HALKAAN KA AKHRISO W.W MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER 11-3-2020

0
Wednesday March 11, 2020 - 09:29:42 in Wararka by
  • Visits: 375
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO W.W MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER 11-3-2020

    R/Wasaare Khayre oo xarigga ka jaray Garoonka Diyaaradaha Baraawe R/Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay waxa ay gaa reen degmada Baraawe ee G/Sh/Hoose, iyada oo halkaasi lagu soo dhaweeyay. Wafdiga ayaa wax

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

R/Wasaare Khayre oo xarigga ka jaray Garoonka Diyaaradaha Baraawe R/Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay waxa ay gaa reen degmada Baraawe ee G/Sh/Hoose, iyada oo halkaasi lagu soo dhaweeyay. Wafdiga ayaa waxaa Garoonka ku soo dhaweeyey Mas'uuliyiin ka tirsan Maamulka KGS &mas'uuliyiinta M/ulka Baraawe iy ada oo ammaanka si weyn Shalay loo adkeeyey. Soo dhaweyn ka dib R/W/ Soomaaliya ayaa wa xaa uu xariga ka jaray Garoonka Diyaaradaha D/Ba raawe, kaas oo dib u dhis ballaaran lagu sameeyey. Munaasabadda xarig jarka ayaa waxaa sidoo ka le goobjoog ka ahaa, Wasiiro ka tirsan XFS, kuwa Maamulka K/GS & Wafdi ka socda M/Yurub oo dib u dhis ku sameeyey Garoonka. Wafdiga R/Wasaaraha ayaa booqan doona me elo kale oo ka mid M/Baraawe ee G/Sh/hoose. Baraawe waa xarunta rasmiga ah ee Maamulka K/ G/S, balse maamulka ayaanan wali si rasmi ah ugu shaqo bilaabin.

Laftagareen oo shaaciyey xilliga uu Maamulka u guurayo Baraawe

Madaxweynaha M/ulka K/G/S. Md.C/Casiis Xas an Maxamed (laftagareen) ayaa she egay in Xubnihii ugu badnaa ee Wa siirada KGS ay ku sugan yihiin D/Ba raawe,isla markaana la filayo inay ku Shaqeeyaan. Waxaa uu sheegay in dhammaan Xubnaha G/Wasiira da iyo madaxda Sare ee M/ulka K/Galbeed u soo guurayaan Baraawe oo ah Xarunta rasmiga ah ee K/ Galbeed,wasiir walbana uu diyaarsanayo halkii uu ku Shaqeyn lahaa.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Maamulka K/G uu qorshaha ugu jiro in la dhiso waddada isku xirta Garoonka diyaaradaha iyo D/Baraawe si howlaha Masliyiinta K/G/S. ay ka qabanayaan degmadaas ay u fududaato.

Hadalkaan ayaa Md. M/ulka K/galbeed laftagar een waxaa uu ka sheegay munaasabad soo dhaw yen oo loogu sameeyey Degmada Baraawe.

Golaha Wasiirada oo loo gudbinayo Xeer muhiim ah

Wasaaradda Dekadaha & Gaadiidka Badda ee XFS ayaa ku guuleysatay inay dhameystirto tarjum aadda Xeerka Gaadiidka Badda (Somali Shipping Code) ayna meel-Mariso Sharciyada kala ah SOL AS &MARPOL kuwasoo muhiim u ah Ganacsiga iyo Badqabka Badmaridda iyo ka hortaga Wasakheynta Badda.

Sharcigaan oo ku qornaa luqadda English -ka ay aa Wasaaraddu sheegtay in loo turjumay luqadda Soomaaliga, ayadoo la rajeynayo in dhowaan G/Wasiirada la mariyo si uu u noqdo sharci dalka ka dhaqan gala. Shir lagu soo bandhigayay Xeerka Ga adiidka Badda oo Shalay lagu qabtey muqdisho ay aa waxaa ka qeyb-galay W/ W/Dekadaha iyo gadiid ka Badda Xil. Maryan Aweys Jaamac,xubno ka soc day 2da Gole ee Baarlamaanka JFS iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee UNSOM, EUCAP iyo IMO

NISA oo sheegtay in Al-Shabaab ay dileen Muuse Macallin Mucaawiye

Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaran ka Soomaaliya ayaa sheegtay in kooxda Al-Shaba ab ay dishay madaxii hore ee amniyaatka kooxda ee Muqdisho Muuse Macallin (Mucaawiye).

Qoraal ay NISA soo dhigtay barta twitter-ka ayey ku sheegtay "in Muuse Macallin habeen hore saqdii dhexe lagu dilay M/Bu’aale ee G/J/Dhexe” kadib amar la sheegay inuu bixiyey amiirka Al-Shabaab Axmed Diiriye Abu Cubeydah.

Qoraalka NISA ayaa intaas ku daray in xabsiga loo taxaabay madaxa hawlgalinta Amniyaatka G/Banaadir Cumar Maxamed, iyadoo la fulinayey amarka Axmed Diiriye. Warka kasoo baxay NISA ay aa imanaya ayada oo hay’adda maalmahan ay werineysay "khilaaf” ay sheegtay inuu ka dhex taag an yahay kooxda Al-Shabaab. 3-dii Febraayo ayey ahayd markii ugu horreysay ee NISA ay sheegtay in Axmed Diiriye uu Mahad Karataay iyo Bashiir Qor gaab ka saaray golaha fulinta xarakada, kana xayu ubiyay dhamaan xilalkii ay ka hayeen xarakada.

Sida qoraalka NISA ee xilligaas lagu sheegay, taasi waxay timid kadib markii ay ka dalbadeen joojinta qaraxyada joogtada ah ee lagu beegsado shacabka Muqdisho.

Bashiir Qoorgaab ayaa waxaa ka dib lagu dilay duqeyn ay ciidamada Mareykanka fuliyeen 22-kii Febraayo. Qoraal kale oo NISA ay baahisay 13-kii Febraayo ayey ku sheegtay inuu xilligaas is-casilay madaxii amniyaatka gobolka Banaadir ee Al-Shaba ab Muuse Macalin (Mucaawiye), kana tirsanaa gar abka raacsan Mahad Karataay.

Guddiga qaban qaabada Maalmaha Xurriyada oo War soo saarey

War-Saxaafadeed kaso baxay Guddiga qaban qaabada 60-guurada Xuska Xoriyadda iyo Midnim ada Soomaaliya ayaa waxaa loogu baaqay Madax da heer federaal iyo heer dowlad gobolleed in ay ka qeybqaataan xuska sannadkan 2020 oo loo aqoon saday sannad ahmiyad gaar ah leh.

Qoraalka oo ka kooban laba Bog ayaa lagu faah faahiyey sida ay u dhaceyso Munaasabadda Maal maha xurriyada oo ay sheegeen inay sanadkaan no qon doonto mid ka duwan sanadihii la soo dhaafay.

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafaadeedka kasoo bax ay Guddiga qaban qaabada Maalmaha Xurriyada

 

Ciidamada Soomaaliland oo Garoonka Hargeysa ku xiray Nin Ajnabi ah

Ciidamada Booliska Soomaaliland ayaa Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee M/Hargeysa waxaa ay ka xi reen Nin Ajnabi ah oo watay Xayawaanka loo yaqa ano Caasha Barida,kaas oo ay ku eedeeyeen in uu si sharci arro ah wadanka uu ugala baxayay.

Shir jaraa’id oo uu Shalay Hargeysa ku qabtey Taliyaha Waaxda Dabi baarista Booliska Soomaalil and ahna Afhayeenka Boo liska Feysal Xiis Cilmi ay uu ku sheegay in Ninkaasi uu si sharcidarro ah uu u ugaarsadey Xayawaanka Caasha Barida,isla mar ka ana lagu qabtey,isaga oo watay 300 oo Xabo.

Ninkaas oo Booliska uusan shaacin dalka uu u dhashay ayaa waxaa ay sheegeen Boolisku inay baaritaan ku hayaan ,kadibna Maxkamad ay hor geyn doonaan. Ma ahan markii ugu horeysay ee sid an oo kale loosoo qabto dad si sharci darro ah isku dayaya inay dalka ugala baxaan duurjoog gaar aha an Xayawaanka Caasha barda, balse waxaa hora antii sanadkii lasoo dhaafay sidan oo kale loogu qa btey gudaha Somaliland rag sita 70 xabo oo Ca adha barida ah kuwaas oo maxkamad ku xukuntay markii danbe sanad iyo dheeraad xarig ah .

Madaxweynaha Puntland oo qaabilay Safiirka Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Madaxweynaha DG/Siciid C/hi Deni, oo uu wehl iyo madaxwyne Ku-xeenka Axmed Cilmi Cismaan, ayaa shalay oo Taalado ah kulan la qaatay, Safiir kaJabuuti u fadhiya Soomaaliya Ambassador Aad an Xasan Aadan iyo Wefdi uu Hoggaaminayo oo bo oqasho ku yimi Puntland. War-saxaafadeed kulan kaasi kadib ka soo baxay madaxtooyada

DP, ayaa lagu sheegay in mada xweyne Deni iyo Ambassador Aadan, ay ka wada hadleen, xiriirka ka dhexeeya Puntland iyo Jabuuti iyo Sidii la isaga kaa shan lahaa xoojinta arrimaha Ganacsiga iyo Horum arinta Kaabayaasha Dhaqalaaha. "Madaxweyne Deni iyo Ambassador Aadan ayaa ka wada hadlay, xiriirka ka dhexeeya Puntland iyo Jabuuti iyo Sidii la isaga kaashan lahaa xoojinta arimaha Ganacsiga iyo Horumarinta Kaabayaasha Dhaqalaaha.” Ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka.

Safiirka Jabuuti iyo wefdigiisa oo maalintii dorraad booqday dekedda Cusub ee laga dhisayo degaanka Garacad, ayaa soo kormeeraysida ay u socoto ho wsha dhismaha dekedda, kulankaas ayaa sidoo ka le waxa goob joog ka ahaa wakiilka Puntland ee Ja buuti Siciid Mahdi iyo Mas’uuliyiin kale.

Wararkii ugu dambeeyey dabkii ka kacay goobo Ganacsi oo ku yaalo Muqd isho

Dab xoogl eh ayaa ka kacay Shalay Kaalin Shidaal oo ku taalla D/Hodon ee M/Muqdisho, gaar ahaan kasoo horjeedka Isbitaalka Benaadir. Sida dad goob joogayaal ah ay sheegeen, dabka ayaa gaaray Far mashiye iyo Dukaan ku dhegen Kaalinta shidaalka ee la sheegay in dabka uu ka bilawday, waxaana bu rburay dhismaha 2da xarumood, iyadoo markii dam be ay halkaasi gaareen gaadidka dab damiska Shir kadda Hormuud iyo Gobolka Banaadir.

Sarkaal ka tirsan kooxda dab damiska waxa uu sheegay in dadka deegaanka ay ku wargeliyeen go obaha gubanaya isla markaasna ay u dhaqaaqeen muddo kooban kadibna ay ku guuleysteen in ay damiyaan. Wararka ayaa sheegaya in hal qof uu dhaawac kasoo gaaray dabkaasi, sidoo kale ay jiraan khasaaro maaliyadeed oo xooggan oo dab kaas ka dhashay.

M/Muqdisho waxaa ku soo badanaya dabka qab sada kaalmaha shidaal iyo goobaha ganacsiga, wa xaana inta badan la garan waayaa sabaha keenay dabka.

Burcad badeed Somali oo afduubtay Markab laga leeyahay UK

Burcad Badeed Soomaali ah ayaa afduubtay Markab wada 2 Milyan oo Barmiil oo ah Aalkolada Jeermiska lagu dilo iyo 50 kun oo Maasgarada laga xirto Coronavirus. Kooxda Afduubka geysatay ayaa sheegatay inay u baahan yihiin madax furasho dhan 50Milyan oo Pounka UK ah, kadibna ay sii dayn doonaan Markabkaasi.

Dowladda UK oo Markabka leh ayaa sheegtay in ay ogoshahay bixinta lacagta Madax furashada ah ee ay sheegteen Burcad Badeedda Soomaalida ah.

Afhayeen u hadlay Dowladda UK ayaa sheegay in ay isla shalay bixin karaan lacagta baahida ay u qabaan Alkolada iyo Maasgarada marka loo eego.

Dowladda UK oo doonaysa inay difaac adag ka ga sho Cudurka halista ah ee Coronavirus, ayaa sheeg tay inay si dag dag lacagtaasi u bixineyso si ay u he laan agabka saaran Markabka.

Lama oga halka ay ku haystaaj Burcad badeeda markabka ay qafaasheen, balse Warbaahinta ayaa sheegaysa in meel wanaagsan uu marayo qorsh aha lagu sii daynaayo Markabkaasi.


Koox hubaysan oo dil ka gaysatay Muqdisho

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Isgoyska Bakaaraha ee D/Hawlwadaag Koox hu baysan ayaa waxa ay dil ka gaysatay halkaasi.

Dilka ayaa waxaa loo gaystay Askari ka tirsanaa Ciidamada Booliska, waxaana dilkaasi gaystay Laba nin oo Bistoolado ku hubaysan.

Askariga ayaa loo dilay qaab gaadmo ah, wax aana markiiba meesha isaga cararay dableydii falka asi dilka ah gaysatay sida ay sheegeen dadkii ka ag dhawaa goobta falka uu ka dhacay.

Ciidamada ammaanka oo gaaray goobta dilka uu ka dhacay, ayaa waxa ay halkaasi ka qaadeen maydka Marxuumka, waxaana loo qaaday xarunta Dambi Baarista Booliska.Amniyaadka Al shabaab ayaa dilalka noocaan oo kale ah la beegsada Ask arta dowladda & shaqsi yaadka kale ee xiriirka la leh DFS

Wada-hadallo u bilaawdey dhinacayda isku khilaafsan doorashadii Galmudug

M/Gaalkacyo G/Mudug waxaa ka bilaawdey wa da-hadallo la isugu keenayo dhinacyada isku khil aafsan doorashadii ka dhacdey M/dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug oo lagu doortey Madax weyne Qoor Qoor iyo kuxigeenkiisa.

M/Gaalkacyo waxaa ku sugan mas’uuliyiin uu ka mid yahay Madaxweynihii hore ee Galmudug Ax med Ducaale Geelle Xubno kamid ahaa G/wasiir ada iyo Xubno kale,kuwaas oo qaadacsan doorash adii ka dhacdey M/Dhuusameeb.

Waxgarad iyo Xildhibaano kasoo jeeda G/Mud ug ayaa dorraad gelinkii dambe waxaa ay gaareen M/Gaalkacyo,iyaga oo halkaasi ka bilaabey dadaalo ay isugu keenayaan Madaxda Galmudugtii hore iyo qeybaha Bulshada si loo xaliyo khilaafka jira.

Xildhibaan Maxamed Tahliil Calool -Gel oo kam id ah Baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay in hab siyaasadeed lagu xaliyey khilaafkii ka dhashay doorashada Galmudug,waxaana uu sheegay inay rajo ka qabaan in Madaxweynihii hore ee Galmudug iyo Xubnaha kale inay ka qeyb galaan Caleema saarka Madaxda Cusub ee Galmudug.

Carruur Walaalo ah oo ku geeriyootey dab qabsadey Gurigooda

Inta la xaqiijiyey ilaa laba carruur Walaalo ah ay aa geriyootey,kadib markii uu dab qabsadey Gurigiii ay deganaayeen oo ku yaalla M/Hargeysa ee dee gaannada Soomaaliland. 2da Carruurta aha ayaa dabkaasi waxaa kasoo gaarey dhaawac culus oo ay u geeriyoodeen,waxana gurigooda oo ka samey snaa Jiidgal oo ku yaalla xaafada Jameecada ee Degmada Maxamuud Haybe ee M/Hargeysa.

Taliska Ciidanka Dab-demiska Soomaaliland ayaa u direy Guriga uu dabka ka kacay Ciidamo, ku waas oo ugu dambeyn ku guuleystey inay debkaasi demiyaan. Qaar kamid ah Shacabka ku nool Xaafad da Jameecada ee uu ku yaalla Guriga uu dabka qa bsadey ayaa waxaa ay sheegeen inay aad uga wal aaceen waxyeelada soo gaartey Carruurtaas.

Guddoomiyahii Dhaq-dhaqaaqa Sooma aliyeed ee NFD oo Eedeen U Jediyay Ke nya

Guddoomiyihii dhaq-dhaqaaqii loo yaqaanay NFD Suldaan Deeqoow Suldaan Macallin Sanbuul, ayaa ka dhawaajiyey inay weli jiraan dhaq-dhaqaa qyaddii So om aliyeed ee goballada NFD, waxaana uu carrabka ku dhuftay in duulimaadka ay dawladda Ke nya ku hayso Soomaaliya gaar ahaan Kismaayo uu yahay mid la doonaayo in lagu ilaabo arrinta NFD isaga oo sidoo kale na carrabka ku dhuftay in Axmed Mado obe uu u adeegaayo dawladda Kenya.

Suldaan Deeqoow Suldaan Macallin Sanbuul, ay aa hadalkan ka sheegay mar uu u waramaayey Ida acadda VOA, waxaana uu ugu horreyn sheegay in D/Kenya ay si sharci darro u gashay gudaha wadan ka Soomaaliya isla mar ahaantaana ay lacago Mal aayiin ah ku bixisay siddii loo dhisi lahaa Axmed Madoobe.

"Jubbaland nidaamka loo sameeyey khalad weeye, dawlad Ajanabi ah baa waxay gashay Soomaaliya iyada oo aan idan ka haysanin dawladda Soomaal iya, niman ayaana si xun u la taliyey dawladda Ke nya, waxa kale oo jira waxyaabo la yidhaa khayraad ka dabiiciga ah ee Jubbaland, markaa inta aanay arrintu noqonin dawlad la dhiso waxaan arki jiray ni man halkan mara oo geli jiray Jubbaland oo qaarko od Faransiis ay ka socdeen oo niman caddaana ah. Ayuu yidhi Suldaan Sanbuul

Suldaanka oo hadalkiisa sii wata, ayaa wuxu yi ri: "Kenya 4000 oo ciidan ah bay geysay Soomaa liya iyada oo cid Soomaali ahi aanay oggeyn, wasiir kii hore ee Gaashaan dhiga iyo kooxo noocaas ah ay aa kaalmeeyey in Kismaayo loo qabto iyaga oo markaas na ku fakersan in NFD la ilaabo. Runtii NFD sideedii ayey tahay, NFD waa ay aamustay sa babo la xidhiidha Geeska Afrika oo burbursan awg eed, mas’alada NFD na waa mas’alo taagan.”.

Waxa kale oo uu Xildhibbaano Soomaaliyeed oo ka tisan Baarlamaanka Kiiniya uu ku eedeeyey inay iyagu dhibbaatada ka wadaan gudaha Sooma aliya isaga oo fariin culus u diray Xildhibbaanadd aasi. "Horta haddii xornimo jirto, taa iyada na idin ka oo dhallinyaro ah ama jiilka soo bixi doona ayaa ka jawaabi doona se sida aanu u arkaynaa sidaa maaha, lama na xalin arrintaas, markaa juujuub ma noqon karto. Anigu Mucaarad baan ahaa, xattaa Ku kuuyo ma rabto dadkan kale, waxana wax iskaga kay qufulan maaha oo waa wax Ilaahay I siiyey, Kii niya na way u qasaday inay qabsato dhulkaas, wax aana aan mudaneyaasha kala hadli lahaa kuwo dhex-dhexaadiya Kiiniya.

Mudaneyaasha taageersan Maamulka Jubbal and aad bay u khaldan yihiin, iyagaa dagaal holcina aya, wax la qarin karo na maaha oo mudaneyaasha haddey taageerayaan Axmed Madoobe, waa si wac an ee markaas ha sameeyaan waan-waan oo Ax med Madoobe ha geeyaan Muqdisho maaha inay hoteladan ka hadlaan, weli ba weli ba afka ay ku hadlayaan waa af dagaal ooggenimo ah”.

Suldaan Deeqoow, waxa kale oo uu ka hadlay si da uu u arko xalka arrinta Jubbaland ee muranku ka taagnaa muddooyinkii dambe, waxaana uu yidhi:"Anigu Axmed Madoobe waxba uma diidani, hadda sida aan arkayo na waa nin ay wadaan ciidamo guu meysi ahi, ha ka baxo waxaas, ha tago Muqdisho, waa nin Soomaali ah, wuxu rabana halkaas ha ka sheego laakiin maaha halkan, isaga waxa wadaa waa Kiiniya.

Xalka waxaan u arkaa sida ay hadda go’aamiye en oo ah in shir-weyne la qabto oo lagu qabto Muq disho, xattaa ninkan aan maqlaayey haddey soo he shiiyaan dawladdu waxba kama qabto, cid u diidan inuu meeshaa madax ka noqdaana ma jirto se waa inuu shirka tagaa oo uu meesha oggolaadaa oo isu sharaxaa ilayn dadkaasuu ka mid yahee. Waana khalad inuu shuruud sheegto oo dawlad Soomaali yeed iyo Jubbaland ma wada-hadli karaan oo ma aha dhul ka gaara ee waa qeyb ka mid ah Soomaa liya, dawladda markan jirta ee Federaalka ayeyna amarkeeda hoos imaanaysaa.”.

Ugu dambeyn, wuxu xusay in Kenya ay lacago badan ku bixisay arrinta Jubbaland, waxaana ka mid ah hadaladiisii: "Madaxweyne afka uu ku hadla yaa maaha afkiisa se waa Af-ajanabi, waxaana dab ada ka riixaysa Kiiniya oo sheegtay inay 8 Billion ku bixisay, waa maxay markaa sababtu. Arrintan haddii wax iska beddeli waayaan waxaan u arkaa inay aakhirka noqonayso Kiiniya iyo Soomaaliya, dawlad maaha se shacbi weynaha Soomaaliya iyo Kiiniya ayey noqon doontaa. Afrika waa ay isa sixi doontaa, Afrika maaha xor, waxa ku dhacay Soomaaliya na waa wax loo qasday, dhibbaatada ugu weynina anagay naga timi, waxay ka timi goballadii maqnaa, anagaa baa’binnay Milatarigoodii oo anagaa baa’bi inay siyaasaddoodii”.

Madaxwaynaha Shiinaha oo booqasho ku tagay Magalada Wuhan ee gobolka Hubei

Madaxweynaha dalka Shiinaha Xi Jinping ayaa shalay markii ugu horreysay tagay M/ Wuhan ee G/hubeioo ah halki uu kaso billowday cabuuqa dill aga ah ee korona-fayraska dabyaaqadii desember 2019 Waxaa uu halka as kula kulmayaa sha qaal aha caafimaadka iyo saraakiisha kale ee qeybta ka ah la tacaal idda fayraskan

Dhanka kale gobolka Hubei oo ay Wuhan ka tir san tahay ayaa billaabay adeegsiga nambar gaar ah oo loogu talagalay inuu fududeeyo sidii shaqooyi nka dib loogu noqon lahaa.

Bayaan la soo dhigay shabakadda rasmiga ee dowladda Shiinaha ayaa lagu sheegay in farriintan oo loo isticmaali doono taleefoonada gacanta sido kale ay kaalin ka qaadan doonto dabagalka ku aad dan isku socodka shacabka ee gobolka dhexdiis

Boqashadan aya sare uu qaaday kobaca daqale ee suuqyada shinaha manta taasi oo kadigan in ay tahay tillabo wanagsan rajana ku bertay ganacsat ada dalkasi.

Talyaaniga oo gebi ahaanba bandow la geliy ay!!!

Dhammaan dadka ku nool Talyaaniga ayaa loo sheegay inay guryahooda ku nagaadaan xilli uu si ba’an u faafayo caabu qa Corona ee dadka ba dan ku laayay dalkaasi. Waqooyiga Talyaaniga ayaa bandowga markii hore lagu soo rogay, hase yeeshee maadaama ay sii badanayaan dadka u dhimanaya xanuunka ayaa ra’iisal wasaare Gius eppe Conte waxa uu sheegay in loo baahan yahay "tallaabooyin adag” si wax looga qabto faafidda cudurka.

Dadweynaha ayaa laga mamnuucay inay isugu tagaan fagaarayaasha, halka goobaha waxbarash adana la xiray ilaa 3-da bisha dambe.

Waxaa sidoo kale hakad la geliyay dhammaan ciyaaraha kala duwan ee dalkaasi. Keliya dadka aan ka fursan karin inay dibedda u soo baxaan ay aa loo oggol yahay inay socdaalaan.

Mr Conte ayaa ku tilmaamay xanuunkan saf-marka ah mid "xilli mugdi ah” u horseeday dalkaasi, balse waxa uu tilmaamay inay ka guulaysan doon aan.

Muxuu ka dhigan yahay bandowgan?

Socodka dadka ayaa la xakameeyay, waxaana loo oggol yahay oo keliya dadka aan ka fursan karin inay dibedda u baxaan. Maqaayadaha iyo goobaha laga cunteeyo ayaa furnaan kara 08:00 ilaa 18:00, balse waxaa qasab ah in masaafo hal mitir dhan ay isu jiraan dadka macaamiisha ah.

Dukaamaha ayaa sido kale looga baahan yah ay in macaamiishooda ay kala fog yihiin ugu yaraan hal mitir.

Shaneemooyinka, tiyaatarrada iyo madxafyada ayaa dhammaan lagu amray in la xiro.

Dhammaan ciyaaraha kala duwan sida kubadda cagta ayaa la hakiyay.

Iskuullada iyo jaamacadaha ayaa xirnaan doona ilaa 3-da April.Dhammaan isu soo baxyada dadka ayaa la mamnu ucay sida arooryada, aaska iyo weliba kulamada diinta.


Itoobiya oo ‘hakisay maalgashigii ay ku laheyd’ dekedda magaalada Berbera

D/Itoobiya ayaa lagu soo warramayaa inay joojisay maalgashigii ay ku laheyd dekedda magaalada Berbera ee Somaliland, sida uu qoray wargeyska Capital ee ka soo baxa Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalkaasi.

Wargeyska ayaa daabacay in todobaadkii la soo dhaafay xukuumadda Addis Ababa ay hakisay 19% saamiga maalgashigii ay ku laheyd dhismaha iyo ballaarinta dekeddaasi.

Sidoo kale warbixinta wargeyska ayaa waxaa la gu sheegay in Itoobiya ay dooneyso in deked kale ay ka sameysato dalka Suudaan.

"Itoobiay waxay saami ah 19% ka qaadatay horumarinta dekedda Berbera, laakiin waxa toddobaadkan la soo weriyay in mashruuca si buuxda loo joojiyay.” ayuu yiri wargeysku.

Illaa iyi hadda si rasmi ah dowladda Itoobiya ugama hadlin arrinta dekedda Berbera, balse wuxuu wargeyska Capitaal wareystay wasiirka gaadiidka Dagmawit Moges oo faah faahin ka bixisay qorshaha ay ka leeyihiin dekedda ay ka sameysanayaan dalka Suudaan.

Sidoo kale ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay dhin aca maamulka Somaliland oo ku aadan warbixinta wargeyskaasi.

Arrintaan ayaa ku soo beegmeysa, iyadoo dhowaan dalka Imaaraadka Carabta uu ka laabtay qorshihii uu saldhigga milatari uga dhisanayey magaalada Berbere ee Somaliland.

Turkiga & Midowga Yurub oo ku dhow heshiis cusub

Turkey ayaa rajeyneysa inay heshiis cusub oo lagula tacaalayo qaxootiga la gaarto Midowga Yurub ka hor kulan madaxeedka xiga ee ururka, waxaa sidaas Talaadada sheegay wasiirka arrimaha dibedda Mevlut Cavusoglu.

"Haddii aan heshiis gaarno ka hor 26-ka March, markaasi oo uu dhacayo kulan madaxeedka hogaamiyayaasha M/Yurub, arrintan waxay qeyb ka noqon doontaa ajendaha kulanka,” ayuu yiri Cavusoglu.

"Waxaan diyaar u nahay shaqo miro-dhal ah,” ayuu ku daray.

Mevlut Cavusoglu ayaa hadlayey maalin kadib markii madaxweyne Recep Tayyip Erodgan uu wada-hadallo xasaasi ah magaalada Brussels kula yeeshay madaxweyn ayaasha Midowga Yurub Ursula von der Leyen iyo Charles Michel. Go’aanka ay Turkey dhammaadkii Febraayo xuduudda ugu furtay qaxootiga doonaya inay gaaraan Yurub ayaa khilaaf ka dhex dhaliyey ayaga iyo Midowga Yurub iyo dalka ay jaarka yihiin ee Greece.

"Haddii ay noqoto inaan waddo isku raacno Midowga Yurub, waxaan ka fileynaa inay daacad noqdaan. Ma ahan kaliya inaan hayno qaxootiga inaga oo ku bedelaneyna lacag,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibedda Turkey Mevlut Cavusoglu.

Turkey ayaa 2016 ogolaatay inay qaxootiga ka hor-istaagto inay u gudbaan Yurub ayada oo ku bedelaneysa lix bilyan oo dollar, iyo wada-hadallo lagu abuurayo xiriir dhow. Hase yeeshee Turkey waxay sheegtay inaysan wada-helin dhammaan lacagtii, islamarkaana ballan-qaad yadii kale – oo ay ku jireen horumarinta xiriirka ganacsiga iyo dal-ku-galka – aan laga dhabeyn.

Wasiir kale oo laga helay Cudurka Coronavirus

Fayraska Corona wuxuu si aad ah ugu dhacay oo ku faafay dalka Shiinaha, laakiin wuxuu ku sii fiday bariga dhexe, Yurub, Ameerika iyo Afrika taasoo ku kaliftay dalal badan inay qaadaan tallaabo adag oo lagu xakameynayo cudurkan oo inta la ogyahay illaa iyo hadda ku dhacay 110,000 oo caalamka kala jooga isagoo dilay in ka badan 3,800 oo qof.

Dalka Faransiiska wararka kasoo baxaya waxay she egayaan in Wasiirka Dhaqanka dalkaasi France oo lagu magacaabo Frank Rester in baaritaan caafi maad oo lagu sameeyey kadib lagu ogaad ay inuu la nool yahay caabuqa Corona.

Wasaaradda Dhaqanka ee Faransiiska ayaa ku dhawaaqday in Wasiir Frank Restier lagu sameeyey baaritaan ku saabsan viruska Cor ona isla markaana natiijada ka soo baxday ay tahay mid sax ah, taas oo macnaheedu yahay in uu ku dhacay fayraska Corona.

Wasiirka dalxiiska ayaa la sheegay in maalmihii danbe uu kamid ahaa guddiyo kala duwan oo Dawladda France u xilsaartay xakamaynta Crona Firus, waxaana haatan loo diiday inuu la kulmo madaxweynaha France Emmanuel Macron. Cudurka Corona wuxuu gudaha dalka France ku dilay 25 qof gudaha faransiiska isagoo ku dhacay ama saameeyey 1,412 qof dadkaas oo dhamaantoodba ku nool gudaha France waxaanagu lagau karantiilay isbitaalo gaar ah oo loo asteeyey daweynta dadka qaba Caabuqa Crona.

Trump oo diiday in la karantiilo kaddib markii uu si lama filaan ah ula kulmay qof qaba Corona

Madaxweynaha Mareykanka Donald ayaa diiday in laga baaro Caabuqa Corona ama la karantiilo, isagoo she egay inuu caafimaadkiisu dhammeystiran yahay, ka dib markii uu si lama filaan ah ula kulmay qof aan laga warqa bin inuu qabay Caabuqa Corona.

Shan siyaasi oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee talada haya, oo madaxw eynaha kala qeyb galay shirkaas dha cay bishii lasoo dhaafay ayaa si iskood ah isu karantiilay, maadaama ay gacma ha ku salaameen qofka laga helay Caa buqa Halista ah ee sii faafaya.

Siyaasiyiintan oo xubno ka ah Aqalka Wakiillada Mar eykanka, sidoo kalena uu ku jiro Senator-ka gobolka Te xas, Ted Cruz, ayaa doonaya inay xaqiijiyaan in uu Caab uqa ku dhacay iyo in kale.

Haweeney ka oo ka tirsan xisbiga Dumuqraaddiga Mar eykanka ayaa iyadana is karantiishay kaddib markii ay la kulantay qof qaba Caabuqa.

Dalka Mareykanka waxaa ilaa hadda laga soo tabiyay in ka badan 700 oo kiisaska Corona ah, halka 26 ruuxna ay ilaa hadda u geeriyoodeen.

Mr Cruz, Paul Gosar oo ah Xildhibaanka gobolka Arizo na u qaabilsan Congress-ka, dhiggiisa gobolka Georgia Doug Collins iyo Matt Gaetz oo Congress-ka wakiil uga ah gobolka Florida ayaa dhammaantood galay karantiilka 14-ka maalmood ah ee ay dhakhaatiirtu ku taliyeen.

Qofka laga helay Caabuqa ayaa ka mid ahaa dadkii ka qeyb galay shirka CPAC, oo ah kulan siyaasadeed oo dhacay dabayaaqadii bishii lasoo dhaafay.

Mark Meadows, oo ah ninka uu dhawaan Trump u magac aabay madaxa golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale salaa may qofkaas, wuxuuna si iskiis ah u galay karantiil, inkas too baaritaan lagu sameeyay looga waayay Caabuqa.

Af hayeen u hadlay dowladda Mareykanka ayaa sheegay in Mr Meadows aan ilaa hadda lagu arkin wax calaamado ah.

Madaxweyne Trump iyo ku xigeenkiisa Mike Pence ay aa ka qeyb galay shirka uu goob joogga ka ahaa qofka Co rona laga helay, oo ka dhacay gobolka Maryland, laakiin labadoodaba midna ma uusan gacan qaadin qofkaas.

Hase ahaatee Mr Trump ayaa gacan qaaday guddoomiy ihii shirka, kaasoo isagana markii hore soo gacan qaaday bukaanka Caabuqa qabay.

Aqalka Cad ayaa maalintii Isniinta shaaciyay in ma daxweyne Trump aan laga baarin Corona. "Madaxweyn aha xiriir dheer lama uusan sameynin qof qaba Caabuqa Covid-19, lagumana arkin wax calaamado ah", ayey tiri haweeney afhayeen ah oo u hadashay Aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka.

"Madaxweyne Trump caafimaadkiisu waa heerkii ugu sarreeyay, dhakhtarkiisuna si joogto ah ayuu ula sii socon doonaa xaaladdiisa caafimaad", ayey sii raacisay hadal keeda.

Wararkii ugu dambeeyay ee Mareykanka?

Kiisaska Caabuqa Corona ayaa laga xaqiijiyay 34 gobol oo ka tirsan Mareykanka, kuwaasoo uu ku jiro Washington DC. Waxaa lasoo tabiyay ilaa 738 ruux oo uu ku dhacay Caabuqan, iyadoo 26 qofna ay u geeriyoodeen, sida laga soo xigtay war kasoo baxay Jaamacadda Johns Hopkins.

Dhinaca kale, rakaabka saaran Markabka uu Caabuqa Corona gudaha ugu jiro ee Grand Princess, oo ku xirtay gobolka California, ayaa billaabay inay dadka kasoo dagaan, kaddib markii shan maalmood lagu hayay xeebta ka baxsan magaalada San Francisco.

19 ka mid ah shaqaalaha markabka Grand Princess iyo 2 ruux oo rakaabkiisa ah ayaa laga helay Caabuqa Cor ona, waxaana dhammaantood lagu karantiili doonaa xarun milatari, haddii ay adeeg caafimaad oo deg deg ah u baa hdaanna waxaa la geyn doonaa isbitaal u dhow halkaas.

Boqollaal kale oo rakaabka markabka ah oo ajaanib ah ayaa loo kala gudbin doonaa dalalka ay u kala dhasheen, waxaana ku jira 140 qof oo u dhalatay Britain.

Hase yeeshee shaqaalaha Markabka ayaa lagu karantiili doonaa isla markabka gudihiisa.

Grand Princess ayaa la filayaa inuu ka shiraacdo dekedda Oakland isla marka ay ka wada dagaan rakaabka saaran, sida ay saraakiisha sheegeen.

Corona Virus: Maxaa ka jira in filimkan uu sii saadaaliyay caabuqan?

Tan iyo markii uu soo shaac baxay caabuqa Cor ona ayaa waxaa si weyn ay sare ugu kacday daawa shada filim la sameeyay 2011, kaasoo ka hadlaya cudur aan la aqoon oo ka soo bilowday Shiinaha.

Filimka oo lagu magacaabo Contagion ayaa qaabab badan u shabaha xaaladda rasmiga ah ee shalay taagan iyo qaabka uu u faafayo xanuunka.

In kastoo ay jileen shkahsiyaad filishalay Maraykan ka caan ku ah sida Matt Damon, Jude Law, Gwyn eth Paltrow, Kate Winslet iyo Michael Douglas, ayaa haddana xilliga uu soo baxay uusan filimkaasi ga arin halkii laga filayay.

Hase yeeshee Contagion ayaa hadda kamid no qday kuwa loogu daawasho badan yahay gudaha Maraykanka, waxaana dad badan ay Google ka raadiyeen magaciisa. Warner Bros. - oo ah istuudiy aha soo saaray filimka - ayaa sheegay in bishii Dec ember uu kaalinta 270-aad uga jiray filishalay caan ka ah, halka uu hadda soo gaaray kaalinta 9-aad.

Sababta uu sidaa ugu soo caan-baxay ayaa lagu sheegay inay tahay sida uu filimka ugu muuqdo mid saadaaliyay caabuqa Corona in kastoo la sameeyay ku dhawaad toban sano ka hor.

Filimka

Sida lagu jilay, haweeney ganacsato ah ayaa u dhimatay xanuun aan la aqoon kadib markii ay u saf artay dalka Shiinaha, waxaana ka dhashay xaalad degdeg ah oo saamaysay caalamka oo dhan.

Waxaa filimka xiiso gaar ah u yeelay gabadha ku matelaysay haweeneyda ganacsatada ah, Gwyneth Paltrow, oo 26-kii February baraheeda bulshada soo dhigtay sawir iyadoo uu afka u duuban yahay.

"Horay ayaan uga qeyb qaatay filimkan. Badqabki ina ka shaqeeya. Gacmaha ha isku salaamina. Si jo ogta ahna gacmaha u dhaqda," ayay tiri atirishad dan oo ay malaayiin qof ku taxan yihiin baraheeda bulshada.

Isu ekaanshaha

Filimka Contagion iyo caabuqa Corona ee hadda faraha ba'an ku haya caalamka ayaa dhinacyo ba dan isaga eg. Haweeneyda ganacsatada ah ayaa cudurka oo lagu magacaabo MEV-1 waxa ay qa aday kadib markii uu gacanta ku salaamay cunno kariye ku sugan Hong Kong, kaasoo diyaariyay hil ibka doofaar caabuqa ay u gudbisay fiid-meer.

Maraykanka ay dib ugu soo laabatay, waxaana xanuun daran kadib uu cudurka galaaftay iyada iyo wiilkeeda, balse waxaa ka badbaaday oo uu kari waayay seygeeda oo uu jilayay Matt Damon.

Khubarada caafimaadka ayaa rumaysay in caa buqa Corona uu ka yimid xayawaanka kana bilow day magaalada Wuhan bishii December 2019.

Waxaa sidoo kale la rumaysan yahay in caabuqa hadda jira uu ka soo bilowday fiid-meerta si lamid ah xanuunkii Sars ee saf-marka noqday sanadihii 2002 iyo 2003.

Si lamid ah caabuqa Corona ayaa kan filimka lagu dhigayo waxa uu ku faafaa taabashada ban i'aadanka iyo walxaha uu saameeyay.

Caabuqa Filimka lagu jilay iyo xanuunka dhabta ah waxay ka siman yihiin inay bani' aadanka uga dhac aan neef-mareenka.Arinta ay ku kala duwan yihiin ayaa ah in caabuqa filimka lagu dhigay ay caalamka oo dhan ugu "dhimanayaan" 26 milyan oo qof mu ddo bil gudaheed ah. Hase yeeshee saddex bilood oo uu faafayay Corona ayaa ilaa hadda waxaa u dhintay 4,000 oo qof.

Wasiir kale oo laga helay Cudurka Coronavirus

Fayraska Corona wuxuu si aad ah ugu dhacay oo ku faafay dalka Shiinaha, laakiin wuxuu ku sii fi day bariga dhexe, Yurub, Ameerika iyo Afrika taa soo ku kaliftay dalal badan inay qaadaan tallaabo adag oo lagu xakameynayo cudurkan oo inta la og yahay illaa iyo hadda ku dhacay 110,000 oo caal amka kala jooga isagoo dilay in ka badan 3,800 oo qof.

Dalka Faransiiska wararka kasoo baxaya waxay sheegayaan in Wasiirka Dhaqanka dalkaasi France oo lagu magacaabo Frank Rester in baaritaan caa fimaad oo lagu sameeyey kadib lagu ogaaday inuu la nool yahay caabuqa Corona.

Wasaaradda Dhaqanka ee Faransiiska ayaa ku dhawaaqday in Wasiir Frank Restier lagu sameeyey baaritaan ku saabsan viruska Corona isla markaana natiijada ka soo baxday ay tahay mid sax ah, taas oo macnaheedu yahay in uu ku dhacay fayraska Corona.

Wasiirka dalxiiska ayaa la sheegay in maalmihii danbe uu kamid ahaa guddiyo kala duwan oo D/France u xilsaartay xakamaynta Crona Firus, wax aana haatan loo diiday inuu la kulmo madaxweyn aha France Emmanuel Macron.

Cudurka Corona wuxuu gudaha dalka France ku dilay 25 qof gudaha faransiiska isagoo ku dhacay ama saameeyey 1,412 qof dadkaas oo dhamaanto odba ku nool gudaha France waxaanagu lagau kar antiilay isbitaalo gaar ah oo loo asteeyey daweynta dadka qaba Caabuqa Crona. XIGASHO:-BBC


SOOMAALIYA

 

OGAYSIISKA GUUD DIGNIINTA GANACSIGA

 

_______________________

 

 

 

OGEYSIISKA HALKAN AYAA LA SIIYA in calaamada kor ku xusan ay tahay astaanta ganacsiga ee:

 

 

YKK CORPORATION, a corporation duly organized and existing under the laws of Japan of 1, Kanda Izumi-cho, Chiyoda-ku, Tokyo 101-8642, Japa

.

 

waxaana loo isticmaalaa xiriirinta:

 

Xawilayaasha xajiyeyaasha [zippers]; xiridda iyo tuubbooyinka xajista; xajiyeyaasha hagaajin kara dharka, cagaha, madaxa iyo shandadaha; zip xajiyeyaasha bacda caagga ah ee dib loo isticmaali karo; badhamada; badhamada xajmiga ah (snap fasteners]; badhamada sheeko qurxinta; qabashada iyo indhaha; qabatooyin [haberdashery]; baalal dharka lagu xidho; kabaha indhaha; garbaha dharka; xirmooyinka kabaha; qabatooyin dabacsan; joojiyayaasha xargaha; xargaha joojinta xargaha; feeraha laastikada ah; ku-dhejinta dabeecadaha cajalado dhogor leh oo ujeeddooyin tolmo leh; dillaacaa dabeecadda xargaha xargaha.

 

OGEYSIISKA WAXAA SIDO KALE BIXINAYA. In talaabo sharci ah laga qaadi doono qofkasta ama shirkad isticmaasha sumadda ganacsiga ee la sheegay ama wixii ku dayasho mudan ama si kale ku xadgudbay xuquuqda shirkadda la sheegay

 


 


SOOMAALIYA

OGAYSIISKA GUUD DIGNIINTA GANACSIGA

_______________________

 

 

OGEYSIISKA HALKAN AYAA LA SIIYA in calaamada kor ku xusan ay tahay astaanta ganacsiga ee:

 

YKK CORPORATION, a corporation duly organized and existing under the laws of Japan of 1, Kanda Izumi-cho, Chiyoda-ku, Tokyo 101-8642, Jap

 

waxaana loo isticmaalaa xiriirinta:

 

Xawilayaasha xajiyeyaasha [zippers]; xiridda iyo tuubbooyinka xajista; xajiyeyaasha hagaajin kara dharka, cagaha, madaxa iyo shandadaha; zip xajiyeyaasha bacda caagga ah ee dib loo isticmaali karo; badhamada; badhamada xajmiga ah (snap fasteners]; badhamada sheeko qurxinta; qabashada iyo indhaha; qabatooyin [haberdashery]; baalal dharka lagu xidho; kabaha indhaha; garbaha dharka; xirmooyinka kabaha; qabatooyin dabacsan; joojiyayaasha xargaha; xargaha joojinta xargaha; feeraha laastikada ah; ku-dhejinta dabeecadaha cajalado dhogor leh oo ujeeddooyin tolmo leh; dillaacaa dabeecadda xargaha xargaha.

 

OGEYSIISKA WAXAA SIDO KALE BIXINAYAin talaabo sharci ah laga qaadi doono qofkasta ama shirkad isticmaasha sumadda ganacsiga ee la sheegay ama wixii ku dayasho mudan ama si kale ku xadgudbay xuquuqda shirkadda la sheegay

 

 

 

 

SOOMAALIYA

 

OGAYSIISKA GUUD DIGNIINTAGANACSIGA

 

_______________________

 

 

OGEYSIISKA HALKAN AYAA LA SIIYA in calaamada kor ku xusan ay tahay astaanta ganacsiga ee:

 

YKK CORPORATION, a corporation duly organized and existing under the laws of Japan of 1, Kanda Izumi-cho, Chiyoda-ku, Tokyo 101-8642, Japa

 

 

waxaana loo isticmaalaa xiriirinta:

 

Xawilayaasha xajiyeyaasha [zippers]; xiridda iyo tuubbooyinka xajista; xajiyeyaasha hagaajin kara dharka, cagaha, madaxa iyo shandadaha; zip xajiyeyaasha bacda caagga ah ee dib loo isticmaali karo; badhamada; badhamada xajmiga ah (snap fasteners]; badhamada sheeko qurxinta; qabashada iyo indhaha; qabatooyin [haberdashery]; baalal dharka lagu xidho; kabaha indhaha; garbaha dharka; xirmooyinka kabaha; qabatooyin dabacsan; joojiyayaasha xargaha; xargaha joojinta xargaha; feeraha laastikada ah; ku-dhejinta dabeecadaha cajalado dhogor leh oo ujeeddooyin tolmo leh; dillaacaa dabeecadda xargaha xargaha.

OGEYSIISKA WAXAA SIDO KALE BIXINAYAIn talaabo sharci ah laga qaadi doono qofkasta ama shirkad isticmaasha sumadda ganacsiga ee la sheegay ama wixii ku dayasho mudan ama si kale ku xadgudbay xuquuqda shirkadda la sheegay

 

OGAYSIISKA GUUD

 

Ogeysiiska waxaa lagu siinayaa in Beiersdorf AG (a German Company) of Unnastrasse 48, D-20253 Hamburg, Germanyay yihiin Ganacsatada Sole ee Soomaaliya iyo dhammaan waddamada kale ee Calaamadaha Ganacsiga ee soo socda: -

 

 

Kaasoo loo adeegsado xiriirinta

 

Saabuun, cadar, saliidaha lagama maarmaanka ah, qurxinta, timaha timaha, ilkaha ilkaha

Qof kasta oo nuqulaya, kudayaqaada, ama si kasta oo ku xad gudba xuquuqda uu sheegay Beiersdorf AG ee Suuqa Ganacsiga waxaa laga qaadayaa sharciga si waafaqsan sharciga ka jira gudaha Soomaaliya si looga hortago ku soo rogayaasha Markabyo been abuur ah badeecada




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip