Puntland: Badeecad kasta oo canshuurta lagala dhuunto dowladda la wareegaysa

0
Wednesday March 11, 2020 - 21:53:33 in Wararka by
  • Visits: 234
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Puntland: Badeecad kasta oo canshuurta lagala dhuunto dowladda la wareegaysa

    Ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha guud ee dowladda Puntland Maxamed Xareed Faarax, oo warbaahinta kula hadlay Garoowe, ayaa fasaxay in dowladdu la wareegi karto beecad kast oo ka soo degta furdooyinka Puntland, haddii lagala dhuunto Canshuurta ku waaaji

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha guud ee dowladda Puntland Maxamed Xareed Faarax, oo warbaahinta kula hadlay Garoowe, ayaa fasaxay in dowladdu la wareegi karto beecad kast oo ka soo degta furdooyinka Puntland, haddii lagala dhuunto Canshuurta ku waaajibtay. " Xafiiska Xeer Ilaalinta guud ee dowladda Puntland, wuxuu la socod-siinaya dhammaan ganacsatada, haddii badeecadaha ka soo dega furdooyinka Puntland lagala baxsado Canshuurta ku waajibtay, iyadoo lagu xad-gudbayo xeerarka Wasaaradda Maaliyadda, waxaan u sheegayna ganacsatada in dhammaan badeecaddaas ay la wareegayso dowladda" ayuu yiri Maxamed Xareed Sidoo kale, wuxuu sheegay in ganacsade kasta oo lagu qabto in uu canshuur la dhuuntay, ay Xeer ilaalintu ku soo oogi doonto dacwad-ciqaabeedka uu mutaystay, islamarkaana la hor-geyn doono maxkamadaha Sharciga u leh qaadista dacwaddaas. Ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha guud ee Puntland ayaa sidoo kale dowladda u fasaxay in ay la wareegi karto gaadiid kasta oo lagu qabto kotorobaan (shay aan sharciyaysneyn), waxaana uu ku hanjabay in cid kasta oo leh gaadiidkaas sharciga la hor-geyn doono. .


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip