Wararka

Midowga Yurub oo Malaayiin Doolar ku bixinaysa Dagaalka Al-Shabaab.

0 Visits: 678 | Tuesday October 20, 2015 - 19:32:05
Midowga Yurub ayaa lacag dhan €165 million wuxuu siinayaa Howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya laga wado ee AMISOM si ay dalka uga saaran Maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Read More »

Kenya oo soo bandhigtay sawirrada shan qof oo ay sheegeen inay xiriir la leeyihiin Al-shabaab

0 Visits: 724 | Tuesday October 20, 2015 - 18:27:57
Hay'adaha ammaanka dalka Kenya ayaa shaaciyay sawirrada shan ruux oo Keenyaan ah oo mid ay haweeney ay tahay, kuwaasoo ay sheegeen inay xiriir la leeyihiin Al-shabaab, waxaana shantan qof ka mid ah ruux haweeney ah.

Read More »

Waddanka Kenya oo Maanta looga Dabaal-dagay Munaasabada Maalinta Geesiyaasha (SAWIRRO)

0 Visits: 743 | Tuesday October 20, 2015 - 18:25:44
Guud ahaan wadanka Kenya, ayaa maanta waxaa looga dabaal-dagay Munaasabada 20, October oo ku beegan maalinta geesiyaasha Kenya oo Afka- Swahiliga lagu dhaho "Mashujaa" ahna Heroes' Day ama maalinta la xuso hal-gamayaashii Kenya u horseeday xorriyaddeeda.

Read More »

Khudbadda Madaxweynaha Madasha Wadatashiga Qaranka ee Hannaanka Doorashada 2016-ka oo aheyd mid xasaasi ah {ka bogo}

0 Visits: 753 | Tuesday October 20, 2015 - 18:21:42
Assalamu Caleykum Wa Raxmatullahi Wa Barakaatuh Mudaneyaal iyo Marwooyin Sharaf weyn bay ii tahay inaan maanta si rasmi ah u daah furo furo Madashii ugu horeysey ee Wadatashiga Qaran ee looga arrinsanayo hannaanka doorashada ee waddanku yeelanayo sannadka 2016-ka.

Read More »

Muwaadinkii ugu horreeyay oo Soomaali ah oo loo doortay Baarlamaanka Canada (SAWIRRO)

0 Visits: 788 | Tuesday October 20, 2015 - 11:55:38
AXMED Xuseen oo u tartamayay xisbiga Liberal ayaa noqonaya muwaadinkii ugu horreeyay oo Soomaaliyeed oo ku guuleysta taariikhda doorashooyinka baarlamaanka dalka Canada, iyadoo laga soo doortay xaafadda York South-Weston ee magaalada Toronto.

Read More »

Ammaanka Magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo si weyn loo adkeeyay

0 Visits: 689 | Tuesday October 20, 2015 - 11:51:23
Shacabka Kenya ayaa maanta xusaya sanad guuradii 52 aad ee kasoo wareegtay maalinta geesiyaasha dalka ee loo yaqaano Mashujaa Day, taas oo sanad walba la xuso. Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa lagu wadaa inuu qaranka ku hogaamiyo dabaal daga maalinta Mashujaa Day, oo lagu maamuuso dadkii…

Read More »

Farxiya Kabayare oo is hortaag lagu sameeyay bandhig faneed ay Muqdisho ku qaban lahayd

0 Visits: 666 | Tuesday October 20, 2015 - 11:01:25
Fannaanada Farxiya Kabayare ayaa shaacisay in laga hor istaagay bandhig ay ku qaban lahayd magaalada Muqdisho, waxayna farriin u dirtay taageerayaasheeda magaalada Muqdisho.

Read More »

Shirka Madasha Wada tashiga doorashooyinka 2016 oo maanta la soo gaba gabeynayo

0 Visits: 699 | Tuesday October 20, 2015 - 10:23:49
Waxaa maanta lagu wadaa in la soo gaba gabeeyo shirka Madasha wada tashiga doorashooyinka sanadka 2016, kaasoo shalay furmay, waxaana la filayaa in maanta laga soo saaro war murtiyeed.

Read More »

Axmed Madoobe "Aan ka tagno Beesha Caalamka, anaga oo Soomaali kaligeen ah aan talo gaarno"

0 Visits: 703 | Tuesday October 20, 2015 - 10:21:25
Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in loo baahan yahay in lala xisaabtamo Beesha Caalamka, isla markaana shaqada la qabanayo ay noqoto mid Soomaali kaligeed ay qabsato, Caalamkana uu gadaal ka joogo.

Read More »

Sacuudiga oo 360 jeedal ku xukumay 74 jir u dhashay Britain oo qaba Cancer-ka wadnaha ku dhaca

0 Visits: 695 | Tuesday October 20, 2015 - 10:13:44
Maxkamad ku taala Magaalada Jaddeh, ayaa waxay xukun aad u adag ay ku riday Karl Andree oo ah 74 sano jir u dhashay dalka Britain, ka gadaal markii gurigiisa laga helay qamriga guryaha lagu sameeyo. Karl Andree, ayaa waxaa bishii August ee sanadkii hore lagu xiray Magaalada Jaddeh, waxaana hadda soo…

Read More »

AUSTRALIA: Dibadbax lagu taageerayay Gabar Soomaaliyeed ah lagu kufsaday Nauru (Sawirro)

0 Visits: 818 | Tuesday October 20, 2015 - 09:49:55
Dibadbax ballaaran oo shalay ka dhacay magaalooyin badan oo ka tirsan dalka Australia ayaa lagu taageeray gabadhii Soomaaliyeed ee dhawaan kufsiga loogu geystay dalka Nauru.

Read More »

WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 20KA OKTOOBAR 2015KA

0 Visits: 717 | Tuesday October 20, 2015 - 09:07:27
MADAXWEYNAHA "WAX WALBA OO MADASHAAN KA SOO BAXAAN WAA TALO SOOMAALIYEED, WAANA FULINEYNAA" Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad dheer ee uu ka jeediyay furitaanka shirka madasha wadatashiga Doorashooyinka 2016 ee ka furmay magaalada Muqdisho kaga hadlay arrimo badan oo…

Read More »

Madax ka tirsan maamulka Jubaland oo booqday qabrigii Jaalle Maxamed Siyaad + Sawirro

0 Visits: 941 | Monday October 19, 2015 - 19:31:42
Madax iyo mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Jubaland ayaa markii ugu horeysay booqday qabrigii Jaalle Maxamed Siyaad Barre ee ku yaala degmada Garbahaareey oo ka tirsan gobolka Gedo.

Read More »

Maamulka Ahlu-Sunna oo Ka Soo Horjeestay Shirka ka Socanaya Muqdisho+Dhageyso

0 Visits: 687 | Monday October 19, 2015 - 18:40:55
Madaxweynaha Maamulka Ahlu Sunna Sheikh Maxamed Shaakir ayaa shegay in Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe uu ka soo horjeestay Shirka Maanta ka furmay Magaalada Muqdisho ee loogu hadlayo Hanaanka Doorasho ee Dalka Sanadka 2016.

Read More »

Guddoomiye Jawaari "Aniga diyaar uma ihi inaan noqdo saxiixe"

0 Visits: 641 | Monday October 19, 2015 - 18:24:09
Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa sheegay inuusan diyaar u aheyn inuu noqdo Saxiixe, sidoo kalena aysan jiri doonin wax la dhaho Saxiixayaal.

Read More »

SIILAANYO: Waa in la ilaaliyo Anshaxa suuban ee Tartanka Dimuqraadiga ah (SAWIRRO)

0 Visits: 846 | Monday October 19, 2015 - 17:16:27
Madaxweynaha Somaliland Axmed Max'ed Siilaanyo oo maanta dib ugu soo laabtay Hargeysa, yaa musharaxiinta xisbigiisa kulmiye u tartamaya ugu baaqay inay ka fogaadaan waxyaalaha wiiqaya wadajirka iyo caadifada, isla markaana sheegay inay ixtiraamaan xeer hoosaadka xisbiga iyo wixii dhaawacaya dimuqraadiyadda…

Read More »

Xubnihii gobolka Sanaag u qaabilsanaa Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo la sii-daayay

0 Visits: 680 | Monday October 19, 2015 - 17:13:02
Siddeed xubin oo iskugu jira guddida doorashooyinka gobolka Sanaag iyo NGO guddiga doorashoyinka kala shaqeeya wacyigelinta dadweynaha oo ciidanka Puntland shalay xabsig au taxaabay ayaa maanta laga sii daayey xabsigii ay ku jireen.

Read More »

Xeer ilaaliyaha Qaranka oo sheegay inay adag tahay in cadeymo loo helo kiisaska la xiriira Kufsiga

0 Visits: 664 | Monday October 19, 2015 - 17:05:07
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir, ayaa sheegay inay arin adag tahay cadeymo rasmi ah in loo helo kiisaska la xiriira falalka kufsiga ah ee ka dhaca Magaalada Muqdisho iyo deeganada ku xeeran.

Read More »

FAAHFAAHIN: Dagaal Weli ka Socda Xaafadda Howl-wadaag ee Magaalada Beledweyne

0 Visits: 653 | Monday October 19, 2015 - 16:59:55
Waxaa wali halkiisii ka sii soconaya dagaal culus oo subaxnimadii hore ee saakay ka qarxay xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne. Dagaalka oo la sheegay in markiisii hore uu ka bilaawday muran ka dhashay cashuur la doonayay in laga qaado gadiid kuwa xamuulka ah, ayaa u dhaxeeya labo maleeshiyo…

Read More »

Madaxweynaha Somaliya "Shabaab waa Yaxaas biyihii ka dhamaaday ma dhuuman karo"

0 Visits: 693 | Monday October 19, 2015 - 08:45:09
Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ka qaybgalay Barnaamijka Derisaynta oo lagu qabtay Degmada Howlwadaag, ayaa halkaasi ka sheegay in uu dhamaaday waqtigii Al Shabaab, xilligana Shabaabka ay yihiin kuwa naf la caari ah.

Read More »