Xasan Sheekh oo war ka soo saaray Mowliidka, farriina u diray dadka Soomaaliyeed

0
Saturday September 14, 2024 - 22:36:37 in Wararka by Hamda Omar
  • Visits: 109
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xasan Sheekh oo war ka soo saaray Mowliidka, farriina u diray dadka Soomaaliyeed

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa farriin ka soo saaray Xuska dhalashada Nebi Muxamed (NNKH) oo berri la qorsheeyey in si weyn looga xuso Soomaaliya.

"Waxaan hambalyo iyo salaan diirran u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Muslimiinta adduunka, maalinta sharafta leh ee dhalashada Nabigeena Muxamed (Naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa ha ahaatee)” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in maalintaan barakeysan ay tahay fursad aan ku xasuusanno naxariista, jacaylka iyo caddaalada uu Nabigu u muujiyay Aadanaha.

          "Waa in aan ku dayano wanaagga iyo dhaqanka suuban ee Nabiga, kuna dayano tilmaamihiisa qiimaha badan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheek oo caawa farriintaan soo saaray.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa umadda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ilaaliyaan midnimada, wadajirka iyo walaalnimada dhexdooda ah.

"Waxaan Alle weydiisaneynaa in uu nagu karaameeyo Xuska Nabi Muxamed (NNKH) oo naga yeelo kuwa raaca sunnadiisa,” ayaa yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

       Berri waa 12-ka bisha Mowliid, sida caadiga ah dhamaan dadka Soomaaliyeed waxay xusaan dhalashadii Nabigeenna Muxamed CSW, waxaana xuskaan caan ku ah culimada Ahlusunna Waljamaaca iyo dhamaan umadda muslimiinta ah ee jecel Nabigooda.

Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay qoraal ka soo baxay wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada, taasi oo lagu fasaxay dhamaan shaqaalaha dowladda, si loo weyneeyo maalintaan qiimaha badan.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip