Sababta keentay in Africom ay kordhiyaan weerarada ka dhanka ah AL-SHABAAB

0
Wednesday March 11, 2020 - 21:56:53 in Wararka by
  • Visits: 230
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sababta keentay in Africom ay kordhiyaan weerarada ka dhanka ah AL-SHABAAB

    Taliyaha ciidanka Mareykanka ee AFRICOM, Stephen Townsend ayaa faah faahin ka bixiyey sababaha ay u kordhiyeen howlgallada iyo duqeymaha ka dhanka ah dagaalyahannada Al-Shabaab oo weli ku xoogan Soomaaliya. Townsend ayaa sheegay in sababta ay sare

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha ciidanka Mareykanka ee AFRICOM, Stephen Townsend ayaa faah faahin ka bixiyey sababaha ay u kordhiyeen howlgallada iyo duqeymaha ka dhanka ah dagaalyahannada Al-Shabaab oo weli ku xoogan Soomaaliya. Townsend ayaa sheegay in sababta ay sare ugu qaadeen howlgalladooda ay tahay, sidii loo wiiqi lahaa awooda Al-Shabaab, isagoo tilmaamay inay weli qatar ku tahay gobolka. Sidoo kale wuxuu tusaale u soo qaatay weerarkii xooganaa oo ay dagaalyahannadooda dhowaan ay ku qaadeen xerada Manda Bay ee dalka Kenya. "Al-Shabaab waa khatar, waa garab kamid ah Al-Qaacida, waxa aynu aragnay iyaga oo fulinaya howlgalo dibadda ah, sida weerarkii ay ku qaadeen saldhig Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kenya ay ku leeyihiin Xerada Manda Bay ee Kenya, waxaa halis u ah in ay bartilmaameedsan karaan muwaadiniinta Mareykanka xitaa gudaha dalkeena, si dhaqsi ah ayay u awoodi karaan" ayuu yiru taliyaha ciidamada AFRICOM. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in duqeymaha Mareykanka uu ka fuliyo Soomaaliya oo la xoojiyey maalmihii ugu dambeeyey ay hoos u dhigayaan awooda Al-Shabaab. "Sababta loo kordhiyay duqeynta Mareykanka waa in hoos loo dhigo awoodda Al-Shabaab, waana garabka ugu dhaq-dhaqaaqa badan ee Al-Qaacida, muddo 8-bilood kahor ayaan Afrika tagay, waxaana badneed khatarta Al-Shabaab, waxaana weeraradooda ay ka tallaabeen xuduudda" ayuu markale yiri tephen Townsend. Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka sida weyn dowladda federaalka uga taageero dagaalka Al-Shabaab, isagoo duqeymo ka fuliyo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. ,


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip