Trump oo diiday in la karantiilo kaddib markii uu si lama filaan ah ula kulmay qof qaba Corona

0
Tuesday March 10, 2020 - 20:42:17 in Wararka by
  • Visits: 261
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Trump oo diiday in la karantiilo kaddib markii uu si lama filaan ah ula kulmay qof qaba Corona

    Madaxweynaha Mareykanka Donald ayaa diiday in laga baaro Caabuqa Corona ama la karantiilo, isagoo sheegay inuu caafimaadkiisu dhammeystiran yahay, kaddib markii uu si lama filaan ah ula kulmay qof aan laga warqabin inuu qabay Caabuqa Corona. Shan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Mareykanka Donald ayaa diiday in laga baaro Caabuqa Corona ama la karantiilo, isagoo sheegay inuu caafimaadkiisu dhammeystiran yahay, kaddib markii uu si lama filaan ah ula kulmay qof aan laga warqabin inuu qabay Caabuqa Corona. Shan siyaasi oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee talada haya, oo madaxweynaha kala qeyb galay shirkaas dhacay bishii lasoo dhaafay ayaa si iskood ah isu karantiilay, maadaama ay gacmaha ku salaameen qofka laga helay Caabuqa Halista ah ee sii faafaya. Siyaasiyiintan oo xubno ka ah Aqalka Wakiillada Mareykanka, sidoo kalena uu ku jiro Senator-ka gobolka Texas, Ted Cruz, ayaa doonaya inay xaqiijiyaan in uu Caabuqa ku dhacay iyo in kale. Haweeney ka oo ka tirsan xisbiga Dumuqraaddiga Mareykanka ayaa iyadana is karantiishay kaddib markii ay la kulantay qof qaba Caabuqa. Dalka Mareykanka waxaa ilaa hadda laga soo tabiyay in ka badan 700 oo kiisaska Corona ah, halka 26 ruuxna ay ilaa hadda u geeriyoodeen. Mr Cruz, Paul Gosar oo ah Xildhibaanka gobolka Arizona u qaabilsan Congress-ka, dhiggiisa gobolka Georgia Doug Collins iyo Matt Gaetz oo Congress-ka wakiil uga ah gobolka Florida ayaa dhammaantood galay karantiilka 14-ka maalmood ah ee ay dhakhaatiirtu ku taliyeen. Qofka laga helay Caabuqa ayaa ka mid ahaa dadkii ka qeyb galay shirka CPAC, oo ah kulan siyaasadeed oo dhacay dabayaaqadii bishii lasoo dhaafay. Mark Meadows, oo ah ninka uu dhawaan Trump u magacaabay madaxa golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale salaamay qofkaas, wuxuuna si iskiis ah u galay karantiil, inkastoo baaritaan lagu sameeyay looga waayay Caabuqa. Af hayeen u hadlay dowladda Mareykanka ayaa sheegay in Mr Meadows aan ilaa hadda lagu arkin wax calaamado ah.

Madaxweyne Trump iyo ku xigeenkiisa Mike Pence ayaa ka qeyb galay shirka uu goob joogga ka ahaa qofka Corona laga helay, oo ka dhacay gobolka Maryland, laakiin labadoodaba midna ma uusan gacan qaadin qofkaas.

Hase ahaatee Mr Trump ayaa gacan qaaday guddoomiyihii shirka, kaasoo isagana markii hore soo gacan qaaday bukaanka Caabuqa qabay.

Aqalka Cad ayaa maalintii Isniinta shaaciyay in madaxweyne Trump aan laga baarin Corona.

"Madaxweynaha xiriir dheer lama uusan sameynin qof qaba Caabuqa Covid-19, lagumana arkin wax calaamado ah", ayey tiri haweeney afhayeen ah oo u hadashay Aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka.

"Madaxweyne Trump caafimaadkiisu waa heerkii ugu sarreeyay, dhakhtarkiisuna si joogto ah ayuu ula sii socon doonaa xaaladdiisa caafimaad", ayey sii raacisay hadalkeeda.

Wararkii ugu dambeeyay ee Mareykanka?

Kiisaska Caabuqa Corona ayaa laga xaqiijiyay 34 gobol oo ka tirsan Mareykanka, kuwaasoo uu ku jiro Washington DC.

Waxaa lasoo tabiyay ilaa 738 ruux oo uu ku dhacay Caabuqan, iyadoo 26 qofna ay u geeriyoodeen, sida laga soo xigtay war kasoo baxay Jaamacadda Johns Hopkins.

Dhinaca kale, rakaabka saaran Markabka uu Caabuqa Corona gudaha ugu jiro ee Grand Princess, oo ku xirtay gobolka California, ayaa billaabay inay dadka kasoo dagaan, kaddib markii shan maalmood lagu hayay xeebta ka baxsan magaalada San Francisco.

Grand Princess cruise ship
Image captionMarkabka Grand Princess ayey saaran yihiin 21 qof oo qaba Caabuqa Corona

19 ka mid ah shaqaalaha markabka Grand Princess iyo 2 ruux oo rakaabkiisa ah ayaa laga helay Caabuqa Corona, waxaana dhammaantood lagu karantiili doonaa xarun milatari, haddii ay adeeg caafimaad oo deg deg ah u baahdaanna waxaa la geyn doonaa isbitaal u dhow halkaas.

Boqollaal kale oo rakaabka markabka ah oo ajaanib ah ayaa loo kala gudbin doonaa dalalka ay u kala dhasheen, waxaana ku jira 140 qof oo u dhalatay Britain.

Hase yeeshee shaqaalaha Markabka ayaa lagu karantiili doonaa isla markabka gudihiisa.

Grand Princess ayaa la filayaa inuu ka shiraacdo dekedda Oakland isla marka ay ka wada dagaan rakaabka saaran, sida ay saraakiisha sheegeen.

BBC


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip