Madaxweynaha Afghanistan oo Go'aan ku dhawaaqay

0
Wednesday March 11, 2020 - 22:18:38 in Wararka by
  • Visits: 203
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Afghanistan oo Go'aan ku dhawaaqay

    Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani ayaa xalay waqti danbe xilliga Afghanistan soo saaray wareegto ogolaaneysa in xabsiyada dalkaasi laga sii daayo kumanaan ka tirsan ururka Taliban, taasoo wadda u xaareysa in milatariga Mareykanka ay ka baxaan Afg

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani ayaa xalay waqti danbe xilliga Afghanistan soo saaray wareegto ogolaaneysa in xabsiyada dalkaasi laga sii daayo kumanaan ka tirsan ururka Taliban, taasoo wadda u xaareysa in milatariga Mareykanka ay ka baxaan Afghanistan. Arrintaan ayaa qeyb ka aheyd heshiiskii ay Taliban iyo Mareykanka dhawaan ku gaareen magaalada Doha ee dalka Qatar, kaasoo hadafka ugu weyni yahay in lagu soo afjaro colaadda dalka Afghanstan ka jirta mudda 19-ka sano. Heshiiska ayaa sidoo kale dhigaya in muddo 14 bilood ah ay dalka Afghanstan uga baxaan dhamaan ciidamada Mareykanka iyo kuwa xulufada lah ee NATO, halka Taliban looga baahanyahay in ay dib-u-heshiisiin siyaasadeed la gasho dowladda Afghanstan. Mareykan durbaba wuxuu billaabay inuu ciidanka kasoo saaro. Sida uu sheegay afhayeen u hadlay milatariga, ilaa 8,600 oo askari ayaa laga soo saari doonaa muddo 135 cisho gudahood. Ciidanka Mareykanka ee Afganstan jooga ayaa hadda ah 13 kun .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip