WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 20KA OKTOOBAR 2015KA

0
Tuesday October 20, 2015 - 09:07:27 in Wararka by
  • Visits: 713
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 20KA OKTOOBAR 2015KA

    MADAXWEYNAHA "WAX WALBA OO MADASHAAN KA SOO BAXAAN WAA TALO SOOMAALIYEED, WAANA FULINEYNAA" Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad dheer ee uu ka jeediyay furitaanka shirka madasha wadatashiga Doorashooyinka 2016 ee k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNAHA "WAX WALBA OO MADASHAAN KA SOO BAXAAN WAA TALO SOOMAALIYEED, WAANA FULINEYNAA" Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad dheer ee uu ka jeediyay furitaanka shirka madasha wadatashiga Doorashooyinka 2016 ee ka furmay magaalada Muqdisho kaga hadlay arrimo badan oo aad u muhiim ah.Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in madashaan ay tahay mid ay leeyihiin dhammaan shacabka Soomaaliyeed, ayna matalayaan xubnaha shirsan. Waxaa uu sheegay in saddexdii Sano ee la soo dhaafay ay dowladiisu u howl gashay fulinta Hiigsiga cusub ee 2016ka, arrimo badanna ay u qabsoomeen.

"Mudadii Saddaxda Sano ahayd ee lasoo dhaafay waxaan u howlgalnay Fulinta Hiigsiga 2016ka, oo ka kooban Seddax tiir oo waaweyn muhiimna ah, Tiirka 1aad ayaa ah dhismaha Nidaam Federaal ah oo dalka uu yeesho, shalay waxaa inoo dhisan dowlad gobaleedyo matala shacabka intiisa badan, halkaan ayeeyna joogaan, golahaan ayeey fadhiyaan, iyaga oo matalaya shacabkii doortay oo ay wakiilka ka ahaayeen, waxaan rajeynayaa in inta hartayna la dhameystiri doono sida ugu dhaqsiyaha badan oo aan wada tashigaan intaanu dhamaan sanadka dhamaadkiisa iyaguna ay nagu soo biiri doonaan hadii uu Alle Idmo, tiirkaas ka tirsan 2016 meel wanaagsan ayuu soo gaaray, wixii dhameystirkiisa ahna si qurxoon ayeey u dhameystirmi doonaan”

"Tiirka Labaad waxa uu ahaa dib u eegista Dastuurka Federaalka ah oo howshiisa ay socoto, iyadana howshiisa si lixaad leh ayeey u socoto, goor dhawna golaha shacabka iyo dadweynaha billaabi doonaan doodo dib loogu eegayo qeybaha kala duwan ee Dastuurka, shalay wey inoo wada dhisan yihiin hay’adihii inoo wada fulin lahaa howlaha dib u eegista Dastuurka, ee uu tilmaamayay Dastuurkeenii KMG ee shalay jira, waxa noo dhiman waxay tahay inaan boorkana ka qaadno dibna u xaab xaabinno si aan u helno Dastuur dib loo eegay, dadka Soomaaliyeedna danahooda u taagan oo u adeegaya, dhawaan waxaan rajeyneynaa arrintaan in meel fiican oo gunaanad ah soo gaari doonto”

"Tiirka Seddaxaad waxa waaye kan Dimuqraadiyeenta dalka, dalka Soomaaliya waayo dhib badan iyo qaab dowladeed oo dhib badan ayuu taarikhiyan horay usoo maray, meelo badan waxbaa naga murgacaday, si aanay waayo aragnimadaasi oo kale usoo noqon dalka waa in mabaadi dimuqraadi ah iyo dhaqanka dimuqraadiga ah ee aduunyadu taqaano inaan ku dhaqanno oo raacno weeye tiirka Seddaxaad, howsha dimuqraadiyadda dalka iyo doorashooyinka 2016 shalay waxa aynu fadhinno daahfurka wada tashigeeda, arrintaas dimuqraadiyadda waxaa ugu horeeya in dadka ay doortaan dadka matalaya, waqtina ay siiyaan iyo Mandate, marka uu ka dhamaadana mar kale dadka talo loogu noqdo oo la weydiiyo, Soomaaliya muddo fog ayaa ugu dambeysay doorasho inay ka dhacdo, waxaan rabnaa in hadda ay ka dhacdo midda suurta galka ah oo aan isku wada raacsannahay una aragno in danta Soomaaliya ka jawaabayso” ayu yiri Madaxweyne Xasan SheekhSidoo kale madaxweynaha ayaa sheegay in howlaha hiigsiga 2016ka ay barbar socotay arrimo badan oo ay ka mid tahay dib u hesiishiin iyo ka shaqeynta amniga.

"Howlaha Hiigsiga 2016, waxaa garab socday sugidda amniga, xureynta deegaanada, dib u dhiska Hay’adaha dowladda, dhismaha ciidamada qalabka sida, dib u heshiisiinta, dib usoo celinta adeegyada bulshada iyo xoojinta xiriirka caalamiga ah, ulajeedadiidu shalay ma ahan inaan faah faahiyo wax qabadkii mudadii lasoo dhaafay, laakiin in aan si guud u dul marno weeye, waxaynu hiigsanay 2016ka inaan gaarno doorasho, waxaanu hiigsaneynay in 2016ka aynu gaarno doorasho Hal qof iyo Hal cod ah, laakiin waxaan dhammaanteen isla garwaaqsannay in daruufaheena shalay inoo saamaxayn gaaridda yoolkaasi, hadaba hadii aynu gaari karin sidaas aan jecleen waa inaan sameynaa sida inala gudboon shalay oo aan sameyn karno, Soomaalida waxay ku maahmaahdaa, Salaad sida ay kugu qabato ayaa loo tukadaa, dulucda hadalka aan ka leeyahay waxay tahay inaan ka tashanno maxaa inoo suurta gal ah, innaga oo maanka ku wada hayna inaynu ilaalsanno wixii inoo qabsoomay ee ahaa kalsoonida dadkeena ka dhaxeysa amniga iyo nabadda soo noqotay inaan iyadana ilaalinno, hay’adaha qaran iyo maamullada inoo dhismay iyaguna inaan ilaalinno, hadii ay ahayd in hal qof iyo hal cod aan gaarno oo daruufo jiro awgood aan gaari weyno waan iska dhaafnay doorasho iyo sheekadeed miyaan leenahay, mise hadba sida ay inoogu qabsoomi karto iyo waxa suurta galka ah ayaan qabaneynaa, waana midda aan shalay u fadhinno inaan ka wada tashanno, hadii aan dib usii eegno oo aan ka wada tashanno xal baa imaanaya, wadaashiga waa billaw shalay, wax walbana shalay in ay ku dhamaadaan marna uljeedaduuna ma ahan” ayuu hadalkiisa ku daray madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan ayaa khudbadiisa ku sheegay in xilligaan aan haatan la haysan waqti badan, loona baahan yahay in laga faa’ideysto waqti dhiman, laguna dhumin is qabqabsi ama fara isku taag.

"Waxaan rabaa inaan walaalaha Soomaaliyeed u sheego, waqtiga aad ayuu noogu yar yahay, mahaysanno waqti badan, qof waa ku doodi karaa waqti badan ayaan soo dayacnay, fursado badan ayaan soo dhuminay, laakiin walaalkaas ama walaashaas waxaan leenahay shalay mid kale yaanan dhumin, muran, dood, is qabqabsi, iyo fara isku fiiq yaan shalay mar kale ku dhumin in waqtiga uu hadana na seego, waxaan jeclahay inaan umadda Soomaaliyeed u sheego in ay iyadu tahay cidda tashanaysa, go’aankana gaaraysa, waa lasoo dhaafay xilliyadii qaraaraa ee taladeenu dibadda noogaga imaan jirtay, amma dibadda aan u doonan jirnay, shalay waxaan ku tashaneynaa dalka gudahiisa, waxaa tashanayana waa Soomaali, waxa barnaamijyada sameysanaya qaabka loo tashanayo sameysanayana waa Soomaali”

"Wey mahadsanyihiin saaxiibadeena caalamiga ah ee mar walba nala garab taagan taageerada farsamo, midda maaliyeed iyo tan tashkiilaadda ah sidaan wax u qabsan lahayn, aad iyo aad ayaan uga mahad celinaynaa, laakiin dadka Soomaaliyeed waa inay ogaadaan, shalay tacabka inuu iyaga u go’an yahay howshana iyaga laga rabo” ayuu hadalkiisa raaciyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhinaca kale madaxweynaha ayaa ballan qaaday hadii ay yihiin hogaanka dalka inay ku dhaqaaqaan fulinta wax walba oo kasoo baxa madasha shirsan.

"Hadii aynu nahay hogaanka dalka, waxaanu ballan qaadeynaa fulinta talooyinka lagu soo gaaro madashaan, wax walba oo madashaan kasoo baxaan waa talo Soomaaliyeed, hogaankuna waa ku qasban yahay inuu raaco taladaasi, hadii aanan rabin, garwaaqsanayn, ballan qaadi karayn markii horeba ma aanay fududeyn lahayn madashaan in la’isugu yimaado”

Madaxeynaha ayaa ka codsay dhammaan xubnaha ka qeybgalaya shirkaan in waxyaabaha aan madasha la xiriirin ee aan madashaasi ahayn in aan halkaasi looga hadlin, oo meelaha kale ee ay leeyihiin looga hadlo.

Shirka madasha wadatashiga doorashada 2016 ee shalay ka furmar magaalada Muqdisho waxaa ka qeybgalaya madaxda sare ee dowladda Federaalka, madaxda maamul gobaleedyada, xubno ka socda gobalada Shabellaha Dhexe, Hiiraan, Gobalka Banaadir iyo xubno matalaya ururada bulshada.

GUDDOOMIYE JAWAARI "ANIGA DIYAAR UMA IHI INAAN NOQDO SAXIIXE”..

Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa sheegay inuusan diyaar u aheyn inuu noqdo Saxiixe, sidoo kalena aysan jiri doonin wax la dhaho Saxiixayaal.

Xubnaha shalay shirka u furmay ayuu kula dardaarmay in ay ka fikiraan waxa ay soo saari doonaan, isaga oo ballan qaaday in baarlamaanka uu taageeri doono wixii madashaasi laga soo saaro.

Seddaxda qodob ee ugu muhiimsan xilligaan waxa uu sheegay inay ka mid yihiin dhameystirka Dastuurka, Dimuqraadiyadeenta dalka, iyo Federaalka."Haatan waxaynu leenahay Dastuur, Aniga diyaar uma ihi inaan noqdo saxiixe, madaxweynahana sidoo kale, Baarlamaan ayaa jira mana jirayaan wax saxiixayaal la yiraahdo, baarlamaanka waxa uu diyaar u yahay go’aan kasto oo aad gaartaan inaan soo dhaweynno, hadii uusan Dastuurka waafaqsneyn xitaa waa la waafajin doonaa, laakiin waa in arrimaha aad soo xuleysaan ha noqdaan kuwo laga eegayo meelo badan” ayuu yiri Gudoomiye Jawaari.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya, ayaa wuxuu sheegay in Baarlamaanka Somaliya uu wada tashi joogto ah la yeelan doonaan Baarlamaanada Maamul Goboledyada.

"Baarlamaanka Federaalka gacan buuxda iyo wadatashi joogta ah ayuu la yeelan doonaa baarlamaanada maamul gobaleedyada kuwa jira iyo kuwa dhismi doona, waxaana diyaar u nahay in arrintaan aan fulinno”

"Waxaan galnay marxalad xasaasi ah, ka gudubkeeda waxa uu ubaahan yahay midnim codkeena mid yahay, go’aanka aan gaareyno yahay mid maskax Soomaaliyeed kasoo shiilmay” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay gudoomiyaha.

 

 

MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA "SHAB AAB WAA YAXAAS BIYIHII KA DHAMA ADAY MA DHUUMAN KARO"

Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo habeen hore ka qaybgalay Barnaamijka Derisaynta oo lagu qabtay Degmada Howlwadaag, ayaa halkaasi ka sheegay in uu dhamaaday waqtigii Al Shabaab, xilligana Shabaabka ay yihiin kuwa naf la caari ah. Madaxweynaha wuxuu sheegay Al Shabaab inay la mid yihiin Yaxaas Biyo ka dhamaaday, taasi oo uu ula jeedo waqtigii ay awooda lahaayeen Shabaabka inay dhamaadeen oo hada aysan laheyn itaal badan.

Waxa kale uu sheegay Madaxweynaha Somaliya in dhawaan la soo afjari doono fariimaha hanjabaadaha ah ee Shabaabka ay u diraan dadka, kuna cabsi geliyaan, isaga oo sheegay qof waliba oo Shabaab ka tirsan oo fariin hanjabaad ah u soo dira qof kale in la tagi doono barta uu joogo oo lagu qaban doono.

"Dadka Gobolka Banaadir ku nool guud ahaan waxaan u sheegayaa Maaseej soo dirida waa dhamaanaysaa goor dhaw Ilaaheey idinkiis Mar dhaw ninkii soo dira Maseej meesha uu jooga iyo barta uu ka soo diro ayaa la yaqaanaa waana la soo qabanayaa, Shabaab ma dhuuman karo waa Yaxaas biyihii ka dhamaaday waana naf la caari.” Ayuu yiri Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Isaga oo hadalka sii wata Madaxweynaha Somaliya, waxa uu sheegay inay muhiim tahay in la bixiyo Canshuurta Dowladda si Dowladda Somaliya ay u qabato waxyaabaha ay doonayso.Madaxweynaha wuxuu sheegay hadii aanan canshuurta la bixin wax badan ay ka dhiman yihiin nidaamka Dowladnimada dalka, sidaasi awgeedna laga rabo shacabka Somaliyed inay canshuurta bixiyaan

XEER ILAALIYAHA QARANKA OO SHEEGAY INAY ADAG TAHAY IN CADEYMO LOO HELO KIISASKA LA XIRIIRA KUFSIGA

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir, ayaa sheegay inay arin adag tahay cadeymo rasmi ah in loo helo kiisaska la xiriira falalka kufsiga ah ee ka dhaca Magaalada Muqdisho iyo deeganada ku xeeran.

Axmed Cali Daahir, ayaa wuxuu sheegay marka uu dhaco Kufsiga inay muhiim tahay in maxkamada horteeda la keeno cadeymo rasmi ah oo muujinaya in fal kufsi ah dhacay, balse inta badan aanan la helin cadeymo rasmi ah.

Wuxuu sheegay Xeer ilaaliyaha in inta badan falalka kufsiga uu ka dhaco meelo ka baxsan Magaalada ama meelaha ay ku nool yihiin dadka Barakacayaasha ah.

"Kufsi ma dhacay, Haa waxaa lagaa rabaa cadeyn miiska Maxkamada Cadeyn inaad keentid, waa ay adag tahay in la cadeeyo Kiisaska Somaliya ka dhacaayo ee Kufsiga sababtana waxa waaye waad og tihiin, Badanaa Kufsiga wuxuu ka dhacaa meelo ka baxsan Magaalooyinka, ama meelaha ay degan yihiin dadka danyarta ah ama gabar reer baadiye ah nin baa meel ku kufsanaya, kadibna gabadhii waxa ay imaanaysaa Hay’ad ama meel Dowladeed waxa ay imaanaysaa goor xeero iyo fandhaal kala dhaceyn.” Ayuu yiri Xeer ilaaliyaha Qaranka oo ka qaybgalaayay kulan looga hadlaayay arimaha Kufsiga oo Muqdisho ka dhacay.

Inta badan waxaa adag helida cadeymo rasmi ah oo muujinaya haweenka falka kufsiga ah loo geysto, inkastoo ay jiraan kiisas been ah oo Hay’adaha qaar ay ku qaraabtaan, iyaga oo lacag siiya haween kadibna sheegaya in la kufsaday.

Kiisaska kufsiga la xiriira deeganada Somalida waa mid ku badan, hayeeshe sida Kufsiga uu u badan yahay uma badna cadeymaha dhabta ah ee loo helo.

MADAXWEYNAHA OO KA QEYB GALAY

XAFLAD DERISEYN AH..

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Wasiirka arrimaha gudaha Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, Guddoomiyaha gobolka banaadir Mudane Xasan Maxamed Xuseen "Muungaab” iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qeyb galay muunaasabadani lagu soo bandhigayay barnaamijka diriseenta,oo laga hirgaliyay 9 degmo oo ka tirsan gobalka Banaadir.

Kulanka waxaa kaloo ka qeyb galay qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka, iyadoo xafladda lagu qabtay xarunta Degmada Howlwadaag.

Agaasimaha barnaamijka diriseenta Cabdixakiim Maxamed Haadi ayaa sheegay in faa’ideeyin badan laga dhaxlay mashruuca dirisenta, oo ah in la isku xiro bulshada kunool degmada oo ay noqdaan kuwa wada shaqeeya oo isku gar gaara

Gudoomiyaha degmada Howlwadaag ee gobalka Banaadir Ciise Maxamuud Guure oo munaasabada ka hadlay ayaa dhankiisa sheegay in maamulka iyo bulshada kunool Degmada ay yihiin kuwa si wanaagsan u wada shaqeeya, isla markana ay sababtay in barnaamijka diriseenta laga hirgaliyo Degmada.

Gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xusen "Mungaab” ayaa tilmaamay in ujeedka laga leeyahay ay tahay sidii bulshada iyo maamulka degmada ay iska warqabi lahaayeen oo ay noqdaan kuwa isku xiran oo og, cidkasta oo habeenkaas degmada ku soo biirta.

Sidoo kale Duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in lagu guuleystay in la isku xiro maamulka degmada bulshada iyo hey’adaha ammaanka kadib marki la hirgeliyay barnaamijka diriseenta.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud oo ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in dadka Soomaaliyed ay ka foojig naadan dhagarta Kooxda Nabaddiidka ah ee UGUS, isla markana ay la shaqeeyan Hey’adaha ammaanka Qaranka, si looga hortago cidkasta oo amni darro abuureysa.

Madaxweynaha ayaa ku amaanay guddoomiyaha gobalka Banaadir iyo Howl wadeenadiisa sida ay u dardar geliyeen hirgelinta barnaamijka darisenta, isagoo shacabka ugu baaqay inay bixiyaan canshuurta, si loogu adeego bulshada.

UGU YARAAN 8RUUX OO KU GEERIYOO TAY DAGAALKII SHALAY KA DHACAY MAGAALADA BELEDWEYN

illaa sideed ruux ayaa ku geeriyootay, tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib dagaal shalay duhurkii ka dhacay xaafada howlwadaag ee galbeedka magaalada Beledweyn ee Gobolka Hiiraan.

Dagaalka oo u dhaxeeyay labo maleeshiyo beeleed ayaa ka dambeeyay, markii mid ka mid ah maleeshiyada ay weydiisatay in lacago canshuur ah laga siiyo gaari xamuul ahaa, waxaana kadib bilowday dagaal.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka ay ka qeyb qaateen gaadiidka dagaalka ee Tiknikada loo yaqaano, waxaana taasi keentay in khasaaraha uu xoogeysto.

Ugu yaraan qof rayid ah ayaa la xaqiijiyay inuu dagaalka ku dhintay, halka saddex kale oo rayid ahaa ay ku dhaawacmeen, waxaana dagaalkan uu saameyn weyn uu ku yeeshay isu socodka dadka iyo dhaq dhaqaaqa ganacsi.

Dagaalkan ayaa ku soo aaday, iyadoo maalmihii la soo dhaafay xiisado iyo abaabulo ciidan ay ka jireen deegaano ku yaal galbeedka magaalada Beledweyn, waxaana labadan maleeshiyo beeleed ee dagaalamay ay ahaayeen kuwo horay xurguf u dhaxeysay.

Odayaasha iyo waxgaradka magaalada Beledweyn ayaa dalbaday in la joojiyo dagaalka, waxaana ay labada dhinac ugu baaqeen nabad iyo xasilooni.

HAY’ADDA UNHCR OO SI BUUXDA U SHEEGATAY TIRADA SOOMAALIDA DALKOODA DIB UGU SOO LAABTAY.

Warbixin ay soo saartay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ayaa lagu sheegay tirada dadka Soomaalida ah ee dalka Kenya ka soo laabtay tan iyo sanadkii 2014ka.

UNHCR ayaa cadaysay in 5,000 oo qaxooti Soomaaliyeed inay dalkooda hooyo ee Soomaaliya dib ugu soo noqdeen, kuwaasi oo ka kala degay Magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo iyo Gobolka Gedo ee Koonfurta Somaliya.

Hay’adu waxay sheegtay dadkaasi inay heleen caawimaad ay siisay UNHCR, waxaana ka mid ah agab kala duwan in loogu deeqay oo ay ka mid yihiin Alaabta Jiifka, Maro Kaneeco iyo Weelasha raashinka lagu karsado.

Afhayeen u hadlay Hay’ada UNHCR ayaa sheegay in weli xaalada ammaan ee deegano ka mid ah Soomaaliya inaysan hagaagsaneyn, sidaasi awgeedna aanan dib loo celin karin Qaxooti badan oo Soomaali ah.

Qaxootiga ilaa iyo hadda la diiwaan galshay waxay gaarayaan ilaa 4500 oo Qaxooti Soomaali ah, kuwaasi oo doonaya inay dalkooda dib ugu noqdaan.

KOONFUR AFRIKA: AQOONKORORSI LOO QABTAY MACALLIMIINTA QUR’AANKA IYO DUCAADA ..

Aqoonisweydaarsi ay soo qabanqaabiyeen golaha Albayaan ee culumada Soomaaliyeed ee waddanka Koonfur Afrika ayaa waxaa ka qeybqaadanayay khubaro xagga culuunta islaamka ku takhasusay oo wax ka dhiga Jaamacadaha UmulQuraa iyo Daa'if ee baqortooyada Saudi Arabia oo kala ah, Dr. Maxamed C/llaahi Alswat iyo Dr. C/llaahi Mansuur Alcuteybi oo u dhashay dalka Sacuudiga, waxaana ku wehliyay Dr. Yuusuf Maxamed Xuseen oo khabiir Soomaaliyeed oo ku takhasusay diinta Islaamka kuna nool magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika.

Kulankan aqoonkororsiga ah oo noqonaya kii labaad ee sanadkaan la qabto ayaa waxaa ka faa'iideystay ku dhawaad 80ruux oo isugu jiray, imaamyo, khadiibyo, macallimiinta iyo dadka diinta jecel oo isugu jiray Somali iyo ajaanib kale; ayaa waxaa lagu bartay illaa saddex qodob oo muhiim u ah qofka u shaqeynaya diinta Islaamka, kuwaasoo ay kala jeediyeen saddex sheikh, waxaana qodobbadaas ka mid ahaa; xirfadaha ardayga qur’aanka iyo waxbarashada lagu fahamsiin karo dadka, kaalinta iimaanka ee daacinimada iyo danta guud oo la illaaliyo, waxay diinta ka qabto.

Sheekh C/llaahi Sheekh Axmed (Abu Xamza) oo ahaa xiriiriyaha aqoonkororsiga oo aan ka wareysannay qaabka uu u qabsoomay siminnaarka ayaa sheegay in tiradii loogu talogalay ay kasoo qaybgalaan, kuwaasoo ahaa 50qof ayna kor u dhaaftay 75qof, iyadoo ay si weyn uga faa'iideysteen intii kasoo qaybgashay; kuwaasoo jecleystay in marar badan loo qabto aqoon isweydaarsiyada noocan oo kale ah.

Dhanka kale, Sheekh Abuu Xamza ayaa intaas kaddib kula dardaarmay dadka Islaamka ah ee ku nool dalalka ay gaaladu ka taliyaan inay diinta Islaamka weyneynteeda iyo fidinteeda u istaagaan, kana qaybqaataan goobaha lagu kala faa'iideysanayo aqoonta Diinta Islaamka, wuxuuna intaa ku daray in aqoon isweydaaarsiyada noocan ah ay kawadi doonaan dalkan Koonfur Afrika iyo dalalka ku dhowdhow, ujeeddaduna tahay in la helo dadku inay fahmaan inay mas'uul ka yihiin in Diinta Islaamka la fidiyo.

Ugu dambeyn, aqoonkororsigan oo socday maalin ayaa markii lasoo gabagabeeyo ayaa la guddoonsiiyay shahaadooyin intii ka qaybgashay, kuwaas oo aad ugu faraxsanaa ballanqaadayna inay sii wadi doonaan faafinta diinta intii ka shaqeynaysay howlaha diinta, inta diinta jecelna ay billaabi doonaan inay diinta Islaamka fidiyaan.

Mahad Maxamed Sheikh (Istiila) Email: idow@hotmail.co.uk

Johannesburg, Koonfur Afrika xigasho: hiiraan.com

XUBNIHII GOBOLKA SANAAG U QAA BILSANAA GUDDIGA DOORASHO OYINKA SOMALILAND OO LA SIIDAAYAY

Siddeed xubin oo iskugu jira guddida doorashooyinka gobolka Sanaag iyo NGO guddiga doorashoyinka kala shaqeeya wacyigelinta dadweynaha oo ciidanka Puntland daraab xabsig au taxaabay ayaa shalay laga sii daayey xabsigii ay ku jireen.

Xubnahan la xiray ayaa waxa ku jiray guddoomiyaha guddiga doorashooyinka u qaabilsan gobolka Sanaag Axmed Cali Biixi iyo NGO wadani ah oo xaga wacyigelinta kala shaqeeya guddida doorashooyinka Somalilnad kuwaas oo marayay deegaanadda bariga Sanaag, isla markana ku gudda jira wacyigelinta qaadashadda kaadhadhka codbixinta.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland ee gobolka Sanaag Axmed Cali Biixi iyo guddoomiyaha hay'ada samafalka taakulo, Cumar Jaamac Faarax, xildhibaanad Qamar oo ka tirsan golaha deegaanka degmaddda Ceerigabo iyo xubno kale ayaa xorriyadoodi dib u helay ka dib markiii ka wadda hadleen madax dhaqameedka deegaanka Badhan ee lagu xidhay iyo maamulka Puntland ee badhan.

Masuuliyiintan ayaa ku xidhnaa magaaladda Badhan, waxaana hadda ku soo ujeedaan Ceerigaabo oo markii hore ka tageen, kuwaas oo u socday wacyigelinta diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka la filayo inay qabsoonta March, 2017ka.

MADAX KA TIRSAN MAAMULKA JUBALAND OO BOOQDAY QABRIGII JAALLE MAXAMED SIYAAD

Madax iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubaland ayaa markii ugu horeysay booqday qabrigii Jaalle Maxamed Siyaad Barre ee ku yaala degmada Garbahaareey oo ka tirsan gobolka Gedo.

Xubnaha booqay qabrigaasi waxaa ka mid ahaa: K/xigeenka Maxamed Jubaland C/llaahi Sheekh Ismaaciil, Saraakiil ka kala tirsan maamulka Gedo, Dowladda iyo ciidamada AMISOM.

Dhammaanba madaxdii booqatay qabriga Maxamed Siyaad Barre ayaa iyagu halkaasi ugu duceeyay Madaxweynihii hore ee Dowladdii Milateriga oo muddo 21sano ah dalka soo maamuleysay, iyagoona halkaasi ku sugnaa in muddo ah.

Allaha u naxariistee Jaalle Maxamed Siyaad Barre ayaa lagu xusuustaa waxqabadkiisii mudadii uu xukunka dalka hayay kahor intii aanay jabhadaha qabiilka isku bedelay aanay talada ka tuurin, iyadoo Soomaalida inteeda badan qireen in dowladnimada dalka aanay isaga ka harin oo muddo 21sano ka badan dalka uu ku jiro fowdo iyo kala dambeyn la’aan.

MAAMULKA AHLUSUNNA OO KA SOO HORJEESTAY SHIRKA KA SOCANAYA MUQDISHO

Madaxweynaha Maamulka Ahlu Sunna Sheikh Maxamed Shaakir ayaa shegay in Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe uu ka soo horjeestay Shirka Shalay ka furmay Magaalada Muqdisho ee loogu hadlayo Hanaanka Doorasho ee Dalka Sanadka 2016.

Waxa uu sheegay in aysan aqbali doonin qodobada ka soo baxa Shirka isla markaana ay sheegeen ineysan ku qanacsaneyn furitaanka shirka.

Sheekh Maxamed Shaakir ayaa xusay in Dowlada Soomaaliya aysan dhex dhexaad ka ahayn Arrimaha gobolada Dhexe isla markaana ay u hiilinaya dhinac,sida uu hadalka u dhigay.Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe ayaa horay ugu horyimid Shirar ka dhacay magaalada Muqdisho oo u dhaxeeyay beesha caalamka Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Maamul goboleedyada Dalka.Hadalka madaxweynaha maamulka Ahlu suna Sheikh Maxamed Shaakir ayaa imaanaya xilli magaalada Muqdisho goordhow lagu soo gababeeyay shir arimaha Hiigsiga cusub Soomaaliya looga hadlayay oo madaxda Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada dalka ay ka qeyb galeen. Xigasho: radio risaala.com

MAXKAMADDA CIIDAMADA QALABKA SIDA EE GOBOLKA BAAY OO EEDEAYSA NE SHABAAB AH XUKUNTAY

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada Qalabka sida ee dowladda Soomaaliya qaybteeda 6omaad ee magaalada baydhabo ayaa xukun shansano oo xarig ah ku ridday eedaysane Shabaab Xuseen Weerow Isaaq Jilibay oo soo weeraray isaga iyo maleeshiyaad kale 11 bishii Todobaad guri ay daganaayeen guddoomiye kuxigeenkii hore ee degmada Baydhabo Maxamed Isaaq Aflow iyo Wasiirkuxigeenka Xananada xoolaha maamulka koonfur galbeed Soomaaliya Maxamed Cabduqaadir koofi.

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee gobolka Baay Gaashaanlle Aadan Abuukar Axmed ayaa ku dhawaaqay xukunka maxkamadda ay ku ridday Eedaysane Shabaab Xuseen Weerow Isaaq oo maxkamaddu ay ku ridday xukun xabsi Shansano ah Cadaymo badan kaddib.

Muddooyinkii dambe maxkamadda ciidamada qalabka sida qaybta Gobolka Baay waxa ay wadday dadaallo cadaaladda loogu ridayo eedaysanayaasha damacsan daadinta Dhiigga Shacaka soomaliyeed.

WASIIRKA DIFAACA EE SOOMAALIYA OO KA HADLAY CIIDAMADA AY SAMEYSA NAYAAN DALALKA BARIGA AFRIKA

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka Sareeyo Gaas Maxamed Aadan Axmed oo dalka Jabuuti uga qeyb galay shirka Wasiirada difaaca ee dalalka bariga Afrika, loogana hadlayay dhismaha Cidanka heeganka dalalka bariga Afrika ayaa shalay dalka dib ugu soo laabtay, waxaana garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Sareeyo Gaas Maxamed Aadan Axmed oo Warbaahinta Qaranka kula hadlay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa sheegay in sidoo kale uu ka qeyb galay shirka taliyeyaasha ciidamada xoogga ee dalalka bariga Afrika, waxaana uu tilmaamay in ciidamadaasi ay noqon doonaan kuwa heegan u ah inay u gurmadaan dalalka bariga Afrika ee ee amni darrada soo wajahda.

Wasiirka Difaaca ee Xukuumadda Soomaaliya Jeneraal Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini ayaa sheegay in shirka dalalka bariga Afrika oo ka kooban toban dal ay Soomaaliya sanadka soo socda shir guddoomin doonto, isagoo xusay in haddii lagu guuleysto dhismaha ciidanka heeganka ee bariga Afrika ay dabooli doonaan baahiyaha xaga amniga ah ee ka jirta dalalka qaarkii.

OGEYSIIS OGEYSIIS OGEYSIIS

Ogeysiis Muhiim ah oo ay kuu heyso

The Ministry of finance the federal government of somalia

Tender name: Supply and Delivery of Foodstuff to the Somali Police Force

INVITATION FOR TENDER

IFT issue Date: 12th October, 2015

Reference: SPF/001/2015

 

Tender name: Supply and Delivery of Foodstuff to the Somali Police Force

The ministry of finance now invites sealed bids from eligible and qualified candidates for supply and delivery of Foodstuff to the Somali Police Force in Mogadishu.

 

Tender documents containing detailed specifications can be obtained from the procurement office at the Ministry of Finance between 8:30AM to 2:00PM

Candidates must prove that they qualify to participate in public procurement method in providing the

following documents or evidences:

 

1. Certificate of company registration, certificate issued by the ministry of commerce.

2. A declaration of certificate that the candidate have fulfilled the obligation to pay taxes a valid tax compliance certificate must be attached

3. An abstract of the candidates accounts for the last (2) two years 2013and 2014 accompanied by a bank statement for the last 12 months.

4. The supplier should have minimum three years of experience in the commodities industry, particularly agricultural commodities.

5. The winning supplier will be directed with few distribution allocations required by the user department (Police Force Logistics Department)

Bidding will be conducted using the National Competitive Bidding (NCB) method. Bids must remain valid for a period of ninety(90) days from the date of tender opening. The completed tenders in plain sealed envelopes clearly marked "Tender Number SPF/001/2015 for Supply and Delivery of foodstuffs” for the Somali Police Force shall be addressed to the procurement department, ministry of finance at villa Somalia, Mogadishu not later than 25thOctober 2015.

 

The bidders MUST comply with all the instructions and rules of the tender and particularly to ensure that all the forms required are properly completed.

 

Tenders will be opened immediately thereafter the deadline, in the presence of tenders’ representatives who choose to attend the bid opening meeting 26th October at 10:00AM in the ministry of finance procurement office.

Interested bidders must deliver their bids in written form to the address below (in person, or by mail) not later than 25th October 2015 at 2:00PM. Late bids will be rejected.

Please make sure you address your bids at the following address provided below:

 

Procurement Department

 

The Ministry of Finance, Villa Somalia, Mogadishu, the Federal Government of Somalia.

Email: procurement.fgs@gmail.com

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip