Madaxweynaha Somaliya "Shabaab waa Yaxaas biyihii ka dhamaaday ma dhuuman karo"

0
Monday October 19, 2015 - 08:45:09 in Wararka by
  • Visits: 684
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Somaliya "Shabaab waa Yaxaas biyihii ka dhamaaday ma dhuuman karo"

    Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ka qaybgalay Barnaamijka Derisaynta oo lagu qabtay Degmada Howlwadaag, ayaa halkaasi ka sheegay in uu dhamaaday waqtigii Al Shabaab, xilligana Shabaabka ay yihiin kuwa naf la caari ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ka qaybgalay Barnaamijka Derisaynta oo lagu qabtay Degmada Howlwadaag, ayaa halkaasi ka sheegay in uu dhamaaday waqtigii Al Shabaab, xilligana Shabaabka ay yihiin kuwa naf la caari ah. Madaxweynaha wuxuu sheegay Al Shabaab inay la mid yihiin Yaxaas Biyo ka dhamaaday, taasi oo uu ula jeedo waqtigii ay awooda lahaayeen Shabaabka inay dhamaadeen oo hada aysan laheyn itaal badan.

Waxa kale uu sheegay Madaxweynaha Somaliya in dhawaan la soo afjari doono fariimaha hanjabaadaha ah ee Shabaabka ay u diraan dadka, kuna cabsi geliyaan, isaga oo sheegay qof waliba oo Shabaab ka tirsan oo fariin hanjabaad ah u soo dira qof kale in la tagi doono barta uu joogo oo lagu qaban doono.

"Dadka Gobolka Banaadir ku nool guud ahaan waxaan u sheegayaa Maaseej soo dirida waa dhamaanaysaa goor dhaw Ilaaheey idinkiis Mar dhaw ninkii soo dira Maseej meesha uu jooga iyo barta uu ka soo diro ayaa la yaqaanaa waana la soo qabanayaa, Shabaab ma dhuuman karo waa Yaxaas biyihii ka dhamaaday waana naf la caari.” Ayuu yiri Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Isaga oo hadalka sii wata Madaxweynaha Somaliya, waxa uu sheegay inay muhiim tahay in la bixiyo Canshuurta Dowladda si Dowladda Somaliya ay u qabato waxyaabaha ay doonayso.

Madaxweynaha wuxuu sheegay hadii aanan canshuurta la bixin wax badan ay ka dhiman yihiin nidaamka Dowladnimada dalka, sidaasi awgeedna laga rabo shacabka Somaliyed inay canshuurta bixiyaan.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip