FAAHFAAHIN: Dagaal Weli ka Socda Xaafadda Howl-wadaag ee Magaalada Beledweyne

0
Monday October 19, 2015 - 16:59:55 in Wararka by
  • Visits: 659
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    FAAHFAAHIN: Dagaal Weli ka Socda Xaafadda Howl-wadaag ee Magaalada Beledweyne

    Waxaa wali halkiisii ka sii soconaya dagaal culus oo subaxnimadii hore ee saakay ka qarxay xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne. Dagaalka oo la sheegay in markiisii hore uu ka bilaawday muran ka dhashay cashuur la doonayay in laga qaado gadi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa wali halkiisii ka sii soconaya dagaal culus oo subaxnimadii hore ee saakay ka qarxay xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne. Dagaalka oo la sheegay in markiisii hore uu ka bilaawday muran ka dhashay cashuur la doonayay in laga qaado gadiid kuwa xamuulka ah, ayaa u dhaxeeya labo maleeshiyo beelleed oo wadda dega xaafadda uu dagaalku ka soconayo.

Ciidammo ka tirsan kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM, gaar ahaan kuwa Itoobiya ayaa u dhaqaaqa goobaha ay ku dagaalamayaan dhinacyada iska soo horjeeda, balse waxaa muuqata in wali rasaastu halkeedii ka sii socto mar marka qaarna la maqlayo hub culus oo ay is-weydaarsanayaan dhinacyada iska soo horjeeda.

Inkastoo ilaa iyo hadda aan la ogeyn tirada dhimashada iyo dhaawaca, ayaa dhinaca kale warar soo baxaya sheegayaan in uu jiro khasaare ballaaran, madaama uu dagaalka ahaa mid si deg deg ah ku bilaawday xili ganacsiga iyo isku socodka dadka iyo gadiidka ahaa mid furan.

Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka magaalada ayaa ugu baaqaya dhinacyada iska soo horjeeda in ay xabada joojiyaan wixii khilaaf ah ee jiranna ku dhameeyaa wadda-hadal.

Maleeshiyada labada beellood oo marar badan oo hore siddan oo kale ugu dagaallamay xaafadda Howl-wadaag ayaa la leeyahay dagaalka maanta mar kale ka dhax-qarxay kama marna arrimo siyaasadeed.

Lama oga tallaabada ay ciidanka dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM qaadi doonnaan saacadaha nagu soo foolka leh haddii uu dagaalku siddan ku sii socdo




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip