Askar ka tirsanaa ciidamada BURUNDI oo qarax lagu dilay

0
Wednesday March 11, 2020 - 22:09:22 in Wararka by
  • Visits: 208
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askar ka tirsanaa ciidamada BURUNDI oo qarax lagu dilay

    Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM saacadihii la soo dhaafay lagula bartilmaameedsaday duleedka degmada Mahadaay oo gobolka Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabelle. Qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM saacadihii la soo dhaafay lagula bartilmaameedsaday duleedka degmada Mahadaay oo gobolka Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabelle. Qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa ciidamadaasi oo ka tirsan kuwa Burundi lala eegtay xilli ay ku socdaalayeen halkaasi. Wararka ayaa sheegaya in qaraxaani ay ku geeriydooeen ugu yaaraan illaa 2 askari oo ka tirsanaa askarta Burundi, iyadoona ay ku dhaawacmeen tiro kale. Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxaasi, iyada oo tilmaamtay inuu haleelay gaari nooca gaashaaman oo ay wateen ciidamada AMISOM. Dhinaca kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka AMISOM, gaar ahaan taliska ciidaka Burundi ee ka howlgala gobolka Shabeelaha Dhexe. Inta badan dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa weeraro jidgal ah ku qaada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM marka isaga kala gooshayaan deegaanada HirShabelle. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip