Xeer ilaaliyaha Qaranka oo sheegay inay adag tahay in cadeymo loo helo kiisaska la xiriira Kufsiga

0
Monday October 19, 2015 - 17:05:07 in Wararka by
  • Visits: 670
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xeer ilaaliyaha Qaranka oo sheegay inay adag tahay in cadeymo loo helo kiisaska la xiriira Kufsiga

    Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir, ayaa sheegay inay arin adag tahay cadeymo rasmi ah in loo helo kiisaska la xiriira falalka kufsiga ah ee ka dhaca Magaalada Muqdisho iyo deeganada ku xeeran.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir, ayaa sheegay inay arin adag tahay cadeymo rasmi ah in loo helo kiisaska la xiriira falalka kufsiga ah ee ka dhaca Magaalada Muqdisho iyo deeganada ku xeeran. Axmed Cali Daahir, ayaa wuxuu sheegay marka uu dhaco Kufsiga inay muhiim tahay in maxkamada horteeda la keeno cadeymo rasmi ah oo muujinaya in fal kufsi ah dhacay, balse inta badan aanan la helin cadeymo rasmi ah.

Wuxuu sheegay Xeer ilaaliyaha in inta badan falalka kufsiga uu ka dhaco meelo ka baxsan Magaalada ama meelaha ay ku nool yihiin dadka Barakacayaasha ah.

"Kufsi ma dhacay, Haa waxaa lagaa rabaa cadeyn miiska Maxkamada Cadeyn inaad keentid, waa ay adag tahay in la cadeeyo Kiisaska Somaliya ka dhacaayo ee Kufsiga sababtana waxa waaye waad og tihiin, Badanaa Kufsiga wuxuu ka dhacaa meelo ka baxsan Magaalooyinka, ama meelaha ay degan yihiin dadka danyarta ah ama gabar reer baadiye ah nin baa meel ku kufsanaya, kadibna gabadhii waxa ay imaanaysaa Hay’ad ama meel Dowladeed waxa ay imaanaysaa goor xeero iyo fandhaal kala dhaceyn.” Ayuu yiri Xeer ilaaliyaha Qaranka oo ka qaybgalaayay kulan looga hadlaayay arimaha Kufsiga oo Muqdisho ka dhacay.

Inta badan waxaa adag helida cadeymo rasmi ah oo muujinaya haweenka falka kufsiga ah loo geysto, inkastoo ay jiraan kiisas been ah oo Hay’adaha qaar ay ku qaraabtaan, iyaga oo lacag siiya haween kadibna sheegaya in la kufsaday.

Kiisaska kufsiga la xiriira deeganada Somalida waa mid ku badan, hayeeshe sida Kufsiga uu u badan yahay uma badna cadeymaha dhabta ah ee loo helo.

XIGASHO:0 DHACDO.COM




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip