Ammaanka Magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo si weyn loo adkeeyay

0
Tuesday October 20, 2015 - 11:51:23 in Wararka by
  • Visits: 695
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ammaanka Magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo si weyn loo adkeeyay

    Shacabka Kenya ayaa maanta xusaya sanad guuradii 52 aad ee kasoo wareegtay maalinta geesiyaasha dalka ee loo yaqaano Mashujaa Day, taas oo sanad walba la xuso. Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa lagu wadaa inuu qaranka ku hogaamiyo dabaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shacabka Kenya ayaa maanta xusaya sanad guuradii 52 aad ee kasoo wareegtay maalinta geesiyaasha dalka ee loo yaqaano Mashujaa Day, taas oo sanad walba la xuso. Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa lagu wadaa inuu qaranka ku hogaamiyo dabaal daga maalinta Mashujaa Day, oo lagu maamuuso dadkii u soo halgamay xoriyadii dalka Kenya waqtigii gumeysiga ilaa xiliyadii ka dambeeyay. Madaxweyne Kenyatta ayaa la filayaa inuu khudbad ku aadan xuska maalintaan u jeediyo shacabka.

Dadka sida weyn loogu xasuusto munaasabadaan ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynihii ugu horeeyay ee dalka Jomo Kenyatta, Tom Mboa, Josiah Mwangi Kariuki, Wangari Mathaai, Martin Shikuku iyo dad kale oo aad u fara badan.

Waxaa maanta fasax ah guud ahaan shaqooyinka dalka Kenya, iyadoo dadka fursad loo siiyo in ay ka qeyb qaataan dabaal daga maalinta geesiyaasha oo horay loogu aqoon jiray Kenyatta Day.

Ciidamada ammaanka dalka Kenya ayaa lagu daadiyay dhamaan wadooyinka Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo ammaanka si weyn ay uga adkeynayaan.

Munaasabadaan ayaa kusoo aaday sanadkaan xili uu dalka Kenya la daalaa dhacayo xasarado dhinaca dhaqaalaha ah iyo eedeymo la xiriira musuqmaasuqa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip