Uhuru Kenyatta oo qaaday tallaabo uu Farmaajo uga soo marayo Abiy Ahmed

0
Wednesday March 11, 2020 - 21:40:15 in Wararka by
  • Visits: 263
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Uhuru Kenyatta oo qaaday tallaabo uu Farmaajo uga soo marayo Abiy Ahmed

    Wasiirka arrimaha gudaha Kenya Fred Matiang'I ayaa Talaadadii magaalada Addis Ababa kula kulmay ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali, oo uu kala hadlay dadaallada la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda ka dhex oogan Soomaaliya iyo Keny

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka arrimaha gudaha Kenya Fred Matiang'I ayaa Talaadadii magaalada Addis Ababa kula kulmay ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali, oo uu kala hadlay dadaallada la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda ka dhex oogan Soomaaliya iyo Kenya. Matiang'I iyo wafdigiisa ayaa Addis Ababa tagay kadib markii ay Muqdisho kula soo kulmeen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ay isku soo raaceen inuu soo booqdo Kenya waqti aan weli la shaacin. Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Kenya ayaa lagu sheegay in Fred Matiang'I uu diray Uhuru Kenyatta si uu ula soo kulmo Abiy. "Wasiirka arrimaha gudaha ayaa waxaa inuu wada-hadallo lasoo galo Abiy u diray madaxweynaha Kenyatta, ayada oo qorshaha uu yahay in Itoobiya ay Kenya kala shaqeyso sidii ay u hormarin lahayd xiriirka Soomaaliya," ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda. Faah-faahin dheeraad ah lagama bixin kulanka labada mas'uul. Itoobiya ayaa la rumeysan yahay in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay ku cadaadisay inuu taleefon kula hadlo Uhuru Kenyatta, si xiisadda xuduudda loo qaboojiyo. Ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali ayaa aad ay isugu dhowyihiin madaxweyne Farmaajo, oo uu hadda ka hor u kaxeeyey Nairobi, lana soo kulansiiyey Uhuru Kenyatta. Kenya ayaa rumeysan in Itoobiya oo ay ciidamo ka joogaan gobolka Gedo ay awood u leedahay inay wax badan ka dhaadhiciso madaxweyne Farmaajo, oo ciidamadeeda ay taageero siiyaan. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip