Shir Muqdisho ku dhexmaray QM iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya March 11, 2020

0
Wednesday March 11, 2020 - 22:14:51 in Wararka by
  • Visits: 196
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shir Muqdisho ku dhexmaray QM iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya March 11, 2020

    Ra'iisul wasaare ku-xigeenka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed(Khadar), ayaa guddoomiyay shir dhex maray dowladda federaalka Soomaaliya iyo qaramada midoobay oo ka dhacay Muqdisho. Kulanka ayaa looga hadlay hor

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul wasaare ku-xigeenka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed(Khadar), ayaa guddoomiyay shir dhex maray dowladda federaalka Soomaaliya iyo qaramada midoobay oo ka dhacay Muqdisho. Kulanka ayaa looga hadlay horumarinta wada-shaqeynta ka dhexeysa dowladda iyo Qaramada Midoobay iyo sii wadidda taageerada Qaramada Midoobay ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed. Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka oo qaramada midoobay uga mahad celiyay taageerada joogtada ah ee ay la garab taaganyihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ayaa caddeeyay in dowladda Soomaaliya ay ku dadaasho xilli waliba in la horumariyo, lana sii xoojiyo wada shaqeynta ka dhexeysa dowladda iyo Qaramada Midoobay si loo hagaajiyo qorshaha adeegyada bulshada ee muhiimka ah lagu gaarsiinayo shacabka Soomaaliyeed. Dhammaan mas'uuliyiinta Qaramada Midoobay ee kulanka ka hadlay ayaa dowladda ku bogaadiyay horumarrada laga sameeyay dib-u-habeynta amniga, dhaqaalaha iyo dowlad wanaagga, waxayna caddeeyeen in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay kala shaqeynayaan gaaridda hormar ballaaran oo hormuud u noqda xaqiijinta hadafyada qaran ee ummadda Soomaaliyeed. Kulanka waxaa goob joog ka ahaa ku-xigeenka wakiilka xogyahaya guud ee qaramada midoobay u qaabishan arrimaha Soomaaliya, ahna isku dubba ridka arrimaha gargaarka dalka, Adam Abdelmoula iyo mas'uuliyiin kale oo ka socotay UNDP, WFP, UNOPS, UNHCR, UNIDO, UNICEF, UNFPA, World Bank, FAO, IOM, OHCHR, ILO, OCHA iyo WHO. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip