Madaxweynaha Puntland oo daah-furay Mashruuca Waxbarashada IFIYE

0
Wednesday March 11, 2020 - 21:59:29 in Wararka by
  • Visits: 201
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Puntland oo daah-furay Mashruuca Waxbarashada IFIYE

    Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Daah-furay Mashruuc Waxbarasho, kaas oo halku dhiggiisu yahay Ifiye. Munaasabadda Daah-furka ayaa waxa kasoo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Pun

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Daah-furay Mashruuc Waxbarasho, kaas oo halku dhiggiisu yahay Ifiye. Munaasabadda Daah-furka ayaa waxa kasoo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland, Madaxwaynihii hore ee Puntland Santor Cabdiraxman Maxamed Maxamuud faroole, Sanator Cabdirisaaq Xuseen Cismaan Juurile, Guddoomiye ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Ismaaciil Maxamed Warsame, Wakiilka Puntland ee Dalka Maraykanka Mulki Cabdisamed Xuseen oo ka mid ah Aasaasayaasha Mashruuca Waxbarashada ee Ifiye iyo masuuliyiin kale. Mashruucan oo in muddo ah howshiisa laga soo shaqaynaayey waxaa ka faa'iidaysan doona ardayda reer Puntland, waxaana iska-kaashanaya hirgelintiisa Dawladda Puntland iyo qurbajoogta Puntland. Mashruucani waxa uu xoogga saarayaa Waxbarashada Caruurta ee maadooyinka Sayniska, Tijnoolajiyadda (Technology), injineerinka (Engineering) iyo Xisaabadka. Qurba joogta reer Puntland ee mashruucan Taageeraysa ayaa diiradda saaraya in 10,000 oo Kambiyuutar loo gadaayo Ardayda dugsiyada Puntland, waxaana mashruuca lagu bilaabayaa 18 dugsi oo iskugu jira dugsiyo Hoose iyo dugsiyada Sare. Madaxwaynaha Puntland ayaa balan qaaday in Madaxtooyada Dawladda Puntland ay sanadkiiba ku taageerayso mashruuca 1,000 Kambiyuutar si kor loogu qaado aqoonta ardayda reer Puntland si ay awood ugu yeeshan maadooyinka Sayniska. Madaxweynaha oo Mashruucan daah-furay ayaa ku dheeraaday muhiimadda uu u leeyahay ardayda Puntland. Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa madaxda Wasaaradda Waxbarashada ku booriyay inay si hoose u eegaan Waxbarashada farsamada gacanta. Ugu dambayn, Madaxweynaha dowladda Puntland Madane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa u mahadceliyey Wasaarada Waxbarashada Puntland iyo Qurba joogta gacanta ka gaysatay, isagoona kula dar-daarmay in mashruucan iyo kuwa lamidka ahba la dhowro. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip