NISA oo sheegtay in Madaxii Amniyaadka gobolka Banaadir ee Al-Shabaab la dilay

0
Wednesday March 11, 2020 - 09:32:03 in Wararka by
  • Visits: 246
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    NISA oo sheegtay in Madaxii Amniyaadka gobolka Banaadir ee Al-Shabaab la dilay

    Hey'adda Nabad Sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa sheegtay in xalay Magaalada Bu'aale ee gobolka Jubbada Dhexe lagu dilay Muuse Macalin oo sida lagu sheegay qoraalka dhawaan iska casilay madaxa amniyaadka Al-Shabaab ee gobolka Banaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hey'adda Nabad Sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa sheegtay in xalay Magaalada Bu'aale ee gobolka Jubbada Dhexe lagu dilay Muuse Macalin oo sida lagu sheegay qoraalka dhawaan iska casilay madaxa amniyaadka Al-Shabaab ee gobolka Banaadir. War kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay hoggaamiyaha Al-Shabaab Axmed Diiriye uu amray in la xiro madaxa howlgelinta amniyaadka Al-Shabaab ee ka howlgala gobolka Banaadir, kaas oo magaciisa lagu sheegay Cumar Maxamed. "Saqdii dhexe ee xalay ayaa Bu'aale lagu dilay Muuse Macalin, oo hore isaga casilay madaxii Amniyaatka G-Banaadir ee AS, sidoo kale waxaa Xabsiga loo taxaabay madaxa hawlgalinta Amniyaatka GobolkaBanaadir, Cumar Maxamed, iyadoo lafulinayey amarka Horjooge Axmed Diiriye" ayaa lagu yiri qoraalkan oo lagu soo daabacay barta Twitterka ee hey'adda NISA.

 

Saqdii dhexe ee xalay ayaa Bu’aale lagu dilay Muuse Macalin, oo horay isaga casilay madaxii Amniyaatka G-Banaadir ee AS, sidoo kale waxaa Xabsiga loo taxaabay madaxa hawlgalinta Amniyaatka G-Banaadir, Cumar Maxamed, iyadoo lafulinayey amarka Horjoogaha Maafiyada AS Axmed Diiriye.

 
128 people are talking about this
 
 
 

 

Ma jiro war ka madax banaan Midka NISA oo xaqiijin kara xaqiiqda Warkaan, sidoo kalena Al-Shabaab wali war kama soo saarin Warkaan ay baahisay NISA.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip