
Farxiya Kabayare oo is hortaag lagu sameeyay bandhig faneed ay Muqdisho ku qaban lahayd
Fannaanada Farxiya Kabayare ayaa shaacisay in laga hor istaagay bandhig ay ku qaban lahayd magaalada Muqdisho, waxayna farriin u dirtay taageerayaasheeda magaalada Muqdisho. Farxiya Kabayare ayaa ka gaabsatay cida ka dambeysay is hortaagga
lagu sameeyay bandhig faneedkaasi oo ay sheegtay inay qaban lahayd
sanadka cusub iyo munaasabadda maalinta Jacaylka.
"Hal nin ayaa ka dambeeyay oo kireystay Hotelka City Palace, isagoo waliba shaqsiyaad ahaan iga mamnuucay inaan Hotelkaas ku qabto bandhig faneed” ayay tiri Farxiya Kabayare oo sheegtay inay aad u jeceshahay taageerayaasheeda Muqdisho isla markaana ayna u imaaneyso mar dhow.
Dhinaca kale Fannaanada Kabayare ayaa sheegtay in magaalada Muqdisho ay weyn tahay, isla markaana hal Hotel kaliya aanu jirin, iyadoo sida ay hadalka u dhigtay ninka iyada xayiraadda saaray uu doonayo inuu fannaaniin kale geeyo Hotelkaasi.
Farxiya Kabayare oo is hortaag lagu sameeyay bandhig faneed ay Muqdisho ku qaban lahayd
Fannaanada Farxiya Kabayare ayaa shaacisay in laga hor istaagay bandhig ay ku qaban lahayd magaalada Muqdisho, waxayna farriin u dirtay taageerayaasheeda magaalada Muqdisho.