dave Mullioo ka qeyb galay Munaasabad bishan 9-di ilagu qabtay magaalladda Muqdisho waxa uu ka mahad celiyey sida ay DFS uga go'an tahay Bad-qabka Maraakiibta ka gudubta meelaha ka baxsan Xeebaha Somalia. Munaasabadaasi waxaa kaloo ka qeyb galay Wasiirka Dekeddaha iyo Gaadiidka Badda, Maryan Aweys Jamaac, Wasiiro, Xildhibaano iyo Khubaro ka socday Hay'adaha IMO, UNSOM iyo Hawlgalka Midowga Europe ee Somalia ee EUCAP. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip