Maamulka Ahlu-Sunna oo Ka Soo Horjeestay Shirka ka Socanaya Muqdisho+Dhageyso

0
Monday October 19, 2015 - 18:40:55 in Wararka by
  • Visits: 681
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Ahlu-Sunna oo Ka Soo Horjeestay Shirka ka Socanaya Muqdisho+Dhageyso

    Madaxweynaha Maamulka Ahlu Sunna Sheikh Maxamed Shaakir ayaa shegay in Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe uu ka soo horjeestay Shirka Maanta ka furmay Magaalada Muqdisho ee loogu hadlayo Hanaanka Doorasho ee Dalka Sanadka 2016.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Maamulka Ahlu Sunna Sheikh Maxamed Shaakir ayaa shegay in Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe uu ka soo horjeestay Shirka Maanta ka furmay Magaalada Muqdisho ee loogu hadlayo Hanaanka Doorasho ee Dalka Sanadka 2016.
Waxa uu sheegay in aysan aqbali doonin qodobada ka soo baxa Shirka isla markaana ay sheegeen ineysan ku qanacsaneyn furitaanka shirka.

Sheekh Maxamed Shaakir ayaa xusay in Dowlada Soomaaliya aysan dhex dhexaad ka ahayn Arrimaha gobolada Dhexe isla markaana ay u hiilinaya dhinac,sida uu hadalka u dhigay.


Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe ayaa horay ugu horyimid Shirar ka dhacay magaalada Muqdisho oo u dhaxeeyay beesha caalamka Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Maamul goboleedyada Dalka.



Hadalka madaxweynaha maamulka Ahlu suna Sheikh Maxamed Shaakir ayaa imaanaya xilli magaalada Muqdisho goordhow lagu soo gababeeyay shir arimaha Hiigsiga cusub Soomaaliya looga hadlayay oo madaxda Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada dalka ay ka qeyb galeen.

 

Toos u dhegeyso Idaacadda Risaala
xigasho;- radio risaala.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip