Soomaaliland oo beenisey Warar laga faafiyey

0
Wednesday March 11, 2020 - 09:35:58 in Wararka by
  • Visits: 241
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliland oo beenisey Warar laga faafiyey

    Shalay Wargeyska Capitalethiopia ee kasoo baxa Magaalada Addis Ababa waxaa uu qorey in dowladda Itoobiya hakisay saamigii Dekedda Berbera, oo ahaa 19%, hayeeshee waxaa Warkaasi beenisey Soomaaliland. Wasiirka Wasaradda Arrimaha dibadda Somaliland Ya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shalay Wargeyska Capitalethiopia ee kasoo baxa Magaalada Addis Ababa waxaa uu qorey in dowladda Itoobiya hakisay saamigii Dekedda Berbera, oo ahaa 19%, hayeeshee waxaa Warkaasi beenisey Soomaaliland. Wasiirka Wasaradda Arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon ayaa sheegay in Warkaas uu qoray Wargeysa aan waxba ka jirin,isla markaana Itoobiya aysan hakin saamigii ay ku laheyd Dekedda Magaalada Berbera. Waxaa uu sheegay Wasiirka in Warka uu qorey Wargeyska uu yahay mid ujeedo gaar ah laga leeyahay,isla markaana uusan jirin war rasmi ah oo kasoo baxay mas'uuliyiinta Dowladda Itoobiya lana xiriireen Madaxda dalkaas. Isaga oo la hadlayay Tv-yada ka howlgalla deegaannada Soomaaliland ayuu Wasiirka sheegay in dhamaan heshiiskii ku saabsanaa horumarinta heshiiskii dekadda Berbera oo ay horay ula galeen Dowladda Itoobiya. Dowlaha Itoobiya iyo Imaaraadka ayaa heshiis ku saabsan maalgashiga waxaa ay Soomaaliland kula galeen Soomaaliland,waxaana ay saamiyada ay u kala lahaayeen Imaaraadka 51%, Itoobiya 19%, halka Soomaaliland ku leedahay 31%. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip