Waddanka Kenya oo Maanta looga Dabaal-dagay Munaasabada Maalinta Geesiyaasha (SAWIRRO)

0
Tuesday October 20, 2015 - 18:25:44 in Wararka by
  • Visits: 734
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waddanka Kenya oo Maanta looga Dabaal-dagay Munaasabada Maalinta Geesiyaasha (SAWIRRO)

    Guud ahaan wadanka Kenya, ayaa maanta waxaa looga dabaal-dagay Munaasabada 20, October oo ku beegan maalinta geesiyaasha Kenya oo Afka- Swahiliga lagu dhaho "Mashujaa" ahna Heroes' Day ama maalinta la xuso hal-gamayaashii Kenya u horse

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guud ahaan wadanka Kenya, ayaa maanta waxaa looga dabaal-dagay Munaasabada 20, October oo ku beegan maalinta geesiyaasha Kenya oo Afka- Swahiliga lagu dhaho "Mashujaa" ahna Heroes' Day ama maalinta la xuso hal-gamayaashii Kenya u horseeday xorriyaddeeda.

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa dad weyne fara badan oo ka qeyb-galaayo dabaal-dagga munaasabaddaan kula hadlay garoonka kubada cagta lagu ciyaaro ee Nyayo Stadium oo ku yaallo magaalada Nairobi.

Wuxuuna shacabka Keenyaanka ah u rajeyay horumar, isagoona ugu baaqay inay iska kaashaadaan wax kasto oo dhibaato u keeni karo dalkooda.

Dhanka kale isku-duwaha gobolka Nairobi oo lagu magacaabo Njoroge Ndirangu, ayaa sheegay in ammaanka magaalada Nairobi kor loo qaaday, feejignaan sarana la galiyay ciidamada qalabka sida si ay oga hortagaan cid kasto oo dhibaato damacsaneyd.

Maanta oo fasax guud (Public Holiday) ka ah dalka Kenya, waxaa lagu xasuustaa dadkii madax-bannaanida Kenya horseedka u ahaa oo ay ka mid ahaayeen dhaq-dhaqaaqii Mau Mau iyo hogaamiyaashii loo yaqiinay (Kapenguria Six) ama lixda Kapenguria oo loogu magac daray Xabsigii lagu xiray oo ku yaallo magaalada Kapenguria ee deegaanka West Pokot, Kenya xiligii ay ku jireen halgankoodii gobanimo doonka ahaa.

Lixdaas shaqsi oo uu ka mid ahaa Madaxweynihii hore ee dalka Kenya, Jomo Kenyatta oo dhalay Madaxweynaha hadda hogaamiyo waddanka Kenya, ayaa waxey ka mid ahaayeen shaqsiyaadka Kenya looga qadariyo iney ahaayeen geesiyaashii qaarkood loo-dilay kuwa kalana ay xabsiyo u galeen sidii ay waddankooda oga xorreyn lahaayeen gumeystayaashii Ingiriiska ee ku soo duulay.

Munaasabada 20, October, ayaa dhanka kale waxey ku beegan tahay maalintii xabsiga laga sii daayay madaxweynihii horee Kenya, Jomo Kenyatta. Waxaana horay loogu yaqaanay Kenyatta Day balse waxaa markii danbe lagu badalay "Mashujaa day" oo ah maalinta geesiyaasha.

Kenya oo hadda xaga horumarka safka hore oga jirto wadamada ku yaallo bariga qaarada Africa, ayaa xornimadeedii ka qaadatay wadanka Britain 12, December, 1963. Waxeyna si buuxdo dadka Kenyan-ka ah ay ula wareegeen maamulka dalkooda sannad kaddib 12-ka, December, 1964.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip