Sacuudiga oo 360 jeedal ku xukumay 74 jir u dhashay Britain oo qaba Cancer-ka wadnaha ku dhaca

0
Tuesday October 20, 2015 - 10:13:44 in Wararka by
  • Visits: 689
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sacuudiga oo 360 jeedal ku xukumay 74 jir u dhashay Britain oo qaba Cancer-ka wadnaha ku dhaca

    Maxkamad ku taala Magaalada Jaddeh, ayaa waxay xukun aad u adag ay ku riday Karl Andree oo ah 74 sano jir u dhashay dalka Britain, ka gadaal markii gurigiisa laga helay qamriga guryaha lagu sameeyo. Karl Andree, ayaa waxaa bishii August ee sanadki

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamad ku taala Magaalada Jaddeh, ayaa waxay xukun aad u adag ay ku riday Karl Andree oo ah 74 sano jir u dhashay dalka Britain, ka gadaal markii gurigiisa laga helay qamriga guryaha lagu sameeyo. Karl Andree, ayaa waxaa bishii August ee sanadkii hore lagu xiray Magaalada Jaddeh, waxaana hadda soo baxday in lagu xukumay xukunkaasi. Karl waxa uu qabaa Cancer-ka wadnaha ku dhaca.

Wiil uu dhalay ninkan odayga ah oo lagu magacaabo Simon, ayaa wuxuu si weyn kaga walaacay xukunka adag ee aabihii lagu riday, xilli uu qiray in qamriga uu mamnuuc ka yahay isticmaalkiisa dalkaasi.

"360 jeedal ayay aabahey ku xukuntay Maxkamad Sacuudiga ku taala, waxaa lagu qabtay qamriga guryaha lagu sameeyo, oo ka mamnuuc ah dalka Sacuudiga.” Ayuu yiri Simon Andree oo Warbaahinta la hadlay.

Simon, ayaa yiri "Aabahey waa oday waayeel ah, karbaashka intaa le’egna maaha wax uu xamili karo. Waa waayeel aan tabar lahayn, waxaana ka baqayaa in garaacista uu u dhinto.”

Shacabka reer Britain oo si aad ah kaga naxay xukunkaasi, ayaa waxay Ra’iisal Wasaaraha Britain, David Cameron ugu yeereen in si deg deg ihi uu ku joojiyo xukunkaasi.

Simon oo ka hadlaayay taageerada ay shacabku u muujiyen aabihii, ayaa yiri "Aabahey wuxuu aad ugu farxay taageerada weyn ee loo muujiyay, mana aha wax uu rumeysan karo taageeradaasi. Qof kastana wuu kaga mahadcelinayaa.”

Xukuumadda London, ayaa waxay qaaday tallaabadii ugu weyneyd oo ay ku joojineyso fulinta xukunka lagu riday Karl, waayo waxaa laga cabsi qabaa in xukunkaasi uu u dhinto.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip